Ma u muuqataa Taariikhdii SNM Mid ku Gebgeboobaysa Midho dhal la aan?.

0
Sunday July 29, 2018 - 19:09:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma u muuqataa Taariikhdii SNM Mid ku Gebgeboobaysa Midho dhal la aan?.

    Ma u muuqataa Taariikhdii SNM Mid ku Gebgeboobaysa Midho dhal la aan?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma u muuqataa Taariikhdii SNM Mid ku Gebgeboobaysa Midho dhal la aan?.
SNM waxay ku guulaysatay inay heeryadii cadowga ka tuurto bulshada reer Somaliland oo xorayso wadanka , waxaa abaalkii ugu horeeyey loo siiyey inay laba sano wadanka Maamulaan nasiib daro waxaa dhacday khilaafaad aad u gun dheer oo dhexdooda ah ayaa ragaadiyey maamulkaas wuxuuna ku gebgeboobay ayaandaro laxaad leh iyo Aafo dagaal inkastoo ay iyagu iska soo horjeedeen hadana waxaa dhaxalkeedu noqday SNM fashilanta oo xukunkii wadanka ka soo bixi kari wayday, fursadaa waxaa ka faa iidaystay Madaxweyne cigaal iyo ragiisii intii isaga la raacday ee SNM ta ahayd intuu iska reebay ayuu xuahay Teemkiisii isaga la shaqayn lahaa waana guuleystay isaga iyo Maamulkiisii waana ta ilaa maanta Marka Somaliland la soo hadal qaado Maxed X. Ibraahin Cigaal ugu lifaaqan yahay , sideedaba Ma jiro nin keligii kubada goolkiisa ka soo qaata oo goolka kale ku dhaliya teem walba sida ay isku xidhaan toodu tahay ay guushoodu ku xidhan tahay , si kastaba ha ahaatee waxaa ku xigay Daahir riyaale kaahin isna wuxuu raacay dhabadii uu jeexay Cigaal wuxuuna cugtay teemkiisii ay wada shaqaynaayeen waxaana garab taagnaa ragii ay awel wada shaqaynta lahaayeen  waanu najaxay isna , iyadoo ay sidaa tahay waxaa Soo qaatay kubada M. Siilaanyo sida aynu ka warqabno guul daradii kowaad ee ku dhacdaa waxay ka dhalatay raggii SNM ta ahaa ee ahaan lahaa baalasha uu ku duulayo ee uu shaadhka SNM du ka dhexeeyey ayaa laba qaybood u badnaa badh diidana guushiisa oo si cad u ga hor imanaayey iyo qaar uga fadhiistay arrintaasi waxay sababtay guuldaradii ku magac dheerayd 80 ka cod , Muddo sideed sano ah ka dib Siilaanyo oo gabay kartidiisii, raganimadiisii , hal abuurkiisii , ayaa diiq iyo tu xun goolka kula galay kubada oo guulaystay waxaa xaqiiqo ah bulshada wadanka ku dhaqani abaalka SNM way celinaysay waanay u hiilinayeen waxaad og tihiin cod kii uu ku guulaystay Markasta oo la soo dhawaynaayo waxaa codka lagu siinaayey waa halgamaagii , waxaase muuqanaysay inay ragiisii yihiin dhamaan ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, waxaa la yiraahdaa mucaaridada kaga iman lahayd siilaanyo SNM ta kale  inteeda badan waxaa hakiyey Markii ay soo baxday inaanuu odaygu meeshaba maamulin ee qolo kale haysato arrintaas  oo xaqiiqo ahayd ayaaba bilaayo xijaab uga noqotay xukunkaas siilaanyo oo ahaa fursadii sadexaad ee SNM hesho wax la sheego faa iido ah lagama dhaxlin oo credit u noqota SNM waxaa la odhan karaa waxa ugu weyn ee uu uga tegay waa Xukunkii oo uu sii salaxay Muuse Biixi , Mar afraad bulshada Somaliland waxay Muuse Biixi ku dooratay oo ay ugu hiilisay waa Mujaahid SNM  waa sababta Cirona ku waayey Muusena ku helay May ahayn arrintu jeegaan iyo giraan wax kale toona intii halganka qiimaynaysay reerkasta ha ku jirtee waxay codka siiyeen Muuse intii kale waxay u codeeyeen Ciro , Maanta waa fursadii afaraad ee dadku siiyaan SNM , haday iska soo horjeedaan iyo haday wada socdaanba shaadhkaasi wuxuu u muuqdaa inaan mar dambe lagu ciyaarayn , waxa keliya uu fursad helayaa sida ay Maanta uga faa iidaystaan, laakiin arrinta biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay sansaanka aan arkaayo iyadoo aan 7 bilood la gaadhin ayuu faashil ku dhaw yahaye taariikhdaasi mid ku soo gebageboobaysa midho dhal la aan , sababteeduna ay tahay raggii shaadhkan boodhka ka ilaalin lahaa oo  fahansanayn ba  in taariikh aan kala go ayni ka dhexayso  oo ay tahay inay wada ilaashadaan.waxayse kuba dhan tahay waa fursadii ugu dambaysay .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured