Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?. Haduu Taliyo Nimaan Talin-jirin, Waxa Taga kii Talin-jiray. Qaybtii 2-aad. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq)

0
Friday July 20, 2018 - 05:15:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?. Haduu Taliyo Nimaan Talin-jirin, Waxa Taga kii Talin-jiray. Qaybtii 2-aad. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq)

    Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?. Haduu Taliyo Nimaan Talin-jirin, Waxa Taga kii Talin-jiray. Qaybtii 2-aad. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?. Haduu Taliyo Nimaan Talin-jirin, Waxa Taga kii Talin-jiray. Qaybtii 2-aad. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq)
Afeef: qormadeenii hore ee 1-aad waxaynu kaga waranay dhacdooyin taarikheed iyo isbahaysiyo Siyaasadeed oo Xukunka Somaliland lagu kala hantiyi jiray. Waxana iga xasuusin ah, ama aan ka cudur daaranaya magacyada Beelaha ku jira, maha Qabyaalad, balse waa qormo taariikheed, marka khasab ayay noqonaysaa in Beelaha la xuso sidaa ula socda.
Haddaba Qaybtan Maanta waxaynu kusoo qaadaynaa dhowr qodob, midka 1-aad Siday Somaliland u guuleysan kartaa, isla markaana Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dalka qabyaalada uga saari kartaa, kuna keeni kartaa dal cadaalad iyo horumar taaba galaa?. Qodobka 2-aad, Dulmigii ugu weynaa ee ka dhacay Somaliland 27-kii sanno ee ay jirtay ?. Qodobka 3-aad sideebay Beelaha Garxajis usoo noolayn karaan Isbahaysigoodii, ay Godka ku riddeen si xukunka dalku gacantooda ugu soo noqdo. Qodobka 4-aad. Gudoomiye Cirro maka soo kabandoonaa Il-duufkii guuldarada u horseeday, mise Dhabbihii ayuu ku taagnaan doonan markale ? . Qodobka 5-aad, Beelahayaga darafyada Maxaa nala gudboon ?. Qodobka 6-aad, Beesha Ciise Muuse oo hoodo u leh Kaadhka guusha, yaa haboon inay ka Faa'iidaysato ma jeegaanta mise Garxajis ?. Qodobka 7-aad, Shaxdii Isbahaysiyeed ee Jeegaanta ee dhowrka xilli dhacday iyo guulaha isba joog ah ee labadan teeram. 
Aanku bilowno qodobka 1-aad ee ah siday Somaliland u guuleysan kartaa. 
Taasi waxay ku iman kartaa, hadii uu garto Madaxweynaha talada Somaliland ay gacanta ugu jirto Muuse Biixi si fudud, isla markaana tusaalooyin inoogu filan, inuu Madaxweyne Muuse Biixi soo celiyo axdigii uu bulshada Codka ku waydiistay, soona dhiso Dawlad ka turjumaysa Sawiirkii uu inagga iibiyey xilliyadii Doorashada, maadaama oo u dibada dhigay labeentii shalay aynu ku dooranay ee haldoorkii dalka ahayd, sida Profaseeradii iyo aqoonyahanadii hareerihiisa tubnayd,  taasi hadii ay dhacdo oo u Madaxweyne Muuse Biixi ku dhiirado waxa imanaysa dawlad lagu badhaadho, isna magac iyo maamuus sharafeedbuu dalka kaga tagin, sidii marxuum Cigaal.
Qododka 2-aad, ee Dulmigii ugu weynaa ee ka dhacay Somaliland 27-kii sanno ee ay jirtay?. Waxa uu yahay, ileyn Maalinna Waa If, Maalinna waa Aakhiree, dulmigii ay ka sinnayeen dhamaan intaa Dastuurka Somaliland sharfo, Sida Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Waaxyaha Garsoorka dalka iyo Xisbiyo ku sheega dalkoo dhan, isla markaana qaybaha bulshadu daawadaha ka ahayd,  kana dhiidhi waayeen, raga sheegta Mujaahidiinta ee yidhaahda dulmibaanu ka dagaalannay, Siyaasiyiinta madaxa banan, Culimada Masaajidada, Dhalinyarada, Dumarka Cirroolaha iyo Caano-dhamaha intuba. Dulmigaasi waxa uu ahaa Kii 5-ta Sannadood dadka hortooda lagula dagaalamayey Mujaahidka Halyeyg Murashaxii xalaasha ahaa ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, oo tan iyo Maalintii uu Siyaasadda soo galayba dulmiga badheedhka ah lagu waday, isla markaana lagaga burburiyey UDUB iyo Ucid, oo iyadda la isku soo qaawiyeyba.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxaan u aqoonsanahay Geesi hiilka waayey, Waayo?.  Wuxuu ahaa musharaxii maalkiisi, sharaftiisi, aqoontiisi Iyo magaciisi kusoo saaray, Xisbi ku sheegii Ucid. Waxanaynu oggayn qaabkii badheedhka ahaa ee Xukuumadii Kulmiye iyo garsoor isku sheegii Maxkamadda sare iskugu tageen, isla Markaana soo saareen cadaalad-daradii qarniga, iyadoo xukunkaas lagu raali-gelinaayey Madaxweynaha maanta oo isaggu kalsooni darro shacab haysay, kaasoo bulshada uu Codka ka rabay qabyaalad mooyee xeelad kale isku bixin wayey. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, iyadoo dulmigaas ku dhacay, waxa uu la yaabay!, hiil la'aanta qaybaha bulshada nooc kastoo ay yihiin, lagaga aamusay,  haddana samiirka eebbe iyo malahaygii Iimaankiisa oo aan is leeyahay qanjuhuu joogaa awgii aan la Ina rogin. Ninkaas meelna umu cadho dhaqaaqin, waxba umuu dhimin Somalilandtii dulmiday, xataa kamuu degin Xamar oo ma yeelin sidii ay yeeli jireen Siyaasiyiinta dalkeena ee kursiga si caadi ahba u waayi jiray, weli wuxuu aaminsan yahay Somaliland iyo jiritaankeeda. Waxa dhacdo kale oo mucjiso ah iyanna, Jamaal Cali Xuseen, baryo iyo gondo qabasho badan, kaddib waxa uu gaadhay go'aan dhif Iyo naadir ah, isagoo ku biiray xisbigii dulmiyey ee Kulmiye, isla markaana waxa uu Kursigii dalka ugu sareeyey saaray musharaxii dulmiyey ee Madaxweynaha Maanta Muuse Biiix. Waxanan Maanta qabaa Dawladda Muuse Biixi inay la dhaqaaqi la'dahay, oo Madaxweyne Muuse Dawladdiisu u fashilantay ay tahay Dulmigii labada jeer ahaa ee u ka galay aqoonyahankaa aan waxba u gaysan, ee weliba dhisay, ee xataa Markuu kursiga fuulay uu albaabada kasoo xidhay oo aanu tacabkiisi waxba ka waydiin, sidaas daradeed Madaxweyne Muuse Biixi haduu akhriyo maqaalkan ama ay jirto cidka naxaysa inuu Jamal Xuseen ka ducaysto.
Qodobkan 3-aad ee sideebay Beelaha Garxajis usoo noolayn karaan Isbahaysigoodii. Waxaan aaminsanahay inaanay Guuli u dhoweyn beesha Habar-yoonis intay indhaha ka laalinayso Ciise Muuse. Waaxanan u sheegaya Samaroon, Arab, keligeed waxba u qabanayn.
Qodobka 4-aad ee Gudoomiye Cirro maka soo kaaban-doonaa Il-duufkii guuldarada u horseeday. Waxaan been ahayn oo cidkastaaba garowsan tahay in guuldaradii soo gaadhay Xisbiga WADDANI uu sababtiisa lahaa Musharrax Madaxweyne Cirro, maadaama oo afar sanaddood lagu hor jiid-jiidayey Musharaxii dhigisa ahaa ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, isla markaana uu daawanayey, oo iyadoo la ruquusaayo boodhka, gargaar uu u fidiyo daayo, isna Kaabaha Iyo dharka kala baxaayey, Maadaamo uu bili-liqaysnaayey Madaxdi Xisbigiisa gaar ahaan garabkiisi Ucid oo khaasa, sida Musharrax ku xigeenkiis  Cabdirashid Iyo Marwo Faadumo Siciid iyo qaar kaloo badan. Sidaas daraadeed Gudoomiye Cirro laftiisu cafis ha waydiisto Aqoonyahankaa Madluunka ah Jamaal Cali Xuseen, Waayo Madluunka Ilahay Ducadiisana wuu aqbalaa, Habaarkiisa ka daalik.
Qodobka 5-aad, Beelahayaga darafyada Maxaa nala gudboon ?. Kolay Somaliand cadaalad ahi, ma jirto, balse si la iskugu sii hayo intan yar oo aanay Madaxweyne gacantaada ku burburin cadaalada inaad usoo laabato ayaa kugu baaqaya, waayo?. Mansabyadii qaranka ugu tunka weynaa waxaadku koobtay beeshaada oo keliya, weliba raaskaaga, tusaale ahaan Madaxweynaha qaranka waa Habar awal, Wasiirkaaga dibadu waa Habar Awal, Gudoomiyaha Maxkamaddu waa Habar Awal iyo Taliyaha Ciidanka qaranku,  waxa kaloo beeahaada Isaaq ay haysataa Guurtdii, Wasiirkii Maaliyada, Wasiirkii gudaha, ma sidaasanu wax idinkula yeelanaa? Miyaad na gumasataan oo adoomaanu idiin nahay!, Madaxweyne hadii aad tahay shaqsi doonaya Somaliland waarta Jagooyinkaa badhkood awdal Iyo Sool Iyo Sanaag u qaybi, weliba waxan kaa codsanayaa inaad si degdeg ah Beesha Warsan geliba u magacow oo aad siiso Gudoomiyaha Maxkamada sare, maadama dhulbahante haysto Gudoomiyaha Baarlamaanka, sidoo kalena aanu Awdal ahaan haysano Madaxweyne ku xigeenka.
Qodobka 6-aad, Beesha Ciise Muuse oo hoodo u leh Kaadhka guusha, yaa haboon inay ka Faa'iidaysato ma jeegaanta mise Garxajis?. Ciise Muuse horta wuxuu ka dhigan yahay maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd, Hadii uu taliyo Nimaan talin-jirin, waxaa taga kii talin-jiray. Shacabka reer Saaxil waxa 7-dii sanno ee Kulmiye haystay ku dhacay dagaal Isir, lagula dagaalamay illihii dakhliga ee dalkoo dhan, intaa waxa u dheer dhulboob iyo deegaameyn aan lala xishoon oo lagula kacay. Intaa waxa u dheer damacoodii Siyaasadeed oo intaa lala dagaalamay mushaxaraxoodii, hadana sanduleyntii qaatay, oo xataa musharaxii ay doorteen aanu ugu hambayn sidii ay ugu Liseen, welina ma hayaan Jaanis-kooda Siyaasadeed cidka Faa'ideysta, oo iyana ay ku aar goostaan. Sidaas daraadeed caqligayga yari wuxuu ileeyahay Ciise Muuse cidii kasbata uunbaa Mustaqbal Siyaasadeed beri inagu xukumin.
Qodobka 7-aad, ee Shaxdii Isbahaysiyeed ee Jeegaanta. Somaliland markii ugu horeysay waxa laga maqlay sannadihii xornimadoonkii Ingiriiska wakhtigaas oo Axsaabtii waagaa jirtay Xisbi kamid ah oo la odhan jiray Xisbigii NUF, ay ku midoobeen Degaano ka soo jeeda Galbeedka SOMALILAND iyo Gobolada Bariga.
Xagga Galbeedka muu ahayn dadkii ku jiray NUF degaan gooniya, hadaan tusaale u soo qaato Degaanka Gabilay waxa XISBIGA kaga jiray Beesha Reer Dalal, Xagga Hargaysa waxa ku jiray Beesha Reer Axmed Nuur (Nuux Ismaciil) Iyo Beesha reer Guuleed Suldaan ee (reer Guuleed Ciidagale) Xagga Saaxil waxa ku jiray Beesha reer Wacays. Barigana waxa badna Beelaha Habarjeclo, inkasta oo Xisbigii  SNL uu tageero weyn isba ku laha degaanada Beesha Habarjeclo. Xagga Gobolka Sool waxa kaga jiray Beesha Bahar-same oo uu Gaaraad Cali hoggaaminaayay.
NUF waxa la aas-aasay sannadkii 1954-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Axmed Xasan Ibraahi oo Sacad Muuse ah, iyo Xogahaye guud ahaa Beesha Habarjeclo waa Maykal Maryaamo, jeegaantaasi way guuldaraysatay. 
Axmed Siilanyo oo aha aasaasihii Xisbiga KULMIYE ayaa si farshaxanimo ah wuxuu u dhigay sidii uu ururkii KULMIYE wakhtigaas urur ayuu ahaa cod ku heli laha, waxana saxada ku jiray ASAD oo ay isku degaan ka soo jeedeen iyo UDUB oo Xisbi Ballaadhan ahaa. Haddaba Axmed Siilaanyo wuxuu tageeradooda Jeegaan ahaan u abaabulay degaanada Beesha Habarjeclo, Beesha Arab iyo Sacad Muuse .. Ciise Muuse marka xoogiisu UDUB ayuu aha. Degaanada Beesha Habarjeclo way kala jabeen doorashadii December 2002- dhacday. 6 urur ayaa ku tartamaayay, Habarjeclo waxay u qaybsantay KULMIYE, ASAD iyo UDUB.
Sacad Muuse-na wuu Kala jabay oo wuxuu u qaybsamay HORMUUD oo Cumar Carte hoggaaminaayay, UDUB oo ku xooganayd iyo KULMIYE. Beesha Baligubadle ee Arab may qaybsamin 90% waxay u codeeyeen KULMIYE. Waana Beesha kaliya ee jeegantii Axmed Siilaanyo abaabulay wacadka oofisay. La soco qaybaha dambe oo ay ku duugnaan doonan xogo iyo taarikho xasaasi ahi.
W/Q
Aqoonyahan
Saki Saleeban Xasan
saakisu122@gmail.com
Boorama/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured