Gudoomiyaha Guurtida Saleeban oo Sheegay Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Ergo Nabadeed u Diray Puntland iyo Inay Dhowaan Hargeysa Ku Qaabileen Ergo kale oo Reer Garoowe ah...

0
Sunday July 15, 2018 - 03:18:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Guurtida Saleeban oo Sheegay Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Ergo Nabadeed u Diray Puntland iyo Inay Dhowaan Hargeysa Ku Qaabileen Ergo kale oo Reer Garoowe ah...

    Gudoomiyaha Guurtida Saleeban oo Sheegay Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Ergo Nabadeed u Diray Puntland iyo Inay Dhowaan Hargeysa Ku Qaabileen Ergo kale oo Reer Garoowe ah...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Guurtida Saleeban oo Sheegay Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Ergo Nabadeed u Diray Puntland iyo Inay Dhowaan Hargeysa Ku Qaabileen Ergo kale oo Reer Garoowe ah...

Hargeysa (Xogreebnews)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay jiraan dedaallo nabadeed oo laga dhex wado Dawladda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasi oo Ciidammadoodu ku dagaalameen duleedka degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool isla-markaana illaa hadda isku hor-fadhiyaan.

Guddoomiyaha Guurtida oo Maanta hadal u jeediyey Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay Guurti ahaan dhowr jeer ka dalbadeen inuu doono Nabadgalyo dhex marta Puntland uu qaaday Tallaabooyin uu Colaadda Puntland ugu beddelayo Nabadgalyo dhex marta Somaliland, sidaasi darteedna uu hadda hawshaasi maqan yahay.


Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa kale oo uu sheegay in Ergo nabadeed oo ka socoto Puntland ay yimaaddeen Somaliland isla-markaana Ergooyin kuwaasi la mid ah oo ka socda Somaliland ay tageen Puntland, illaa haddana la sugayo Warka ay ka keenaan dhanka Puntland.
Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlaya Waan-waanta laga dhex wado Somaliland iyo Puntland ayaa yidhi "Tuker-raq…Madaxweynaha in badan ayaynu nidhi nabad doon, nabad doon, wuu ku dhaqaaqay oo wuu ku maqan yahay ee aynu sugno, illaahayna wax khayr leh ha innagaga keeno.”
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ergo ka socota Puntland ay yimaaddeen Somaliland "Iyaga qoladaasi (Puntland) waa kuwii halkan yimid, innaguna ku noqonay (Ergadii Somaliland) markaa aynu sugno wixii inagaga soo baxa iyo go’aanka aynu ka filayno…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Illaahay inuu colaadda innaga damiyo gidigeen waynu wada jecel-lahay.”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ma faahfaahin Ergooyinka nabadeed ee Puntland iyo Somaliland is-dhaafsadeen inay ahaayeen Dad rayid ah iyo inay ahaayeen Masuuliyiin labada Xukuumadood ka kala tirsan, balse wuxuu Caddeeyay in Ergo ka socoto Puntland oo doonaya in Dagaalka Tuke-raq lagu dhameeyo wada-hadal ay yimaaddeen Somaliland, Ergo kuwaasi la mid ahina ka tageen Somaliland oo ay ku maqan yihiin dhanka Puntland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured