Fadeexadii Qarniga: Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Hantidii Qaranka Ku Burburinaya Barnaamijyo Laga Soo Aliffay Marfishkiisa oo Indho Sarcaadka ah (Qaran-kaab maahee Waa Qadhaabasho) xogo xaqiiqo ah iyo Baadhis qoto-dheer, Halkan kaga bogo.

0
Monday July 16, 2018 - 23:27:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadii Qarniga: Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Hantidii Qaranka Ku Burburinaya Barnaamijyo Laga Soo Aliffay Marfishkiisa oo Indho Sarcaadka ah (Qaran-kaab maahee Waa Qadhaabasho) xogo xaqiiqo ah iyo Baadhis qoto-dheer, Halkan kaga bogo.

    Fadeexadii Qarniga: Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Hantidii Qaranka Ku Burburinaya Barnaamijyo Laga Soo Aliffay Marfishkiisa oo Indho Sarcaadka ah (Qaran-kaab maahee Waa Qadhaabasho) xogo xaqiiqo ah iyo Baadhis qoto-dheer, Ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexadii Qarniga: Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Hantidii Qaranka Ku Burburinaya Barnaamijyo Laga Soo Aliffay Marfishkiisa oo Indho Sarcaadka ah (Qaran-kaab maahee Waa Qadhaabasho) xogo xaqiiqo ah iyo Baadhis qoto-dheer, Halkan kaga bogo.
Hargeysa (Xogreebnews)-Barnaamijka indho Sarcaadka ah, ee Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, Hantidii danyarta Ku bixiyey, sidii isagga loogu amaani lahaa, waxqabad dhalanteeda oo aan jirin, in lagu qiimeeyey.
Ayaa baadhis qoto-dheer kaddib, waxa qorshahan hindisihiisu kasoo fulay Marfish lagu qayilo, oo Wasiirka Maaliyadda Ku leeyahay Xaafadda Masalaha ee Magaalada Hargeysa, waxanu markii  qorshahan loo geeyey Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Raagge, isla markiiba waxa uu kusoo dhoweeyey gacmo furan, maadaama oo xilliyadii Barnaamijkan la aas-aasay ay baraha bulshada ee Facebook iyo Warbaahinta Online-ka ah, lagu qaada dhigaayey Inuu Madaxweyne Muuse Biixi soo wado Isku shaandheyn uu Ku sameeyo Xukuumadiisa, oo la saluugsan yahay.
Haddaba Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Raage, isagoo ka cabsi qaba in faashilkiisa shaqo ee Maaliyadda ogsoon, uu  arrinkaa u xil-saaray laba Wiil oo kamid ah, Atoorayaasha Marfishkaas, kuwasoo, sida xoguhu sheegeen uu Wasiirka Maaliyadda midna Adeer u yahay midna Abti, Laguna kala magacaabo, Abdi bulxan iyo Khadar muxumed.
Sida xogguhuu sheegeen waxa uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf, Inamada uu u dhiibay Lacag lagu soo furo, Shabakada oo ay isla garteen in loo bixiyo Qaran-kaab. Waxanu u dhiibay dhaqaalihii lagu soo samayey Website-ka iyo kharash kale oo ay masaariifsaadan.
Todobaad kadib, waxa hawada soo galay website kii. Waxanay kusoo laabteen Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Raage sida ay sheegeen ilaha shabakaddu Warka ka heshay, kuwasoo usoo bandhigay qabka ay shaqeynayso iyo sida dadka loo indho sarcaadi lahaa, si loogu qaato run, waxay sheegayaan. Isla markaana uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf, isna uga badbaadi lahaa xilka qaadis.
Intaa kaddib sida xoguhu cadeeyeen, waxa uu Wasiirku labada Wiil ee ay ehelka yihiin, markale u dhiibay dhaqaale aad u badan oo lagu koobay kumanaan dolar, dhaqaalahaasoo oo Barnaamijka Qaran-kaab Xayaysiis looga dhigo, isla markaana waxa lasoo daabacay Boodhadh waaweyn oo lagu dhejiyey, dariiqyada Badhtamaha Hargeysa, kuwasoo bulshada lagaga dalbanaayo in ay usoo Codeeyaan shaqsiga ugu Waxqabad badan ee golaha wasiirada Xuluumadda Madaxweyne Muuse Biixi.
La soco qaabka loo codeyey iyo shaqsiga loo codeyey iyo sidii mar keliya la isku dhaafiyey qofkii loo codeeyey iyo kii Barnaamijka kusoo Shubtay ama samaystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured