"...Isbedelka Geeska ka Dhacaaya Waxa Kow ka ah Dp World, Ninka is leh Dp World si dhib-yarbay ku Tagaysaa, ama Go'aan dhib-yar bay ku baxaysaa, horta waxan leeyahay can-dhuftaada dib u liq... Caaqilka Su'aalo ayaa laga waydiin doonaa wuxuu ka Hadlay... Dp World way Samaynaysaa Maalgelintii". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Friday August 10, 2018 - 19:09:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "...Isbedelka Geeska ka Dhacaaya Waxa Kow ka ah Dp World, Ninka is leh Dp World si dhib-yarbay ku Tagaysaa, ama Go'aan dhib-yar bay ku baxaysaa, horta waxan leeyahay can-dhuftaada dib u liq... Caaqilka Su'aalo ayaa laga waydiin doonaa wuxuu ka Hadlay... Dp World way Samaynaysaa Maalgelintii". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    "...Isbedelka Geeska ka Dhacaaya Waxa Kow ka ah Dp World, Ninka is leh Dp World si dhib-yarbay ku Tagaysaa, ama Go'aan dhib-yar bay ku baxaysaa, horta waxan leeyahay can-dhuftaada dib u liq... Caaqilka Su'aalo ayaa laga waydiin doonaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"...Isbedelka Geeska ka Dhacaaya Waxa Kow ka ah Dp World, Ninka is leh Dp World si dhib-yarbay ku Tagaysaa, ama Go'aan dhib-yar bay ku baxaysaa, horta waxan leeyahay can-dhuftaada dib u liq... Caaqilka Su'aalo ayaa laga waydiin doonaa wuxuu ka Hadlay... Dp World way Samaynaysaa Maalgelintii". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi
Hargeysa(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa si kulul uga jawaabay eedo raqiis ah, oo ay ka faafiyeen dad uu ku tilmaamay dad dano gaar ah leh. Sidoo kale waxa uu maareeyuhuu ka hadlay waqtiga la bilaabayo daah-furka munaasibada dhismaha Dekedda Berbera.
Dhinaca kale waxa uu maareeye Siciid Xasan Cabdilahi ka hadlay doorka siyaasadeed ee shirkadda Dp ku leedahay isbedelada ka dhacaya geeska Africa, waxanu sheegay inay doonayaan qaran ahaan shirkaddaasi inay qayb ka qaadan doonto arrimaha aqoonsiga. Maareeyaha oo ka hadlaya arrimaha waxa uu yidhi.
"...Waxba kama jiraan Wararka Ninka Caaqilka ahi sheegay, intaanan xilka la wareegin Gubashaa ka dhacday Dekeda Berbera, waxana ku gubtay alaab Kiimiko ah, haseyeeshee Kulaylkii ayaa Dab-qabsaday.
Ninka Alaabta ka masuulka ahaa, waxa lagu magacaaba Maxamuud Qaalib. Shirkadaas alaabta lahayd kiiskeedu Maxkamadda ayuu ku jiraa. Mana jirto sun lagu aasay Dekedda, goobaha ay sheegeen waan soo bandhigaynaa, caddaynbaana looga fadhiyaa.
Eedayntani maha mid sahlan, waxanay khasaare ku tahay qaranimada Somaliland, Dekedda Berbera iyo horumarka la higsanaayo. Waxan halkan ka caddaynaaya DP World heshiisbaynu la galnay, rajadda Somalilandna waxay gelisay rajo fiican. Ninka is leh Dp si dhib-yarbay ku tagaysaa, ama Go'aan dhib-yar bay ku baxaysaa, horta waxan leeyahay can-dhuftaada dib u liq.
Caaqilka Su'aalo ayaa laga waydiin doonaa insha allah, sabtidana waan soo bandhigaynaa".
Maareeyaha Dekeda oo ka jawaabayey su'aal ahayd intii Dp World joogtay dekedda inaan wax faaido ah laga hayn, ayaa yidhi. "horta waxna waa mucaaridad waxna waa marka xaqiiqda laga hadlo, waxa la yidhaahda hadii Nin 10 faaido kugu qabo, oo adna aad hal faaido ku qabto, faaiidadaada laga eegtaa. Isbedelka geeska ka dhacaaya waxa kow ka ah Dp World. Ninkii u haysta wax sahlan, ama Siyaasad ahaan, anaga masuuliyiin ah oo og, cida nala soo xidhiidha, marka Dp World ma sahlana Siyaasadeedu. Ninka jecel mustaqbalka caruurteenu muu taataabteen Dp World, cida ka hortimaadaana waa cid cadow ku ah dalka oo Gacmo shisheeye ku jiraan.
Dp World way samaynaysaa maalgelintii, waxana ku guulaystay hal Campany, bisha 10-naad 11-keeda ayaa la qaban doona Xafladii ugu waynayd".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured