Warbixin: Saddex Arrimood Oo Sababay Iscasilaada Iley?

0
Monday August 06, 2018 - 19:29:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Saddex Arrimood Oo Sababay Iscasilaada Iley?

    Warbixin: Saddex Arrimood Oo Sababay Iscasilaada Iley?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin: Saddex Arrimood Oo Sababay Iscasilaada Iley?

Jigjiga(Xogreebnews)-Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Iley ayaa goor dhaweyd iska casilay xilkii madaxwaynenimo ee uu halkaasi ka hayay, fadhi ay isugu yimaadeen guddiga fulinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa magacaabay madaxwayne cusub oo xilka qaban doona kaasi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed.

Haddaba maxay yihiin arrimaha keenay in uu xilka iska casilo Mr Iley? Waa su’aasha aanu isku deyi doono in aanu jawaabteda fallan-qeyno.


Magaalooyinka ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ku jiro caasimadda Jigjiga ayaa deggan maalintii labaad kadib qalalaasihii ka dhacay magaaladaasi oo ay ku dhinteen 29 qof, sida ay sheegeen mas’uuluyiinta gobolka, waxaana tan iyo intii uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya xilka la wareegay isa soo taraayay caddaadiska dhanka mucaridka iyo dowladda federaalka ahba kaga imanaya madaxwaynaha dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Saddexada arrimood ee keenay in uu xilka ka iska casilo Iley ayaa ah;

1. Dowladda federaalka oo caddaadis xooggan ku saartay in uu iscasilo Cabdi Iley dhow goor oo hore. Dowadda federaalka Itoobiya waxay tiraba dhowr jeer isku deyday in ay xilka ka qaado Iley inkasta oo aanay suurto gelin, waxaana jiray khilaaf xooggan oo Iley iyo federaalka Itoobiya soo kala dhex galay tan iyo intii uu raysal wasaaraha cusubi xilka qabtay. Abiy Axmed oo ah nin isbedel badan oo dhan dhaqaale, siyaasaddeed iyo hab maamulba ka sameeyey Itoobiya muddo kooban waxa qorshihiisa ka mid ahayd in isbedeladda dalkaasi uu ka waddo in ay qeyb ka ahaato dowlad deegaanku.

2. Mucaaridka dowlad deeganka oo mustaqbalka Iley ku noqday ‘laf dhuun gashay’. Mawjaddo xooggan oo siyaasaddee ayaa muddooyinkii u danbeeyey dhanka mucaaridka kaga imanaayay Cabdi Iley, waa arrin ka qeyb ah iscasilaadiisa.

3. Cabdi Iley oo mugdi galey mustaqbalkiisa siyaasaddeed. Iley mustaqbalkiisa siyaasaddeed maalmihii u danbeeyey waxa uu galay mugdi, waxaana dad badani is weydiinayeen halka uu ku danbeyn doono. Cabdi Iley sidoo kale waxa uu ka baqay in si xoog ah xilka lagaga tuuro iskagoo miciin biday in uu si deg deg ah isku casilo.
Iscasilaadda Iley waxa durba soo dhaweeyey dad badan, iyagoo sheegay in waa’ cusubi u baryay shacabka dowlad deegaanka. Iley ayaa sidoo kale lagu eedeyey in uu geystay dilal iyo tacadi badan oo ka dhacay deeganada dowlad deegaanka uu ka arrimin jiray



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured