Xeeladaha Musuq-maasuq ee Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Mooganaanta Madaxweyne Muuse Biixi, Safarkii Borama + Qorshihii Kala Khabaynta Cashuurta Qaadka...

0
Friday August 10, 2018 - 04:32:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeeladaha Musuq-maasuq ee Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Mooganaanta Madaxweyne Muuse Biixi, Safarkii Borama + Qorshihii Kala Khabaynta Cashuurta Qaadka...

    Xeeladaha Musuq-maasuq ee Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Mooganaanta Madaxweyne Muuse Biixi, Safarkii Borama + Qorshihii Kala Khabaynta Cashuurta Qaadka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeeladaha Musuq-maasuq ee Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Mooganaanta Madaxweyne Muuse Biixi, Safarkii Borama + Qorshihii Kala Khabaynta Cashuurta Qaadka...
Safar afar Caano-maal qaatay oo Wasiirka Maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ku joogay xarunta gobolka Awdal ee Borama todobaadkan, ayaa lala xidhiidhiyey în ujeedadiisu ahayd mid u kaga gaadhaamanaayey inaan xog is-dhaafsan Madaxweyne Muuse Biixi ka oggaan, dakhliga maalin-laha ah ee Cashuurta Qaadka kasoo xeroota.
Kaddib markii rabshado iyo qalalaase Siyaasadeedka dhacay ismaamulka Kiliilka Shanaad ee Itoobiya oo ah marinka badeecadaha Somaliland uga yimaada dalkaasi soo maraan. Qaadka oo ah waxyaabaha ugu badan ee wasaaradda Maaliyada cashuurto, ayaa todobkan maalmiihisii hore waxa uu kasoo wareegaayey dhinaca Degmada Xariirada ee Gobolka Awdal.
Sidaas daraadeed qaadkii lagu soo cashuuray Kastamka Xariirad iyo Khudrad badan oo iyana soo martay Kastamkaa, ayaa sida xoggaha u dhuun-daloola daaha ka faydeen inuu Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, Boorama afar habeen u joogay inaan xisaabta loo diro madaxtooyadda ee Kastamadu wax korodhsiimo ah aanay samayn. Isaggoo halkaa kusoo dejiyey xisaab %25 ka yar tii hore uga soo bixi jirtay Kastamka Kala-baydh. 
Waxanu Wasiir Yuusuf, halkaa ka dhex sameeyey dakhli aan ahayn kii uu hore u musuq-maasuqi jiray ee Kastamka kala baydh, waxana safarkiisa afarta maalmood qaatay ku wehelinaayey madaxa cashuuraha ee wasaaradda Maaliyada. Wararka u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa Wasiirka maaliyada Yuusuf, ayaa sheegaya inuu yahay shaqsi xariifku ah, habka wax loo musuqo, isagoo qaadka Maalin kasta la cashuuro, marka 3 meelood loo qaybiyo, laba meelood u shuba dakhliga Dawladda, halka meesha kalena isagga iyo khubuurada iyo madaxda kastamyaddu kala goostaan, walow wararku sheegeen dakhliga ugu badan inuu Wasiirku si shaqsiyan ah afka ugu dhigto, wax yar oo faro-guud kood ahna uu u daadiyo inta la og shaxda musuq-maasuqa ee u sameeyey.
Ilaha wararkan ay ka heleyso shabakada Saylacnews, ayaa intaa ku daraya, in waqtiga Wasiirka maaliyada ku sugnaa boorama ahayd maalmihii Madaxweyne Muuse Biixi boorama u yimi qalin jebinta Ardayda Jaamacadda Camuud, isagoo Madaxweynuhu soo baxay, iyadoo uu weli joogo borama, ilayo habeenkii uu Madaxweynuhu seexday Gabiley laba maalmood kaddib ayuu kasoo baxay borama Wasiir Yuusuf.
Si kastaba ha ahaatee hawlwadeenada daacad ah ee wasaaradda Maaliyada Somaliland, ayaa tibaaxay in Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi uu yahay shaqsigii ugu musuq-maasuqa badnaa ee soo mara Wasaradaas. 
Cource
Saylacnews@gmail.com.
Saylacnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured