Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Waxbarasahda Somaliland Oo Wada Jir U Bilaabay Qorshe Looga-Gol Leeyahay Dib-U-Eegista Tiradda Iyo Tayada Macalimiinta Dawladda
"Kulankan Ayaa Daba Socda Siyaasadda Xukuumadda Ee Tayaynta Waxbarashada Dalka Iyada Oo Shirkii Ugu Dambeeyey Ee Golaha Wasiirrada Jsl Lagaga Hadlay Habka Iyo Hanaanka Loo Marayo Kobcinta Macallimiinta…"Guddoomiye md Sharmarke Geelle.
Hargeysa(Xogreebnews)-Hay'adda Shaqaalaha Dawladd Somaliland oo ku guulaysatay inay dhamaystirto diiwaangelinta shaqaalaha dawladda isla markaana si rasmi ah loo ogaaday tirada dhabta ah ee shaqaalaha dawladda xogtooda iyo heerka xirfadeed ee shaqaalaha, ayaa bilowday wajigii 1aad ee tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo la kaashanaysa Hay’adda shaqaaluhu, Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa waxay daahfureen Qorshe cusub oo dib loogu eegaayo Tiradda iyo Tayadda macalimiinta dugsiyada dawladda ka hawlgala. Kulankan Balaadhan ee maanta ay isugu imaadeen Madaxda Wasaaradda waxbarashadda oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo musuuliyiinta Hay'adda shaqaalaha oo uu hormuud ka yahay Guddoomiye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qabtay shirkan la lagu qorshihiisu yahay dib u eegista tayadda iyo Tiradda Macalimiinta Dawladda ee goobaha waxbarasho ee dawliga ah ka hawlgala, waxaana Guddoomiye sharmarke Geelle oo tafaasiil dheerada ka bixinaayey ka hadlay qodobada shirkani lagaga hadlay oo dhignaa sidan: Leave a comment |
|
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Waxbarasahda Somaliland Oo Wada Jir U Bilaabay Qorshe Looga-Gol Leeyahay Dib-U-Eegista Tiradda Iyo Tayada Macalimiinta Dawladda
"Kulankan Ayaa Daba Socda Siyaasadda Xukuumadda Ee Tayaynta Waxbarashada Dalka Iyada Oo Shirkii Ugu Dambeeyey Ee Golaha Wasiirrada Jsl Lagaga Hadlay Habka Iyo Hanaanka Loo Marayo Kobcinta Macallimiinta…"Guddoomiye md Sharmarke Geelle