Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Safar Kharash Badani ku baxaay Tamashlayn iyo asxaab Booqoasho Dhawr Caano-maal u Jooga Dalka Itoobiya, Xilli Dalku ku Jiro Duruufo Dhaqaale iyo Mid Colaadeed....

0
Monday July 09, 2018 - 02:39:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Safar Kharash Badani ku baxaay Tamashlayn iyo asxaab Booqoasho Dhawr Caano-maal u Jooga Dalka Itoobiya, Xilli Dalku ku Jiro Duruufo Dhaqaale iyo Mid Colaadeed....

    Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Safar Kharash Badani ku baxaay Tamashlayn iyo asxaab Booqoasho Dhawr Caano-maal u Jooga Dalka Itoobiya, Xilli Dalku ku Jiro Duruufo Dhaqaale iyo Mid Colaadeed....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Safar Kharash Badani ku baxaay Tamashlayn iyo asxaab Booqoasho Dhawr Caano-maal u Jooga Dalka Itoobiya, Xilli Dalku ku Jiro Duruufo Dhaqaale iyo Mid Colaadeed....
Addis Ababa(Xogreebnews)- Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Raage, ayaa muddo saddex Caano maal ah Safar tamashlayn iyo micno darro ah ku jooga dalka Itoobiya, kaasoo ujeedka safarkiisuna daaran yahay nasasho uu kusoo qaato Huteellada ugu waaweyn ee dalka itoobiya, iyo sidoo kale inuu qaar Kamid ah Asxaabtiisa oo waxka barata dalka Itoobiya lasoo wadaago Farxada qalin jebintooda.
Sida ka muuqata Sawiiradda Wasiirka Maaliyada Yuusuf M. Raage oo la sawiiran Arday ka qalin jebinaysaa jaamacad ku taala Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka itoobiya, ayaa noqonaysaa fadeexad iyo masuuliyad darro Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku talaabsaday, maadaama oo u qaranka u hayo xil xasaasiya, isla markaana ay jiraan duruufo lagama maarmaan ah oo aan saamaxayn inuu wasiirkani u dal xiis tago dal shisheeye iyo inuu hadh cad ka dhaqaaqo baylahda shaqada uu hayo, iyadoo uu safarkiisani yahay midu ku baxaayo kharash aad u badan.
Wararka La xidhiidha Fadeexada iyo masuuliyad darada uu ku hilmamay amaanada uu Madaxweynuhuu u Wakiishay Wasiirka maaliyadu, ayaa la sheegay inay tahay mid ugub ah, oo aan weligeed ka dhicin Dalka Somaliland intii masuuliyiin soo martay wasaaraha qaran midday doontaba ha ahaatee, ayaa Falkan foosha xun ee masuuliyad darrada ah ee u ku talaabsaday Wasiirka Maaliyadu, waxa uu kusoo beegmaya xili xasaasiya oo ay daruuri tahay in sacad walba la helo Wasiirka Maaliyada. Xaaladaha jira ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi maarada u doonayso, ayaa waxa Kamid ah shaqaaqada Ceel afweyn iyo sidoo kale duruufaha Dagaal ee qaranku ku jiro oo dhamaantood u baahan maarayn maaliyadeed, isla markaana loo baahnaa in Wasiirka maaliyada gadh wadeenka noqdo hawlaha caynkaas ah wixii dakhli ku baxaaya.
Docda kale, Wasiirka maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo markiisa horeba lagu tilmaamo shaqsi loo xidhay shaadhka weyn, ayaa ku haftay hanaanka maamul ee Wasaarada, waxanay W. maaliyada noqotay mid ku fashilantay inay abuurto koboc dhaqaale iyo waxka qabashada Sixir bararka loo maaro waayey. Sidoo kalena Wasiirka Wasaarad Maaliyadu, wuxuu hore ugu fashilmay inuu soo sameeyo Miisaaniyad sanadeedkan, iyadoo ay ku celiyeen golaha waaiirada hal maalin, isla markaana aakhirkii Madaxweyne Muuse Biixi iyo aqoon yahano kale soo sameeyeen dakhliga qaranka ee sannaad laha ah.
Waxa sidoo kale dhacday inuu Wasiirka maaliyada isku dayo inuu waxka bedel ku sameeyo Miisaaniyadaas markii uu golaha Wakiiladu ansixiyeen, taasoo keentay inay isku dhacaaan Wasiirka maaliyada iyo khubuurada wasaarada iyo weliba Hayadaha kalee qaranku.
Si kastaba ha ahaatee, Wararka laga helaayo xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay wasaarada Maaliyadu waqti xaadirkan, ayaa ah mid si weyn looga dayrinaayo dhakhli ahaan, isla markaana hoos u dhac aan kasoo rayn lahayd sii gelaysa tan iyo mudadii uu xilka hayey Wasiirka maaliyada Yuusuf Raage. 
Saylac online 
Saylacnews@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured