Siyaasi Axmed Like oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Boggaadiyey soo Celinta Hantidii qaranka Horraanteedii "..Madaxweyne Waad ku Mahadsan tahay Soo celinta Haamihii Shidaalka Berbera iyo Adeegga Madaarka ee Lacagta lagu guran-jiray, Weli waxa ku Hadhay Hanti Qaranka ka maqan". Siyaasi Axmed Like.

0
Sunday August 12, 2018 - 02:50:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Axmed Like oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Boggaadiyey soo Celinta Hantidii qaranka Horraanteedii "..Madaxweyne Waad ku Mahadsan tahay Soo celinta Haamihii Shidaalka Berbera iyo Adeegga Madaarka ee Lacagta lagu guran-jiray, Weli waxa ku Hadhay Hanti Qaranka ka maqan". Siyaasi Axmed Like.

    Siyaasi Axmed Like oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Boggaadiyey soo Celinta Hantidii qaranka Horraanteedii "..Madaxweyne Waad ku Mahadsan tahay Soo celinta Haamihii Shidaalka Berbera iyo Adeegga M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Axmed Like oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Boggaadiyey soo Celinta Hantidii qaranka Horraanteedii "..Madaxweyne Waad ku Mahadsan tahay Soo celinta Haamihii Shidaalka Berbera iyo Adeegga Madaarka ee Lacagta lagu guran-jiray, Weli waxa ku Hadhay Hanti Qaranka ka maqan". Siyaasi Axmed Like.
London(Xogreebnews)- Siyaasi Axmed Xasan Cali-yare oo loo yaqaan (Axmed Like), ayaa Madaxweynaha qaranka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku boggaadiyey tallaabadii uu Shalay u qaaday dhinaca saxda, ee u kusoo celiyey hantidii qaranku lahaa ee Xukuumadii hore siffaha sharciga darada ah ugu gacan-gelisay ashkhaas ganacsato ah iyo qaar kamid ahaa masuuliyiintii ku tagri falaysay awooda dawladnimo.
Siyaasi Axmed Like oo kamid ah saraakiisha sarsare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa Madaxweynaha ku dhiirigeliyey inuu hore ugu sii socdo soo celinta hanti badan oo qabab kala duwan Dawladdii hore u dhaxal-wareejisay, waxanu sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi cagta la helay dariiqii saxda ahaa, sidaas daraadeedna uu  qaado talaabooyin kaloo ay kamid yihiin soo celinta Wershadaha Laydhka ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa oo iyanna lagu wareejiyey ganacsato matudhayaal ah, iyo weliba Haayaddo kale oo Halbowle u ah qaranka oo iyanna ka maqan gacanta qaranka.
Sidoo kale, Siyaasi Axmed Like, waxa uu tilmaamay in lala xisaabtamo masuuliyiintii Xukuumadii hore oo ku kacay Musuq-maasuq baahsan, kuwasoo Iibiyey Asad kastoo uu laha qaranka Somaliland. Sidaasna waxa uu ku sheegay Siyaasi Axmed Like waraysi uu khadka Telefoonka ku siiyey bahda Shabakadda Caalamiga ah ee Xogreebnews.com, waxanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan.
".. Aad iyo Aadbaan u hambalyeynaya talaabada saxda ah ee u qaaday Madaxweyne Muuse Biixi, oo ku dhaqaaqay talaabo geesinimo leh, oo ay haboonayd inuu mar horeba qaado, balse Maanta Ilahay garansiiyey ee ah inaad soo celisay Haamihii Shidaalka Berbera iyo Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Baarkinka, oo dad gaar ahi dhaqaale jeebkooda ku dhaca kaga guranayeen umadda. Waanku boggaadinaynaa, oo waxaan ku leeyahay Madaxweyne waad ku mahadsan tahay,  waxaad qaaday tallaabo qiimo badan, waxanad soo celisay hantidii qaranka ee la dhacay horraanteedii, waana guul iyo War farxad leh oo taarikhdu xusi doonto".
Siyaasi Axmed Like, waxa kaloo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi uu ugu baaqay inuu ku dhiirado tallaabooyinka noocan oo kale ah, isla markaana soo celiyo hanti badan oo qaranku leeyahay, taasoo siffo sharci daro ah Dawladdii hore u dhaxal-wareejisay, isaggoo mar kale ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi, "... Madaxweyne hore ugu soco go'aan kaagan oo kale, oo soo celi hantida dawladda gacanteeda ka maqan, siffooyinka xaaranta ah ganacsatada loogu wareejiyey sida Laydhka Dawladda ee Berbera Iyo Hargeysa, oo ahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo  hada gacanta ugu jira ganacsato ma naxayaal ah,  shacabkuna dhibaatooyin kala duwan ku haya. Waxa kaloo Madaxweyne gacanta qaranka ka maqan Hayaddo tiro badan oo loo baahan yahay in degdeg lagu soo celiyo, sida Dekedda Berbera iyo goobo kale".
Ugu dambayntii Siyaasi Axmed Like, waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay in daba-gal iyo baadhis uu ku sameeyo musuq-maasuq baahsan oo ay ku kaceen masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii hore, waxanu yidhi "Madaxweyne waa inaad baadhis ku samaysaa hanti badan oo qaranka ay siyaabo kala duwan uga dhaceen masuuliyiintii Xukuumadii kaa horaysay,  hadaad talaabadaas qaadana waa Taarikh wanaagsan iyo isbedel hor leh oo aad dalka gaadhsiisay, sidaas daraadeed shacabku waxay kaa sugayaan inaad ka badheedho musuq-maasuqii dalka ka dhacay".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured