Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Warwareegaya Iibintii Buuga ee Madaxweynuhu Ballan-qaaday.

0
Wednesday August 15, 2018 - 03:46:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Warwareegaya Iibintii Buuga ee Madaxweynuhu Ballan-qaaday.

    Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Warwareegaya Iibintii Buuga ee Madaxweynuhu Ballan-qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Warwareegaya Iibintii Buuga ee Madaxweynuhu Ballan-qaaday.
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa illaa hadda fulin ballan-qaadkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20ka Feberweri, kaas oo ahaa in xukuumaddu ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo sare u iibin doonto buugaagta waxbarashada.

Walaw uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi saxeexay lacagtii buugaagta lagu iibin lahaa, isla markaasna uu dhawr jeer ku amray Wasiirka maaliyadda in uu bixiyo lacagtaas, waxa uu wasiirku ka warwareegayaa fulinta ballanka uu madaxweynuhu uga sheegay fagaaraha. "Duufaan ayaa dhacay. Tukaraq buu dagaal ka socdaa” iyo wax la mid ah qiil ka dhiganayaa Wasiirka maaliyaddu.


Dhanka kale waxa uu khilaaf xooggani soo kala dhex galay wasiirka waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, kaas oo ka dhashay markii wasiirka maaliyaddu uu muddo bilo ah ka meeraysanayay fulinta ballanka madaxweynaha.

Iyada oo dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ahba la furay 11kii Ogos 2018ka, lama oga sida uu Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi u hirgelin doono ballanka Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi u qaaday ardayda iyo tallaabada uu ka qaadi doono wasiirka baajiyay axdigii ay ka sugaayeen kumannaanka arday ee Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured