Xisbiga Talada Itoobiya haya ee EPRDF oo ka Jawaab Kululka Bixiyey dhawaaqii kasoo Yeedhay Madaxweynaha DDSI

0
Friday July 13, 2018 - 23:52:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Talada Itoobiya haya ee EPRDF oo ka Jawaab Kululka Bixiyey dhawaaqii kasoo Yeedhay Madaxweynaha DDSI

    Xisbiga Talada Itoobiya haya ee EPRDF oo ka Jawaab Kululka Bixiyey dhawaaqii kasoo Yeedhay Madaxweynaha DDSI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Talada Itoobiya haya ee EPRDF oo ka Jawaab Kululka Bixiyey dhawaaqii kasoo Yeedhay Madaxweynaha DDSI

Addis Ababa(Xogreebnews):- xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inuu Xisbiga gaadhsiiyey Cabashooyin la xidhiidha Tacaddiyo uu ku eedeeyey inuu Taliyihii hore ee Sirdoonka Itoobiya ee dhawaan la beddelay Mr. Gatachew ka geystay Dhulka dawlad-deegaanka.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga. Hase-yeeshee, BBC-da laanteeda Afka Amxaariga, ayaa waxaa Waraysi siisay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga TPLF ahna Madaxa Xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF Marwo Fetlawarqi G/Igzaaber, waxaanay sheegtay inaanay waxba ka ogeyn Cabashada uu Cabdi Maxamuud Cumar sheegay inuu u gudbiyey Xisbiga.


"Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan.” Sidaa ayey tidhi Fetlawarqi G/Igzaaber.

Sidoo kale waxaa nala hadlay Mr. Saadaat oo ah Madaxa arrimaha Isgaadhsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF, wuxuunu yidhi; "Warbixinta Madaxweyne Cabdi waan dhegeystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaarsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.”

Mustafa Cumar oo ah Aqoonyahan u dhashay deegaanka, una dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Dadka, ayaa BBC-da uga warramay waxa ay isaga la tahay eedeynta kasoo baxday Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna yidhi; "Midda koowaad wuxuu doonayaa inuu xilka sii hayo uuna ka mid noqdo isbeddelka siyaasadeed ee cusub. Mr Getachew iyo shaqsiyaadka kale sirtooda oo aan bannaanka soo dhigo ‘kalsoonida la igu qabo ayaa badanaysa ayuu isleeyahay.”

"Midda labaadna waxay tahay "Mr Getachew inuu Cabdi uu xilka ka qaado ayuu marar badan isku dayay, marka arrintan wuxuu u sameeyey waxaa dhici karta iney aarsi ka tahay.” Sidaa ayuu yidhi Mustafe Cumar.
Gatachew Asafe, ayaa waxaa xilka ka qaaday Ra’isul-wasaare Abiy Axmed, waxaana lagu badalay mas’uul kale. Kama uusan jawaabin shaqsiyan eedeymaha uu madaxweynaha u jeediyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured