Baayactanka Xadhiga Xaqdara Axmed Sheekh Nuur Ducaale ( Axmed Biito ) Beeshiisu kula Baayactantay Xukuumada Madaxweyne Biixi, W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas

0
Wednesday July 11, 2018 - 02:31:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baayactanka Xadhiga Xaqdara Axmed Sheekh Nuur Ducaale ( Axmed Biito ) Beeshiisu kula Baayactantay Xukuumada Madaxweyne Biixi, W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas

    Baayactanka Xadhiga Xaqdara Axmed Sheekh Nuur Ducaale ( Axmed Biito ) Beeshiisu kula Baayactantay Xukuumada Madaxweyne Biixi, W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baayactanka Xadhiga Xaqdara Axmed Sheekh Nuur Ducaale ( Axmed Biito ) Beeshiisu kula Baayactantay Xukuumada Madaxweyne Biixi, W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas
Iba furka Maqaalka :
Midgaan reero la yaal baa 
Magantiis la dhacaayoo 
Munkar loogu daraa.
5/June/2018 waxaa magaalada hargeysa goob uu ku sugnaa laga kaxeystay walaalkeen Axmed Sheekh Nuur Ducaale "Axmed Biito” halgamaagii weynaa xisbiga kulmiye intii lagu guda jiray loolankii adkaayee madaxweyne biixi haakah u yidhi kursiga dalka u sareeyo ee jaqada madaxweyne JSL.
Axmed Sheekh  Nuur Ducaale "Axmed Biito”  wuxuu ka mid ahaa haldoor bahda saxaafada gobolka cagaaran ee gabiley warar positive ah ka soo tabin jiray gobolka iyo xukuumadii kulmiye madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Axmed waxaa kaluu ka mid ahaa dhalinyartii midh iyo laba ahayd ee dhuuxooga u shubay campaignkii musharaxii xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi haatana ah madaxweynaha JSL uu kula jiray Musharaxii midigta fog ee xisbiga mucaaradka Wadani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Ciro” doorashadii madaxweynenimo ee dalka ķa qabsoontay 13/November/2017, kuna guuleystay xisbiga kulmiye iyo madaxweynaha talada haya muuse biixi cabdi codod tiradooda lagu qiyaasay 55.19% una dhiganta 305,909 halka xisbiga mucaaradkee wadani ka helay 40.73% una dhiganta 226,790 tirada guud ee dalka ka codaysayna lagu qiyaasay 700,000 qof guushaasii oo uu Axmed ka mid ahaa dhalinyartii gacmaha u galisay iyagoo gardaadinaya musharaxii socod baradka doorashada ahaa ee xisbiga kulmiye muuse biixi furahana u ahaa guushaasi.
Axmed Biito oo markiisii hore ka soo diga ragtay xisbiga wadani kana mid ahaa ragii faraha kulul ku hayey  tartarkii madaxweyne biixi kugula jiiray musharaxa xisbiga wadani farahana uu kaga gubtay madaxweyne biixi balse markii dambe Axmed biito uu u tanaasulay adeerkii  muuse kuna soo biirey xisbiga kulmiye kana mid ahaa sidaanu kor ku soo xusney hormoodkii dhalinyartii  keentay guulihii xisbiga kulmiye ka soo hooyey  gobolka cagaarane guusha doorashadu ku raacday madaxweyne biixi iyo xisbigii kulmiye dhabarjabna ku noqotay xisbigii uu hore uga tirsanaa ee wadani iyo musharax cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi ciro kuna kaliftay inay xisbiga wadani ku qasbaan commissionka doorashooyinka qaranka JSL  tiraba laba goor in  loogu ciliyo tirinta sanaaduuqda codadķa gobolka cagaarane gabiley.
Hadaba waxa markaliya fajac  iyo jahawareer galisay taageerayaashii iyo dadkii halganka dheer la soo galay madaxweyne biixi iyo xisbiga kulmiye una cuntami wayday xariga xaqdara ah ee lagula kacay aqoonyahan Axmed Sheekh Nuur Ducaale isagoon wali loogu mahad celin halgankiisii dheeraa iyo habeenadii adkaayee ee uu aqoonyahanku  la soo galay himiladii hirgalinta hiigsiga  hanashada kursiga uga sareeyo dalka  xisbiga kulmiye iyo musharaxiisii madaxweyne biixi.
 " la shukran ala wajib " bay carabtu ku maahmaahdaa " Abaal nin gala gudi yaqaaan " bay Soomaaliduna ku maahmaahdaaye waxa markaliya is badalay humaagiisuna himbiriirsi ku idlaaday, halbeegiisuna qaloocsamey hogaamiyihii goonka lahaa muuse biixi cabdi madaxweynaha haatan talada dalka haya oo kula dulkufay xadhig, handadaad iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda muwaadinku ku leeyahay dalkan dadkii isaga hiil iyo hooba hadhuubka u haadshay Axmed sheekh Nuurna ka midka ahaa.
Waxaase ka dar dibi dhal noqotay iyadoo tacadiga xadhiga Axmed Sheekh Nuur gaadhay wax waaliya kana baxsan xeerka ciqaabta iyo ka maxaabiistaba in wax ka badan 24 saacadood lagu hayo dhibanaha xabsi ama jeel isagoon maxkamad la geyn laguna soo oogin ciqaabta la xidhiidha danbigiisa lana xukumin, sidaynu la wada soconana Axmed aan la horkeenin maxkamad muda ku dhowaad 20 cishana hadaanay ka baďnayna uu ku xidhan yahay jeelka warar la sheegay in lagu qoray faceboogiisa balse Axmed biito ka biya diiday sheegayna in aanu wax luga ku lahayn wararkaa la sheegayo lagana jabsaday facebookgiisa.
Xogtaa lagu daabacay facebookga Axmed biitana ay ahaayeen kuwo ku saabsan ama ka dhan ah xoghaynta madaxweynaha ninka la yidhaa mubaarik taani ayna isu beel yihiin Axmed biito iyo madaxweyne biixi.
Wararka kalee aynu helaynaa sheegaya in ay odayaal beesha Axmed Sheekh Nuur Ducaale uu ka soo jeedaa ay la kulmeen wasiirkà arimaha gudaha maxamed kaahin axmed si ay ugu tagaan madaxweynaha ugalana hadlaan arinka iyo  siideynta  dhibanaha balse wasiirka abnigu ku laaluushay lacago fara badan una qanciyey  inuu inanku yahay inankoodii loona daayo mudo inuu sii xidhnaado si loo cabsi galiyo dadkalee iga wax ka qora.
Ayaandarada haysata Axmed Sheekh Nuur Ducaale ayaa waxay noqotay tacadi xadhig iyo bahdilaad uu kula kacay inan yaroo xoghayn u ah muuse biixi, madaxweynihii uu dhiigiisa u soo shubay oo ku raacsan iyo tolkiisii oo iibiyey kuna baayactamey xadhigiisa.
Iyadoo wararku intaa raacinayaan in loo barya tagay axmed sheekh nuur ducaale siidayntiisa xoghaynta madaxweynaha ninka la yidhaa mubaarik taani isuna jilib hoose yihiin Axmed biito jibriil abokor reer cumar balse mubaarik taani  shuruudna kaga dhigay siideyntiisa  inuu raaligalin ka bixiyo weedhihii isaga ka dhanka ahaa ee lagu xidhay Axmed balse Axmedna ka biya diiday isna inuu raaligalin siiyo ninka isaga soo xidhay.
Wabilaahi towfiiq.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured