Xayiraadi Barnaamijka Qaran-kaab oo Khilaafka dhex Dhalisay Wasiirka Maaliyada iyo ka Warfaafinta+ Xogo laga helay inuu Wasiir Yuusuf Ashkhaasta Wadda ku wargeliyey inaanay u joojin Qiimayntii Wasiirada...!

0
Monday July 23, 2018 - 03:22:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayiraadi Barnaamijka Qaran-kaab oo Khilaafka dhex Dhalisay Wasiirka Maaliyada iyo ka Warfaafinta+ Xogo laga helay inuu Wasiir Yuusuf Ashkhaasta Wadda ku wargeliyey inaanay u joojin Qiimayntii Wasiirada...!

    Xayiraadi Barnaamijka Qaran-kaab oo Khilaafka dhex Dhalisay Wasiirka Maaliyada iyo ka Warfaafinta+ Xogo laga helay inuu Wasiir Yuusuf Ashkhaasta Wadda ku wargeliyey inaanay u joojin Qiimayntii Wasiirada...!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayiraadi Barnaamijka Qaran-kaab oo Khilaafka dhex Dhalisay Wasiirka Maaliyada iyo ka Warfaafinta+ Xogo laga helay inuu Wasiir Yuusuf Ashkhaasta Wadda ku wargeliyey inaanay u joojin Qiimayntii Wasiirada...!
Hargeysa(Xogreebnews)- Go'aankii Wasaaradda Warfaafintu ku xayirtay Banraamijkii Indho sarcaadka ahaa ee Qaran-kaab, ayaa khilaaf hor leh ka dhex-huriyey Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raage Iyo Kan Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.
Kaddib markii sida ay sheegeen ilo wareedyo looga qaateen ahi, Waxa Xayiraadii Barnaamijkaa lagu soo rogay ka cadhooday Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed, oo sida là sheegay u arkaa mid aan sax ahayn, isagoo la dhacsan qiimayntii loo arkay in dhaqaalihii umadda lagu laalushay ee u kaalinta koobadku galay.
Waxanay xoguhuu intaa ku dareen in, 
Wasiirka oo xidhiidh dhow la leh, ashkhaasta Barnaamijka dabada ka wada, isla qaateen in aanay joojin qiimayntii ay sameeyeen, isla markaana qabtaan munaasibad weyn oo isaga lagu gudoonsiinayo Shahaadada kaalinta koobad ee uu isku arko inuu galay. Ilaha Wararka laga helay, ayaa tibaaxay in aanay joojinayn Barnaamijkan kooxda wadaa, kaddib dhiirigelinta uu siiyey Wasiirka Maaliyadu,  kuwasoo aan dheg u jalaqsiin doonin amarka Wasaarada Warfaafinta.
Dhinaca kale, Xoggaha laga helay Madaxtooyadda, ayaa iyaguna sheegaya inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi u arko talaabada Wasiirka Maaliyada iyo kooxdiisa Qaran-kaab, mid fadeexadku ah, isla markaana Barnaamijkaasi yahay indho sarcaad hantida umadda lagu boobaayo. Waxa kaloo ay xoggaha arrimahan la xidhiidha sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi la mawqif yahay Wasaarada Warfaafinta.
Si kastaba ha ahaatee, Barnaamijka Qaran-kaab, waxa uu noqday mid aan starci ahayn, isla markaana uu markiisi horeba uu soo abaabulay Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, maadaama oo ay qiimaynaha noocan ah ay qaban karaan oo keliya ururadda rayidka ah iyo Haayadaha Warbaahinta oo is kaashada. Barnaamijka ayaa qaybaha bulshadu ku tilmaamntay mid faashil ah, oo fadeexadku ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured