Madaxweyne Kala Daa' Musuq-maasuq-baan la Dagaalamaya iyo Wasiirka Maaliyada oo Aadka Dhigatay Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Shaqaalaha Wasaaradda Iyo Hababka uu Wax Isku Daba-mariyo...?. W/ Q Farxan Warsame Faarax

0
Sunday August 05, 2018 - 04:16:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kala Daa' Musuq-maasuq-baan la Dagaalamaya iyo Wasiirka Maaliyada oo Aadka Dhigatay Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Shaqaalaha Wasaaradda Iyo Hababka uu Wax Isku Daba-mariyo...?. W/ Q Farxan Warsame Faarax

    Madaxweyne Kala Daa' Musuq-maasuq-baan la Dagaalamaya iyo Wasiirka Maaliyada oo Aadka Dhigatay Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Shaqaalaha Wasaaradda Iyo Hababka uu Wax Isku Daba-mariyo...?. W/ Q Farxan Warsame Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Kala Daa' Musuq-maasuq-baan la Dagaalamaya iyo Wasiirka Maaliyada oo Aadka Dhigatay Shaqsigii Ugu Musuq-maasuqa Badnaa Shaqaalaha Wasaaradda Iyo Hababka uu Wax Isku Daba-mariyo...?. W/ Q Farxan Warsame Faarax
"Somalidu waxay ku maahmaahda Wallee reer aan ogahay ma guuro".
Waxa layaab leh, oo mudada 8-da bilood ah isku kay qaban-wayday in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, raali kaga yahay Wasiirkiisa Maaliyada inuu ku kaco musuq-maasuqii uu caanka ku ahaa, isagoo dakhliga kasoo xerooda kastamada galbeedka kala badh hada ku shubta jeebadiisa, isla markaana Madaxtooyadda uu usoo diro xisaab xidh yar oo ah intaa ay usoo diraan shaqsiyaadka uu u dhiibtay Kastamada qaadku soo maro.
Haddaba Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, oo xariif ku ah habka loo dhaco cashuuraha Kastamada,  ayaa dakhliga maalin lah ah ee kastamada galbeedka gaystay inamo ehelladiisa ah iyo kuwo ay isku beel yihiin, kuwasoo Maalin walbaa dhaca ama leexsado dhaqaale boqolal Milyan oo Shiling Ka Somaliland, kooxdani waxay wax isku daba mariyaan hab casriya iyo tuugnimadi hore ee Wasiirka Maaliyadu wax u kala khabayn jiray.
Tusaale ahaan, hadii Maalintii 5000 -kun oo Geed oo qaad ahi, soo galaan dalka isla markaana la cashuuro, waxay dal usoo xereeyaan 3500-kun iyo shan boqol oo Geed Cashuurtood, halka intaa kalena aan Juwanada go'a Iyo xisab xidhkooda aanu madaxtooyada uba soo dirin. Hababkaas iyo kuwo kaloo kasii casrisan ayaa loo dhacaa cashuurta umadda, wax isbedalayna ma jiraan, hase-yeeshee waqti xaadirkan way sii laba jibaarantay musuq-maasuqa dalka Ka jiraa.
Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed, ayaa bilowgii Xukuumadii Siilaanyo Loo Magacaabay 2010 Maamule ku xigeenka kastamka Kalabaydh Isagoo Xilkaa ku xigeenku Soo Hayay ilaa  2012 xiligaasi oo guddida Maamul Wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa  oo xiligaa iyadu baadhitaano ay isla kaashanayaan wasaarada maaliyada ku samaysay kastamada Galbeedka Somaliland Sida, KASTAMKA ABAARSO, KALABAYDH IYO WAJAALE baadhistan ayaa hayd Qorshe Lagu dardar galinayo kor u qaadista Dakhliga, Islamarkaana lagu Ogaanayay Meelaha ay ku lunto hantida qaranka ee  aan ku dhicin Qasnada Dawlada, Waxay baadhitaan ay mudo wadeen kusoo heleen In dakhliga kasoo xoreedo kastamada Galbeedka gaar ahaan Kalabaydh la lunsado Dhaqaale ka badan ka kasoo xoreedo maalintii kastamka kalabaydh.
Dhanka kale Maamulihii kastamka kalabaydh iyo Maamule kuxigeenkiisii Oo Hada ah Wasiirka Maaliyada  Somaliland Ayaa la ogaaday in Dakliga Maalintii ay soo Xareeyaan uu yahay 18000000 Milyan Halka Baadhis iyo Dabogal Dheer kadib ay soo baxday in Masuuliyiintani ay Maalintii lunsadaan Dhaqale kabadan ka  ay soo Xareeyaan, Kaasi oo kor Udhaafay lacag Dhan 22000000 Milyan oo shilinka somaliland ahi in ay Sifo Sharciga Baalmarsan ay Umusuq maasuqaan Xubanahani.
Musuq maasuqii lagu helay wasiirka xiligan Ex Maamule ku xigeenkii hore ee kastamka kalabaydh ayaa sababtay in  shaqada maamule Iyo maamule kuxigeen  deg deg  looga xayuubiyo  xilka.
La Soco qaybaha dambe.
W/ Q 
Farxan Warsame Faarax
Faarax22@gmail.com
Hargeysa/ Somaliland 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured