Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Colaada Tukaraq, Saami-qaybsiga Beelaha ee Kuraasta Wakiilada, Samiga Dumarka iyo Beelaha Gabooye... Doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Deegaanka....

0
Monday July 16, 2018 - 20:43:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Colaada Tukaraq, Saami-qaybsiga Beelaha ee Kuraasta Wakiilada, Samiga Dumarka iyo Beelaha Gabooye... Doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Deegaanka....

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Colaada Tukaraq, Saami-qaybsiga Beelaha ee Kuraasta Wakiilada, Samiga Dumarka iyo Beelaha Gabooye... Doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Deegaanka....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Colaada Tukaraq, Saami-qaybsiga Beelaha ee Kuraasta Wakiilada, Samiga Dumarka iyo Beelaha Gabooye... Doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Deegaanka....

Hargeysa (Xogreebnews)– War Saxafadeed Goor Dhaweyd Ka Soo Baxay Xafiiska madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagaga hadley Shirka Soomaaliya maanta Uga Furmay Magaalada Brussels, Ergadii Garoowe Tagtay iyo arimaha Saami Qeybsiga kuraasta baarlamaanka Somaliland.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warsaxafadeedka:
Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.


Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi halkan.
Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.
Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

Dhawaan waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-aateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.
Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda.
ALLAA MAHAD LEH
 Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured