"..Xukuumaddeena Immika jirtaa Way Cusub Tahay, Haddii Wax ka Qaldameena, Madaxweynuhu Wuxu ku Xuub Siiban karaa Isagoo Isku-shaandhay fiican Sameeya Oo yidhaa Waanigaa Idinka Beddelay kuwii Luggooyada ahaa". Prof Cabdi Cali.

0
Saturday July 21, 2018 - 02:44:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Xukuumaddeena Immika jirtaa Way Cusub Tahay, Haddii Wax ka Qaldameena, Madaxweynuhu Wuxu ku Xuub Siiban karaa Isagoo Isku-shaandhay fiican Sameeya Oo yidhaa Waanigaa Idinka Beddelay kuwii Luggooyada ahaa". Prof Cabdi Cali.

    "Haddiise uu taas dhaqso u samayn waayo waxay dawladdiisu lumin kartaa kalsoonida dadka, taasina Waa ta Aan uga Digayo Ciddii Dhego u leh. Prof Cabdi Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddiise uu taas dhaqso u samayn waayo waxay dawladdiisu lumin kartaa kalsoonida dadka, taasina Waa ta Aan uga Digayo Ciddii Dhego u leh. Prof Cabdi Cali.

Haddii Ay Muwaadiniintu ay Leeyihiin Awood Cod Xilliga Doorashada, Ma Ogtahay In ay Leeyihiin Awood Taas ka sii Badan Xiliga Doorashadu Dhammaato; Awoodda Codka Waa la Sheeg-sheegaa, Laakiin Waxa la Yaab leh Awooddan lama sheeg-sheego inta badan; hase yeeshee Waa la Dareemaa uun, Maxaa Yeelay Way Qarsoon tahay; meel ay ku taallaana ma jirto sida sharci ama dastuur, haddana la’aanteed qofna madax ma noqon karo, waddanna ma jiri karo.

Hadddii cidda waddanka loo doortay ay leedahay awood magacaabis xil ama awood wax qabad; ha moogaan shacbiguna waxay leeyihiin awooddaas aan kor ku soo sheegnay; WAMAA ADRAAKA awooddaas; waa awoodda loo Yaqaan Legitimacy; waxan ku turjumi lahaa Afkeena "kalsooni” ama "xalaalnimo”.

Ma ogtahay In Adigoo kursiga Ku fadhiya Oo Awooddi Gacanta Ku Haya In Aad Waayi karto Waxa loo Yaqaano Legitimacy-ga; Tusaale Aan fogeyn Waxa Aha Rai’iisal Wasaarihii Ethiopia Ee Hore Ee Is casilay; Wax kale May Ahayn;kursiga Sharci Buu ku fadhiyay; Waqtigiisiina Muu Dhammaan; wuxu waayay kalsoonidii dadkiisa ee xalaasha ka Dhigi lahayd xukunkiisa ( Legitimacy); Sharci ahaan wuu iska sii fadhiyi karayay, maxaa yeelay waqtigiisii muu dhammaan; laakiin wuxu waayay kalsoonidii dadkiisa ee xalaasha ka dhigaysay madaxnimadiisa.


Hadduu is casili waayo, maxaa dhici lahaa?.. Ethiopiana way burburi lahayd, isaguna wuu Taariikh xumaysan lahaa sidii Siyad Barre, Qadafi, Saddam Hussein. Dhammaantood iyagoo Awoodda Haysta-Siday Doonaan-ba ha ku qabsadeene- ayay lumiyeen kalsoonidii dadka sidii Ra’iisal wasaarahii Ethiopia; hase yeeshee farqiga u dhaxeeyaa waxa weeye Hailamariam wuu is casilay, taasina waxay badbaadisay dalkiisii iyo magiciisii Shakhsiga ahaa; halka Siyad Barre iyo kuwii la midka ahaa ay Sidaa yeeli kari Waayaan; Taasina ay keentay in dalalkoodiina ay galaaftaan, magacoodiina bi’iiyaan.

Xukuumaddeena Immika jirtaa Way Cusub Tahay, Haddii Wax ka Qaldameena, Madaxweynuhu Wuxu ku Xuub Siiban karaa Isagoo Isku-shaandhay fiican Sameeya Oo yidhaa Waanigaa Idinka Beddelay kuwii Luggooyada ahaa; haddiise uu taas dhaqso u samayn waayo waxay dawladdiisu lumin kartaa kalsoonida dadka, taasina Waa ta Aan uga Digayo Ciddii Dhego u leh.

Haddaba marka Annagoo Muwadiniin ah Aanu baraha Bulshada Soo jeedino Talo ka madhan Dan gaar ah, una Badano Sidaas, Waxay dadka qaar la tahay in Aanu laf Toobin ku hayno; Ilaahow nimaan waxba ogeyn ha Cadaabin!!!!! Walaalyaal wax ha la barto intaan madax la Noqon.
Civil society activist; Prof Cabdi Cali Jaamac Noolaada; Noolaada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured