Yaa Qiimayn U Samayn Kara Qaran, Barnaamijka Qaran-kaab Waa Baroortu Orgiga Ka Weyn, Faalo:- Qalinka: C.S.f(Jeesto).

0
Tuesday July 24, 2018 - 02:10:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Qiimayn U Samayn Kara Qaran, Barnaamijka Qaran-kaab Waa Baroortu Orgiga Ka Weyn, Faalo:- Qalinka: C.S.f(Jeesto).

    Yaa Qiimayn U Samayn Kara Qaran, Barnaamijka Qaran-kaab Waa Baroortu Orgiga Ka Weyn, Faalo:- Qalinka: C.S.f(Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Qiimayn U Samayn Kara Qaran, Barnaamijka Qaran-kaab Waa Baroortu Orgiga Ka Weyn, Faalo:- Qalinka: C.S.f(Jeesto).
Inkastooy   bulshadeenu  tahay  (Oral  Society) Bulsho-afeed  ama  hadalba  oo  ay  ku  caan-baxdey  baahinta  wararka  ay  ku  Bariisato,  Waxa  maalmahan  danbe  dhahayga  aad  uga  batey  Barnaamij  la  yidhaahdo  Qaran-kaab,  Oo  daaran  waa  sida  ay  ku  tiraabeen  mukhtariciintii  barnaamijku  Qiimey  Lagu  Samaynayo  Golaha  Wasiirada  ama  Waaxda  Fulinta  dalka  (Excultive  Council),  Sida  ka  muuqatey  shaashadaha  waxa  hal-abuurey  fakirkan  dhalinyaro  reer  Somaliland  ah  oo  dalka  u dhashay  waxaaney  uga  gol  leeyihiin  Qiimayn  lagu  sameeyo  Xukuumada  dalka  hogaanka  u  haysa  ee  Cusub  hagitaankeeduna  ugubka  yahay  ee  Madaxweyne  Biixi,  Ma  xuma,e  wax  hala  qiimeeyee  horta  aan  is-weydiino  yaa  wax  qiimeeya  ama  sidee  loo  sameeyaa  qiimayn  ama  cabiraad  heerkeeda   aan  naaqisheyso,  Waxa  biyo-kama-dhibcaan  ah  inuu  dalku  yahay  mid  dhamaystiran   oo  dawladnimo  buuxda  oo  awoodeeda  lihi  ay  hanaanka  u  hayso  mana  nihin  ururo  isbahaystay,  Balse  waxaynu   nahay  Dawlad.  


Dunidan  waxa  lagu  kala  socdaa  waa  sharci  ama  qaynuun  ay  umaduhu  ku  heshiiyaan  hadba  intii  bah-wadaag  Qarameed  ahi,  Kuwaasi  oo   ku  abtirsada  dawlad  gaara  iyo  astaan  u  gooniya  oo  ay  Caalamka  intiisa  kale  ku  tix-galiyaan,  ku  ixtiraamaan,  laguna  calaamadsado  sohdin  ahaan,  Hadaba  waxaan  uga  socdaa  inagu  qarankeena  Somaliland  ahaan  waxaynu  leenahay  kala-danbayn  , Shuruuc  iyo  qawniin  ,  Nidaam  Dawladnimo  oo  leh  (Institutionadiisii),  Sidoo  kale  bulshada  ku  dhaqan  waxa  loo   Qaybiyaa  (  Civil  Society,  Government  Staffs  and  Ruling  Leaders,  Government  Agencies,  Lngoies,  Ingoies),  Oo  af-soomaali  ahaan  noqonaya  (Bulshada  Raydka  Ah,  Shaqaalaha  Dawlada  Iyo  Madaxda  Xukuumiga  ah,   Hay,ado  Dawliya,  Ururada  Maxaliga  ah  iyo  Kuwa  Caalamiga  ah),  Dalkeenu  horta  sidaasuu  u  dhisan  yahay  heerarkaa  umadu  u  qaabaysan  tahayna  waxa  awooda  u  kala  xadeeyey  Dastuurka  Jamhuuriyada  Somaliland  Iyo  Shuruucda   dalka  u  yaala.

Yada  oo  ay  taasi  jirto  isla  markaana  aynu  garanayno  Awoodaha   kala  xadeysan  ee  isu  haya  Qarankan  iyo  umadiisa   cida  halkaa  u  soo  dhaafta  ee  raadisa  waxaan   sharci  aheyn  ama  aan  ku  oolin  qawniinka,  Imika  barnaamijkan  Qaran-kaab  waa  ayo  cida  u  astaysay  inuu  hawlo  noocan  ah  qabto  teeda  kale   qaabkiisa  Institution  ahaaneed   waa  caynkee????,  Sida  ka muuqata  magaciisa  oo  ka  turjumaya  yoolka  uu  leeyahay   Teamkani  ayaan  cadayn  waxase  uu  u  dhaw  yahay   dhinaca   macnaha    War-baahin ta  qaybteeda  Websiteyada,  Haduu   yahay  kuwaasi  awood  uma  laha  iney  barnaamij  qiimayn  qarana  sameeyaan  waayo  ma,aha   hay,ad  war-baahineed  oo  dawlada  ka  tirsan   taasi  uun  baa  qiimayn  karta  masuuliyiinta  Qaranka,  Hadii   Wasaarada   War-faafinta,  Dhaqan  iyo  Wacyi-galintuna  ay  ka  joojisey  hawsha  ay   wado  Qaran-kaabkani  way  ku  saxsan  tahay,  Maxaa  yeelay  Wasaaradani  ayaa  qaranka  u  qaabilsan  wixii   war-baahinta  la  xidhiidha  ama   Baahinta   barnaamijyada  dawlada,  Mar  kaliya   ayey  sharci  ahaan   sameyn  karaan   barnaamijkaa  waa  hadii   ay  Ruqsad  War-baahineed  ka  haystaan  hay,ada  Qaranka  u  igman.

Waxa  xusid  mudan  hadaanay  aheyn  intaa  aan  soo  xusnay  midna  waa  waxba  kama  jiraan  markaa  haloosigoogu,  Sababtoo  ah  kuma  jiraan   inta  waaxood  ee  bulshada  loo   qaybiyo  mana  aha  (Lngoies  ama  Igoeis),  Kuwaasi  ayaa  awoodahan   samaynsan  kara  maxaa  wacay   intooda  badan   kuwa  Qaranka  Somaliland  u  shaqeeya   waxay  ka  diwaan-gashan  yihiin   Hay,ada  Qorshaynta   dalka   oo   xeer  iyo  xormo  gaara  oo  dastuuri  ahi  ay  qeexayso,  Sharcigan  aan  xusnay  haday  waafaqsan  yihiin   way  qaban  karaan   barnaamij  iyo   lababa  laakiin  marka  aaney   diwaan  gashanayn  cid  diratayna  aan  la  garayn   ma,aha  iney  qorsheyaal  nooc  ah   diyaariyaan,  Talaabooyinkaasi  Somalilandnimada  ayey  ceeb  ku  yihiin  caqliga  bani-aadamka  ayuu   ceebaynayaa  qofka  leh  waxaan   diyaarinayaa   waxan  loo  igman  si  sharci  ah  ,  Qarankana   maanta  wuu  dhaafey   maalintii   laysu   shaxaadayey  amaan  la  huwiyo  qof  aan  mudan  oo  aduun   ku  hantey  iyo  xad-gudub  lagu  sameeyo  geesi  bilad  sharaf  mudan  balse  buun-buunin  diidey.

Inta  badan  Barnaamijyada  sidan  ah  waxa  laga   soo  wal-waalaa  dawladaha  cadawga  ku  ah   Somaliland ,  Taasina  waxa  kuu  cadaynaysa   ma  jirto  xiligan  baahi  loo  qabo  in  la  qiimeeyo  Xukuumada  cusub  iyo  golaheeda,  Balse  waa  baroortu  orgiga  ka  weyn ,  Waxa  la doonayaa  in  lagu  qiimeeyo   qaab  u  jan-jeedha  (Negative),  Ama  xun  ee  aan  samayn  yadoo  aakhirka  isugu  soo  biyo  shubanaysa   marka  lagu  cel-celiyo   Dawlada  may  gudan  waajibkeedii  ileyn  Qiimeynta  masuuliyiintu  waa  qiimaynta  Dawlada ,  Halka  loo  socdaana  waa  fashilnimo   loola  jeeda  yada  taasina  waxay   dhalinaysaa   bulshadu  iney  nacdo  dawladeeda ,  Basharka  abuur  ahaan   wuxuu   leeyahay  laba     maskaxood   mid  la  yidhaa  maskaxda  soo  jeeda   (Conscious  Mind) ,  Taasibaa  kaydisa  waxa  lagu  cel-celiyo   si  caadiyan  ay   maskaxdu  u  qaadataa,  Hadaba   yoolku  waa  kaa  in  la  fashiliyo   Qaranka  markaa  waan   ka  digaynaa   Barnaamijyadaa   iyo   kuwa  la  mid  ka  ah,  Waa  qaran  dumisnimo  waana  waajib  halkaa  inaan  looga  kicin  xaqiiqduna   waxay   tahay  in  yoolku  sidaa  yahay.

Qalinka:  C/raxmaan    Sayid   Faarax  (Jeesto)

Diplomatic   Annalism.

Gabiley/Somaliland.
Email:  Abdiraxmaanjeesto111@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured