Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay Dhamaystirka Dhegaysiga Shaqaale Codsi & Cabasho Qabay oo Hore U Soo Gaadhsiiyey + Dhaqan-Gelinta Go'aamo Adag Iyo Qorshaynta Kaalmaha Shaqo Ee Soo Baxa
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay Dhamaystirka Dhegaysiga Shaqaale Codsi & Cabasho Qabay oo Hore U Soo Gaadhsiiyey + Dhaqan-Gelinta Go'aamo Adag Iyo Qorshaynta Kaalmaha Shaqo Ee Soo Baxa
Hargeysa(Xogreebnews)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday dhamaystirka Mashruucii diwaangelinta madaxtaabashadda shaqaalaha hay’addaha dawladda Somaliland ee goboladda iyo Degmooyinka dalka lagu soo diwaangeliyey, ayaa shaacisay inay mar kale dhamaystireen wixii shaqaalaha Dawladda Somaliland ee cabasho ee hore ugu u soo gudbiyey iyo dhaqan-gelinta go’aamo adag iyo qorshaynta Kaalamaha shaqo ee soo baxa. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo masuuliyiinta & Saraakiisha kale ee Hay’adda shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ay Xaruntooda Hargeysa ku qabteen waxay ku dhawaaqeen inay hay’adda shaqaaluhu dhamaystirtay shaqo ay usbuucyadii u dambeeyey gacanta ku hayeen oo ahaa wixii codsiyo ama cabasho soo gaadhay xafiiskooda qaar ka mida shaqaalaha dawladdu soo gaadhsiiyeen intii ay socotay lana soo afjaray arintaasi iyada oo dhinaca kale hay’adda shaqaaluhu dejisay qorshaha iyo hanaanka loo buuxin doono kaalmaha shaqo ee soo baxa ama goobaha lagu baahin doono tartanka furan. - Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa mudooyinkii u dambeeyey ururinaysay shaqaalaha dawladda ee codsi ama cabasho ka qabay intii ay socotay diiwaangelintii shaqaalaha dawladdu, halkaas oo hay’addaha dawaladda lagu wareejiyey shuruudaha loogu tixgelin karo qofka fasaxyada qaybahiisa kala duwan ku maqnaa. - Waxa sida oo kale la isla eegayey hannaanka loo buuxin doonno kaalmaha shaqo ee soo baxa iyo goobaha ama gobolada lagu baahin doonno tartamada furan. Leave a comment |
|