Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii ka qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Taliyihii Ilaalada Xeebaha... Khilaafkii ka jiray Wasaarada W. faafinta oo dhimacii Wasiir Guri-varwaaqo oo ay isku beel yihiin La saftay, Ninkii reer Sanaag bari xilka qaadis uu ku sameeyey....

0
Tuesday July 31, 2018 - 15:28:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii ka qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Taliyihii Ilaalada Xeebaha... Khilaafkii ka jiray Wasaarada W. faafinta oo dhimacii Wasiir Guri-varwaaqo oo ay isku beel yihiin La saftay, Ninkii reer Sanaag bari xilka qaadis uu ku sameeyey....

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii ka qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Taliyihii Ilaalada Xeebaha... Khilaafkii ka jiray Wasaarada W. faafinta oo dhimacii Wasiir Guri-varwaaqo oo ay isku beel yihiin La saftay, Ninkii reer Sanaag bari x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilkii ka qaaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Taliyihii Ilaalada Xeebaha... Khilaafkii ka jiray Wasaarada W. faafinta oo dhimacii Wasiir Guri-varwaaqo oo ay isku beel yihiin La saftay, Ninkii reer Sanaag bari xilka qaadis uu ku sameeyey....
WAR-SAXAAFADEED: 31/07/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-172/072018, uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha
2.  Mustafe Godane Cali Bile  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska 
3. Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar Guddoomiyaha Gobolka Sool
4. Amaal Cabdi Xasan  Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Dhawrista Tayada

2. In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas'uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda
2. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
1. Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur,
       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta 
Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta 
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
 Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
 
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas'uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan.

2. Ku: Mudane Cabdi Khayre Dirir,
       Guddoomiyaha Gobolka Sool

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.
 
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas'uul, sida ugu dhakhsaha badan.
ALLAA MAHAD LEH 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured