Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keenta Taaga Maraakiibta Waaweyn Soo Xidha Iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Dedaal Dheer u Geliyey....

0
Monday August 13, 2018 - 19:33:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keenta Taaga Maraakiibta Waaweyn Soo Xidha Iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Dedaal Dheer u Geliyey....

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keenta Taaga Maraakiibta Waaweyn Soo Xidha Iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Dedaal Dheer u Geliyey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keenta Taaga Maraakiibta Waaweyn Soo Xidha Iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Dedaal Dheer u Geliyey....
Berbera(Xogreebnews) –Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa taarikhda Markii u horaysay intii Somaliland jirtay Ku guuleystay Maanta Dekedda Caalamiga ee Berbera inay keento Taag cusub oo maraakiibta waaweyn soo xidhi doonaa Marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Taagan Cusub, ayaa Maanta kusoo xidhay Haabadda Dekedda, kasoo si rasmiya usoo galay Gacanta Dawladda. Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa ku guuleystay inuu dekedda Berbera keeno Taagan cusub oo 3000 oo horse power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, isla markaana la keenay sanadkii 1976,-kii oo ay keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Taagan cusub oo ah nooc casriya ayaa maamulka dekedda Berberi ka soo Iibiyey dalka Turkiga, waxaanu Taagani wataa qalab dheeraad ah oo dekeddu u baahan tahay xiligan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dabdemiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd.
Sidoo kale, Waxa qalabkan Kamid ah Pilot boat oo casri ah, kaasoo qadaya pilots Somaliland si ay u so xidhan halka ay awal huudhi yar raci jireen.
Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo mudo kooban xilka maamulka dekeda Berbera hayey ayaa ku guulaystay inuu durtaba daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dekeda Berbera, si ay ula tartanto dekedaha ku yaala mandaqada Geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba.
Qalabkan cusub ee Taaga loo yaqaano ayaa loogu magac daray madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyada Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Qalabkan Taaga ee dekeda Berbera hadda la keenay, ayaa wax weyn ka tari doona hawlaha shaqo ee ay dekeda Berberi hayso, kaasoo kordhin doona koboca dhaqaale iyo suuqa ganacsi ee Dekedda Berbera ay noqoto mid si weyn usoo jiidata maraakiibta caalamiga ah ee badeecadaha kala duwan u sida Somaliland iyo dalalka Geeska.Somaliland







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured