Musharax Ugu Taageerada Badan Gobolka Saaxil, Xildhiban Cabdikhaalaq Awal bari oo Jawaab Cilmiyeysan siiyey Maayir Muraadkii Aqoon-daradu ka Hadlisay iyo Shuruucda Nidaamka Cashuuraha Gobolada dalka oo u baray....

0
Thursday July 26, 2018 - 02:00:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Musharax Ugu Taageerada Badan Gobolka Saaxil, Xildhiban Cabdikhaalaq Awal bari oo Jawaab Cilmiyeysan siiyey Maayir Muraadkii Aqoon-daradu ka Hadlisay iyo Shuruucda Nidaamka Cashuuraha Gobolada dalka oo u baray....

    XILDHIBAANADA BURCO XAGAY WAX KA EEGEEN MAANAY EEGINBA XEERARKA DALKA UYAALA EE LAGU MAAMULO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XILDHIBAANADA BURCO XAGAY WAX KA EEGEEN MAANAY EEGINBA XEERARKA DALKA UYAALA EE LAGU MAAMULO
Waxaan Arkay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Leh Dakhliga Dalku Uma Sina Dalka Iyagoo Leh Magaalooyinka Berbera, Gebiley, Hargeisa Ayaa Kooto Loogu Xidhay Dakhligii Dalka Iyagoo Soo Qaatay Tusaale Aan Macquul Ahayn Oo Baal-marsan Nidaamka & Shuruucda Dalka Waxaana Ayaan Daro Ah Xildhibaanadii Umadu Dooratay Inay Garan Waayaan Waajibaadkoodii Shaqo Ee Ay Hayeen Fahmina Waayaan Shuruucdii Iyo Xeerarkii Uyaalay Dalka Oo Ay Ceebeeyaan Ama Wax Udhimaan Distoorkii Iyo Qaynuunkii Kale Ee Lagu Kala Hagaayay Dalka.
Xildhibaanada Burco Halbaa Seegtay Waxaana Seegtay Inay Dhamaan D.hoose Uwada Hadlaan Si Ay Power Unoqdaan Iyagoo Adeegsanaaya Ururkooda D.hoose Kadhexeeya Si Hadii Burco Wax Kamaqanyiin Loogu Wada Doono Balse May Ahayn Inay Kala Soocaan Degmooyinka Waa Maxay Sababta Israacisay 3-da Degmo/Gobol Ee Aan Sare Kusoo Sheegay Ma Hayb Ahaan Ayay Isu Raaciyeen Waa Ayaabe !!!!! Cajiib 


Waxaynu Wada Ognahay In Dalku Leeyahay (Financial Regulation) Isla Markaana Uu Kamidyahay Xeerka Midaynta Cashuuraha Xeer Lr 12 Kaasoo Mudo Kudhow 20-sano Lagu Soo Hagaayay Dalka Cashuurihiisa Waxaana Inteena Wax Kala Socda Nidaamkaas Aynu Wada Ognahay In D.hoose Ee Dalku Lacagta D.dhexe Qabato Ay Kuleedahay Laba Lacagood Oo Kala Ah 10% Costoms Duties Ah & 12% Kabka Dowladahahoose Ah Aan Inyar Kala Iftiimino Labadaas 

1. Lacagta 10% ka Ah Waxaana Uqabta Kastamada Dalka Degmo Kastana Kastamka Kuyaala Ayaa Uqabta Waxaana Si Toosa Loogu Shubaa Xisaabta Baanka Uga Furan D.hoose Degmadaas Mana Aha Mid Meel Kale Soo Marta Waa Direct Xisaabiyaha Gobolka Ayaana U Idman

2. Lacgta 2aad Ee 12% ka Ah Oo Iyadu Ah Mid Dakhliga Guud Ee Dalka Kudhacda Waxaa Loo Qaybiyaa Dhamaan Degmooyinka Dalka Waxaana Loo Raacaa System Iyo Formula Loo Dejiyay Sida Degmooyinka A-da Ah Kuwa B-da Ah C- & B-ba Waxaana Mid Kasta Loogu Dhuftaa % Ka Kuhaboon Waxaana Aan Ognahay In Degmada Burco Tahay Degmooyinka A-da Ah Ee Lacagtaas Kahela Dakhliga Ugu Buuran Oo Ugu Badan.
Sidaas Marka Ay Tahay Waxaa Keliya Ee Ay Kukala Dakhli Badan Karaan Waa Sida Kastamadu Ukala Dakhli Qabasho Badan Yihiin Taasina Maaha Mid La Odhan Karo Waa Kooto Meel Gaara Loo Xidhay Waa Ceeb & Aqoondaro Ilaahay Ayaa Berbera Kadhigay Meel Waxna Laga Dhoofiyo Waxna Laga Soo Dejiyo Markaa Waa Inaad Uquudhaan Hadii Ilaahay Siiyay Shilimaad Laakiin Ogaada Maaha Kooto Loo Xidhay Waxaad Xaq Ugu Lahaydeen Waar Na Ogaada Waad Na Dhaantaane Waxaynu Ognahay Dubai, & Alain Inaanay Isku Dakhli Ahayn Balse Isku Dal Ay Yihiin.
Ugu Dambayn Qodobka Kale Ee Xoolaha Ee Ay Kahadleen & Qaadka Waxaad Xaq Ugu Leedihiin Ee Kabaxsan Labadaas Lacagood Ee Aan Soo Sheegnay Waa Xaqal-xashiish Taasna Waad Qaadataan Sidoo Kale Waad Qaadaan Cashuurta Sales Tax ka Ee Wixii Magaalada Burco Lagu Kala Iibsado Sidaas Marka Ay Tahay Waxaan Leeyahay Xildhibaanow Halkaasi Way Idinka Leexatee Xaal Bixiya Berberi Waa Magaalada Keliya Ee Idiin Soo Gurmata Idinkana Taageerta Dhanka Mashaariicda Iyadoo La Ogyahay Inta Jeer Ee Qalabka Dhismaha Wadooyinka Iyo Gaadiidka Mashaariicda Loo Adeegsado Ay Idiin Soo Dirtay Berberiye, Waxaan Odhan Karaa Hadalkani Waa Cadho Dabasocota Shirkii Gacanlibaax Waana Duurxul Kale Oo Meel Lagu Socdo Ama Qodobo Lafulinaayo Isla Markaana Berberi Waxay Noqotay Dariiqii Lasii Maraayay Labada Degmo Ee Kalena Waa Lagu Yara Qurxiyay Amarka Ilaahay kkkkkkkkkkk

Note
Cida Ugu Dhow Ee Berberi Quudisaa Waa Burco Waxaana La Ogyahay Maamuladii Heer Degmo Ama Gobol Ee Saaxil Inay Ubadnaayeen Reer Burco Isla Markaana Ay Kajecelyihiin Degmooyinka Kale Markaa Xildhibaanow Berbera Xaal Siiya Ayaan Idin Leeyahay 
Wabilaahi Towfiiq 
By Abdi Abdilahi Mohamed
Hargeisa/Berbera Somaliland
Telephone: +252-634292705
Email: abdi70526@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured