Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?...Ma Garxajisbaa Kaan Aqaanay ahayn...Hodaadii Siyaasadeed ee Ciise Muuse iyo Tii Awdal?. Qore, Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

1
Wednesday July 18, 2018 - 05:16:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?...Ma Garxajisbaa Kaan Aqaanay ahayn...Hodaadii Siyaasadeed ee Ciise Muuse iyo Tii Awdal?. Qore, Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?...Ma Garxajisbaa Kaan Aqaanay ahayn...Hodaadii Siyaasadeed ee Ciise Muuse iyo Tii Awdal?. Qore, Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay,.... Xaalka Ciise Muuse?...Ma Garxajisbaa Kaan Aqaanay ahayn...Hodaadii Siyaasadeed ee Ciise Muuse iyo Tii Awdal?. Qore, Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan
Shirkii Laan-mulaaxo ka dhacay 1955-kii, waxa uu ahaa mid dhaxal-gal ah, oo midho dhalay, kaddib markii shirkaas waxgaradkii  Beesha Habar-yoonis, kusoo dejiyeen khariirad iyo shax Siyaasadeed oo guuleysatay, isla markaana lagu soo aas-aasay Xisbi Siyaadadeed gacanta ku dhigay taladii Xukuumada Somaliland ee waqtigaas oo dalku ahaa maxmiyad hoos tagta boqortooyadii Ingiriiska.
Shirkaas waxa la iskula gartay in Beesha Habar-yoonis sababa badan oo jiray awgood, Xisbigaa ay aas-aasen aanay hoggaankiisa qaban qof beeshaas ah. Hase-yeeshee waxay go'aamiyeen si ay u guuleystaan oo qorshahooda Siyaasadeed u meelmaro in xisbigaa ay dhiseen hoggaankiisa ka dhigaan nin kasoo jeeda Beesha Ciise Muuse, kaasoo ahaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Sidaasna waxay kusoo unkeen Isbahaysi Siyaasadeed oo ka koobnaa afar Beelood iyo qaybo kaloo iyana beelaha ay iska soo horjeedeen ka hantiyeen. Beelaha Beesha Habar-yoonis Isbahaysiga la samaysatay waxay kala ahaayeen, Ciise Muuse, Samaroon iyo Harti oo iyana ahaa xulufo miisaankoodu culus yahay. Waxanay Xisbigii SNL ka dhigeen hoggaankisii sidan.
Xisbiga SNL waxa guddoomiye ka noqday Xaaji Cumar Aska, halka xoghayaha guudna ka ahaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal Xubnihii horoodk ka ahaa waxay ahaayeen: Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale, Shaqalle, Cumar Hadraawi, Duqsi, Cali Maygaag Samatar. Xisbigani wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay Somaliland, kaasoo markii dambe noqday kii ku guulaystay xubnihii ugu badnaa ee Baarlamaanka Somaliland sannadkii 1960-kii, isla markaana majaraha u qabtay hoggaankii dalka.
Dhaxalkii Siyaasadeed ee Beesha Habar-yoonis kusoo dhistay Laan-mulaaxo ee Isbahaysiga Ciise Muuse iyo habar yoonis waxa uu saameyn weyn ku yeeshay xataa Xukuumadii Somalia, iyadoo istaraajiyadoodii dhashay inuu Maxamed Xaaji Ibraahin (Cigaal) noqday Raysal wasaarihii Somalia oo dhan. Sidoo kale isbahaysigaas lagu soo dhisay Shirkii Laan-mulaaxo waxa lagu shaqeeyey Dib ula soo noqoshadii Somaliland, iyadoo mar kale uu Madaxweyne Marxuum Cigaal aas-aasay Xisbii Bah-weynta UDUB, kaasoo uu xoghaye guud Madaxweyne Cigaal uga dhigay Ilahay ha u naxariiste Marxuum M. Bulaale.
Ilaa xilligaas Beelaha Habar-yoonis iyo Ciise Muuse waxay sii wadeen isbahaysigoodii, waxanay laba jeer si aqlabiyad ah u wada doorteen Madaxweyne Daahir Riyaale oo isna kasoo jeeday Beeshayda gobolka Awdal ee Boorama.
Hadaba, yaa Burburiyey Isbahaysigaas cagaha adag ku taagnaay ee u dhexeeyey Beelaha Habar-yoonis, Ciise Muuse, Samaroon iyo Harti. Waxa shaxda Burburka Isbahaysigaas awooda badnaa, timi markii doorashadii Madaxtooyadda lagaga guuleystay Xisbigii Udub,  isla markaana tallada uu qabtay X. Kulmiye. Iyadoo markii la is qiimeeyey guuldaradii UDUB-na la ogaaday, waxay xubnihii golaha dhexe ee Udub iyo Gudoomiyihii Daahir Riyaale Kaahin Iyo weliba ku xigeenkiisaba Axmed Yuusuf Yaasin,  isla garteen in Udub u baahan tahay wajiyo cusub oo boodhka ka tuma bahweyntii Udub. Waxana waqtigaas dalka dibadiisa looga yeedhay Aqoonyahan sumcad fiican dunida ku leh,  kaasoo ahaa Jamaal Cali Xuseen. Markii xidhiidhka ay la sameeyen aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hoggaankii Udub,  Jamaal Cali Xuseen wuu aqbalay, dhaqaalihii lagu xidhaynaa wuu shubay. 
Jamaal Cali Xuseen, ayaa dalka kasoo degay, waxana loo soo dhoweeyey si heer caalamiya, Jamaal waxa uu isna musharax ku xigeenka usoo kaxaystay aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Matan, kaasoo isna kasoo jeeday isbahaysigii Udub, oo waxa uu ahaa Nin reer Awdal ah.
Labadii aqoonyahan oo ahaa shaqsiyaad dhalinyaro ah, waxay durbadiiba kasbadeen, isla markaana soo nooleeyeen quluubta iyo taageerayaashii Bah-weyntii Udub.
Markii la arkay isbedelka ku yimi Udub, ayaa waxa khilaaf ka dhex-dhaliyey Xisbigii Udub shaqsiyaad Kamid ahaa golahii wasiirada Udub,  kuwasoo kala ahaa Cali waran-cadde iyo Siciid Sulub iyo Cabdixalim oo sadexdooduba ahaayeen beesha Habaryoonis. Waxanay duuf-sadeen Gudoomiyihii Udub Daahir Riyaale oo isbedelay, isla markaana ku badhi furay Aqoonyahanadii dalka dibadiisa uu uga yeedhay. Waxana loo qaybsamay laba garab, iyadoo markii in mudo ah la is jiid-jiidanaayey, ayuu uga guuray Musharax Jamaal Cali Xuseen Udub kana tagay.
Hase-yeeshee aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo musharax Madaxweyne ku xigeenkiisi Cabdirashiid Xasan matan, kamay baydhin shaxdii isbahaysiga Garxajis, Ciise Muuse iyo samaroon iyo harti, waxanay boodhka ka tummee, Xisbigii Ucid oo bakhti ahaa markaa. Waxa halkaa markale ka curtay Isbahaysi xididaysan oo loo dhan yahay, kaasoo dhex-maray Beelaha Garxajis oo Ciidagale ah, Ciise Muuse iyo Samaroon. Heshiiskaas Ucid ee isbahaysiga Ciise Muuse iyo garxajis waxa dhinaca garxajis u saxeexay Suldaanka guud ee Garjaxis Suldaan Maxamed Suldan Cabdiqaadir, Xildhiban Xaaji Cabdi waraabe, cuqaal iyo haldoorkoodii kale iyo sulaadiintii Beesha Ciise Muuse iyo Samaroon.


Hindisahaas iyo heshiiskaas waxa u dejiyey shax Siyaasadeed oo saameynteeda leh, iyadoo dagaal culus Xisbiga Kulmiye ee jeegaantu ku qaaday, balse u maaro wayday, waxa uu Xisbigii Ucid kusoo baxay Dur-duro, Isla markaana mar kale waxa noqday Xisbi qaran.
Hase-yeeshee Xisbiga Kulmiye ee Jeegaanta, oo isaggu dagaal kula jiray Isbahaysigaa, isla markaana dabada ka riixayey khilaafkii Udub, burburiyey, ayaa markii uu Udub hawada ka saaray, waxa uu usoo dhigtay Xisbigii Ucid oo ay u arkaayeen labada aqoonyahan ee ka sharaxani inay yihiin kuwo aanay la tatami karayn, isla markaana waxay kusoo dhextuureen khilaaf, kaddib markii dhaqaale faro badan iyo guryoba Xukuumadu u Iibisay Gudoomiyihii Ucid Faysal Cali Waraabe, kasoo si cad oo badheedha uga horyimi heshiiskii Isbahaysi ee Ucid iyo sidoo kale Musharaxnimadii Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan matan.
Kulmiye waxa uu si badheedha dhaqaale ugu laalushay odayaashii Garxajis ee heshiiska isbahaysi la galay Ciise Muuse iyo Samaroon, kuwasoo markhaatigii Ilahay ku lahaa xataa furi waayey isla markaana ka doorbiday in qorshahooda Siyaasadeed fulo inay qaataan Lacago iyo wax maalmo la cuno.
Qorshaha Kulmiye kula dagaalamaayey Aqoonyahan Musharax Jamaal Cali Xuseen, marka laga yimaado Siyaasadda Jeegaanimo, waxa Kamid ahaa inuu Kulmiye ka sharan yahay Nin Habar awal ah oo ay isku reer yihiin, kaasoo ah Madaxweynaha Maanta Muuse Biixi.
Haddaba Su'aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay, Garxajis Maxaa taladii ka qaaday?. Waayo waxay wateen Xisbiga Wadani markii Ucid la baabinaayeyna way daawanayeen oo weliba iyagga masuulka ahaa oo Kulmiye u suuro geliyey inay Udub Burburiyaan, sidoo kalena Ucid burburiyaan, intaasba Garxajis wuu ka aamusay. Siyaasiyiintii guuldarada Garxajis keenay waxa Kamid ahaa, Ex. Waran-cadde, Siciid Sulub, Cabdixalim iyo qaar kaloo badan, waxay qandaraas kusoo qaateen Burburintii UDUB, waxanay fuliyeen qorshihii jeegaanta. Waxa kaloo wajiga labaad ee kala daadinta Isbahaysigii Garxajisku hogaaminaayey fudaydiyey, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Xaaji Xildhiban Cabdi waraabe, Xildhiban Dheeg iyo rag kaloo ahaa dadkii wax la saxeexday Beelaha Samaroon iyo Ciise Muuse. Kuwasoo diiday dhamaantood inay qabtaan Faysal Cali Waraabe iyo inay furaan wixii Beeluhu kala saxeexdeen ee Isbahaysiga ahaa.
Miskiin Jamaal Cali Xuseen oo dagaal badani iskugu darsamay, isla markaana garsoorkii oo ay jeegaani hagaysaana dharaar cad xaqdaro kaga xukumay mansabkiisi Iyo Maalkiisiba, waxa cadho uu ka qaaday Siyaasada bah-dilan iyo cadaalada darada Somaliland, aakhirkii ku biiray isna Kulmiye, kaddib markii uu ogaaday inaan Somaliland ka jirin xisbiyo Siyaasadeed.
Ku biiristii Jamaal Cali Xuseen ee Kulmiye, waxay musharax Muuse Biixi Madaxweynaha Maanta ka dhigtay inuu helo taageero baaxad weyn,  isla markaana waxa uu Codadkooda hantiyey laba gobol oo weligood taarikhda aan Kulmiye iyo jeegaanta midba u Coday, kuwasoo kala ah Saaxil Iyo Awdal.
Reerka Ciise Muuse saddex qodobaa ku kelifay malahaygii inay Kulmiye u Codeeyaan, mida koowaad waxa weeye Hortaa musharaxa Kulmiye waxa uu ahaa Nin Habar Awal ah, midda labaad, Reer Berbera labada musharax uu ku loolamaayey kursiga waxay Muuse Biixi ayey u arkaayeen inuu dhaxal wareejintuu gobolka Saaxil waxka qabanaayo, midda sadexaadna waxa u arkaa inay ahayd balan furkii iyo Xisbiyo burburintii waxay wada lahaayeen garxanis loo adeegsaday, maadaama oo Ucid iyo Udub-ba ay Garxajis burburiyeen Musharaxoodii dhulka in la jiido sabab u ahaayeen.
Calaa-kuli xaal, taas lagu kala calaf qaad, ee Maanta Maxaa Garxajis la gudboon ?. Sideebuu ku guuleysan karaa, makusoo laaban doona, Daabka Siyaasada, mise ilduufkaasi dhabihiisa hayn doona, Muxuu garxajis siistay ama kaga maarmay Ciise Muusihii hoodada Siyaasada Siday, se Maxaa sababay in Ciise Muuse isna gooni dhabanada u haysto ?. Jeegaantu lafteedu Maxaa Ciise Muuse kaga maarantay ileyn cidlay u saarto, waxba May siinee, Su'aalahaas iyo jawaabahooda iyo ilduufka Garxajiska Maanta weli ku dhex jiro waxaynu kaga bogan doonaa qaybta dambe insha Allah. La soco.
W/Q
Aqoonyahan
Saki Saleeban Xasan 
Saakisu122@gmail.com
Boorama/Somaliland.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured