Taarikhda Ayaa Xusi-doonta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo ku Guuleystay Inay Dekedda Keenan Qalabyo Baahi-weyn loo Qabay. Qore Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

0
Thursday August 16, 2018 - 03:39:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarikhda Ayaa Xusi-doonta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo ku Guuleystay Inay Dekedda Keenan Qalabyo Baahi-weyn loo Qabay. Qore Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Taarikhda Ayaa Xusi-doonta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo ku Guuleystay Inay Dekedda Keenan Qalabyo Baahi-weyn loo Qabay. Qore Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikhda Ayaa Xusi-doonta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo ku Guuleystay Inay Dekedda Keenan Qalabyo Baahi-weyn loo Qabay. Qore Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan
Ugu horayn waxan halkan si weyn oo mug leh, Hambalyo uga dirayaa, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, oo nasiib u yeeshay, kuna guulaystay Taarikhda markii ugu horaysay intii Somaliland jirtay iyo mudo dheer ka horba, inay Dekeda Berbera keenan qalab qiimo badan oo casri ah, kaasoo Dekeddu baahi-weyn u qabtay.
Qalabkan oo ah, sadex shay oo wax badan ka tari doona baahida aas-aasiga ah ee Dekedda, isla markaana kor u qaadaya hanaanka shaqo ee Dekedda iyo isticmaalka Maraakibta waaweyn oo si fudud ugu soo xidhan doonaa Marsadeena, Qalabkan cusub ee dhowaan soo gaadhay Dekedda Berbera, ayaa kala ah TUG BOAT ka oo ah, kan soo xidha maraakiibta oo casriya iyo qalabyo kaloo ay ka mid yihiin PILOT BOAT iyo weliba Dab-demiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd.
Sidaas daraadeed, waxan leeyahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, aduunka taarikhbaa ka hadhee, Maanta waxad umaddiina u keenteen dhaxal wanaagsan oo qiimo badan, waana talaabo aad dheer tihiin intii Madaxweyne ee Somaliland soo martay iyo weliba intii maareeye ee Dekedda Berbera soo maamulay,  oo aanu jirin maasuul taray Dekedda Berbera wax, iyadoo ay xusid mudan tahay in Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi inuu sannaad gudihii guulo lama ilaawan ah gaadhsiiyey marsada Berbera.
Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, waxa uu ku guuleystay inuu dekedda Berbera keeno Taagan cusub oo 3000 oo horse power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, isla markaana la keenay sanadkii 1976,-kii oo ay keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Taagan cusub oo ah nooc casriya ayaa maamulka dekedda Berberi ka soo Iibiyey dalka Turkiga, waxaanu Taagani wataa qalab dheeraad ah oo dekeddu u baahan tahay xiligan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dab-demiska (Syma boats). Sidoo kale, Pilot boat oo casri ah, kaasoo qadaya pilots Somaliland si ay u so xidhan halka ay awal huudhi yar raci jireen.
W/Q
Aqoonyahan 
Saki Saleeban Xasan
Saakisu122@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured