Wararkii u Dambeeyey ee Jig-jiga Iyo Wafti Diyaarad Khaasa dawladda federaalka Itoobiya oo Kulan la yeeshay Deegaanka....Madaxweynaha oo Godoon ku jira iyo Xaalada oo la isku Maakhiraynaayo..

0
Saturday August 04, 2018 - 22:04:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u Dambeeyey ee Jig-jiga Iyo Wafti Diyaarad Khaasa dawladda federaalka Itoobiya oo Kulan la yeeshay Deegaanka....Madaxweynaha oo Godoon ku jira iyo Xaalada oo la isku Maakhiraynaayo..

    Wararkii u Dambeeyey ee Jig-jiga Iyo Wafti Diyaarad Khaasa dawladda federaalka Itoobiya oo Kulan la yeeshay Deegaanka....Madaxweynaha oo Godoon ku jira iyo Xaalada oo la isku Maakhiraynaayo..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii u Dambeeyey ee Jig-jiga Iyo Wafti Diyaarad Khaasa dawladda federaalka Itoobiya oo Kulan la yeeshay Deegaanka....Madaxweynaha oo Godoon ku jira iyo Xaalada oo la isku Maakhiraynaayo..

Jig-jiga(Xogreebnews)-Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda federaalka Itoobiya ayaa goor dhaweyd soo gaadhay magaalada Jigjiga waxaanay kulamo gaar ah la qaateen mas’uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Warar kala duwan oo ka soo baxaya weftigan ka yimid dhanka Adis Ababa ayaa la sheegay in ay maamulka deegaankaasi kala hadleen sidii loo qaboojin lahaa xiisadda halkaasi ka taagan oo mar marka ka danbeysay faraha ka sii baxaysa.
Weftigan yimid magaalada Jigjiga oo watey diyaarad gaar ah ayaa la sheegay in ay dib u noqdeen. Wax faahfaahin ah oo kale oo laga bixiyey ma jiraan kullankani dhex maray weftigan ka yimid Adis Ababa.


Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa caawa deggan iyada oo magaalada aanay jirin wax dhaqdhaqaaq ah. Waxaana guddaha magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo kala duwan, hakad xooggan ayaa isku socodka gaadiidka iyo dadwaynaha. Wargeyska Adis The Standar oo ka soo baxa dalkaasi Itoobiya wuxuu ku warramayaa hadda in ay go’doon la geliyey madaxwayanaha dawlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Saaka subaxnimadii hore ayay ahayd markii ciidamo millatari oo ka socda dhanka federaalka Itoobiya waxay qabsadeen xarumaha dawladda kadibna waxa billowday dib bax ay dadka magaaladaasi ku dhaqani kaga soo horjeedaan. Xidhiidhka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dawladda federaalka Itoobiya muddooyinkii u danbeeyey waxa soo kala dhex galay madmadow badan. Madaxwayanaha dawlad deegaanka oo saacaddo kadib ka soo muuqday telefiishanka dalkaasi wuxuu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaa.
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu warramayaa in ay ku dhinteen rabshadahani.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured