Somalia Ma laga Helayaa Geesigii Xaqiiqada Wajahi lahaa Sida Abey Axmed...?.Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Sunday July 29, 2018 - 19:22:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Ma laga Helayaa Geesigii Xaqiiqada Wajahi lahaa Sida Abey Axmed...?.Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Somalia Ma laga Helayaa Geesigii Xaqiiqada Wajahi lahaa Sida Abey Axmed...?.Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia Ma laga Helayaa Geesigii Xaqiiqada Wajahi lahaa Sida Abey Axmed...?.Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
Waxaa Dad badani aragtidooda kaga faaloodeen in casharo badani ku duugan yihiin oo laga baranayo heshiiska dhex maray dalka Ethopia iyo Erateria labadan dal oo ay soo dhex martay Colaad sababtay 100, 000 qof inay ku naf waayaan iyo mid dhuleedba waqti badana socday , waxyaabaha lagu soo qaatay inay ka faa iidaystaan waxaa ka mid ah colaada ka dhexaysa somalida  oo ay ka heshiiyaan arrimahooda , Marka qodobkan si guud loo eego waa sax in laga heshiiyo wixii dhacay Marka hoos loogu dhaadhaco waxyaabaha sababta u ah heshiiskan amaba gun dhiga u ah.
1, Ethopia waxay aqoonsatay qaranimada Eratera si buuxda.
2, Ethopia waxay ogolaatay dhulka colaadu ka dhaxday inay Erateria leedahay .
3. Ethopia oo ahayd ta awooda is bidaysay ee duulaanka ahayd , ee gardarada ku haysatay Erateria inay nabad ku bedesho. 
Qodobadani waxay sal u yihiin heshiiska soo af gooyey colaada khasaarahaas keentay , Hadaba Somalia ma laga helayaa  bay is waydiintu tahay inay ogolaato sadexdan qodob kuwa la midka ah ee ah :
1, inay ogolaato qaranimada Somaliland si buuxda.
2, inay aqoonsato Xuduuda jsland oo ciidamadeeda kala baxdo 
3, inay Somalia iyada Colaada wadee ay ku bedesho walaalnimo si aanu u noqo walaalo iska kaashada maalmaha daran ee dunida ka jira.
Haddii intaas laga helaayo walaalaha koonfureed waxaa iyana muqadas ah in somaliland qaadato walaalnimo buuxda oo is kaashada horumarma qaybsada , dadka isugu dhaw noqda dhibaato iyo dheefba qaybsada , laakiin walaalnimadu maaha mid ku imanaysa sida dad badan oo ag marmarayaa ku tiraabayaan, iyo waynu walaaloobaynaaye aan ku qabsado, waxbana anigu ka tanaasulimaayo taasi wàa halkii hore oo sideedii ah .
Waxaan ku soo af meerayaa somaalidu waxay ku maahmaahdaa Dumaal nin ka xishoodaa kama ilmo dhalee Madaxda Somalia ha wajahaan Runta oo raganimadu meel cidhiidhyoon bay ku jirtaaye mar haddii midnimadeenii waxyeelo dhashay iyo walaalnimaduna inaga raacine go, aan geesinimo ayaa laydinka fadhiyaa wa bilaahi tawfiiq.
Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured