Dhaqankii Watay Asluubta ee Soomaali. W/Q cabdixakiin samokaab

0
Monday July 09, 2018 - 01:16:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqankii Watay Asluubta ee Soomaali. W/Q cabdixakiin samokaab

    Waa Maxay Asluub? Eray ahaan ma hubo in ay ku jirto tusmo-qorka afsoomaaliga, balse waxaa la mico ah anshax, halka afka carbeedna ay ka noqonayso 'akhlaaqad', sidaa daraadeed waxaan ku soo koobayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Asluub? Eray ahaan ma hubo in ay ku jirto tusmo-qorka afsoomaaliga, balse waxaa la mico ah anshax, halka afka carbeedna ay ka noqonayso 'akhlaaqad', sidaa daraadeed waxaan ku soo koobayaa
Alleh ayaa mahad leh, Nebigeenii Max’ed baa sharaf iyo xushmayn leh.
Aan ka nasto hadalada dhalanteedka ah ee ka imanaya siyaasi fashilmay, aan ku nasto sidii ay arini ahaan jirtay/ay tahay/ ay ahaan doonto. 
Waa qoraal kooban oo iftiiminaya sidii ay soomaali ahaan jirtay, soomaali markaan leeyahay kama hadlayo xuduudo iyo dalal balse waxaan ka wadaa dadka ku hadla afka soomaaliga, sida kor ku xusan ama ciwaanka guud sida uu u dhigan yahay, waxa ay tahay sidan (Dhaqankii Watay Asluubta ee soomaali) waxaan jeclaan lahaa in aan saaro saafo oo aanan sarin, saarana miisaanka nuxurka 
Waa maxay Dhaqan(culture)? Eray ahaan waxaa uu ku jiraa tusmo-qorka af soomaaliga  Sida xaqiiqda ah dhaqan waxaa lagu micnayn karaa Hab nololeed bulsho u gaar ah oo soo jireen ahaa isla markaana la falgala habnololeedkooda oo jiilba  jiil ka dhaxlo, tusaale ahaan dhaqanka dhaqanka dadka hindiyaanka ah, dhaqanka dadka bangaladheeshiyaanka, dhaqanka dadka soomaalida ah.
Waa Maxay Asluub? Eray ahaan ma hubo in ay ku jirto tusmo-qorka afsoomaaliga, balse waxaa la mico ah anshax, halka afka carbeedna ay ka noqonayso ‘akhlaaqad’, sidaa daraadeed waxaan ku soo koobayaa in micnaheeda guud ay hoos imanayso dhaqan, taas oo qeexaysa hanaanka ama habka dadku u macmiilaan iyadoo loo eegayo nolosha qaybaheeda kala duwan ee aanan qormo-qalin ku soo koobi karin.
Su’aasha ina hor taala ee iswaydiinta mudan waxa ay tahay Sidee ayuu ahaa dhaqankii watay asluubta ee soomaali?
Anigoo ka duulaya su’aashaasi, waxaan u kala saari doonaa saddex, saddexdaas oo noqonaya sidan:
1.Dhaqankii watay asluubta ee soomaalidii hore.
2.Dhaqankii watay asluubta ee soomaalida maanta
3.Dhaqanka  wata sluubta ee soomaalida dhalandoonta, hadii alleh ka dhigo. 
Waa 1aade waxaa aynaan u soo taagnayn oo inagu maqaalo ah taariikhdii dheerayd ee ku qotontay asluubta, xurmaynta, xushmada, qadarinta iyo dulqaadka  dhaqankii ay lahaan jireen dadkeenii hore, waa dadka soomaalida ahaaye, ee ay ula fal-gali jireen adeegsiga baahiyaha aasaasiga ah, oo ay ku jirto isbasriga ama isnidaamintu. 
Bulshadu way kala soocnayd, waxaana kala xadeeyay xuduud asluubeed da’a weyn iyo da’a yar ayaa lakala ahaa, xishood iyo xeer ayuu ahaa dabarka isku xidhaa, aan soo qaato baydaad ama sadaro ka mid ah maansadii hadraawi ee dabohuwan: 
Marwiyo degel bay lahayd
Duq iyo garashay lahayd
Haween darbban bay lahayd
Barbaar diran bay lahayd
Habliyo dardaray lahayd
Halyey diriray lahayd
Darmaan boqran bay lahayd
Duud iyo oday bay lahayd
Da' weyn iyo da' dhexay lahayd
Da'aad yaryar bay lahayd
Is daadihin bay lahayd
Deryaale cad bay lahayd
Dalaandaliyey lahayd
Horweyn dalmaray lahayd
Irmaan dararey lahayd
Hal iyo dalawey lahayd
Wan dool culus bay lahayd
Sal iyo daab bay lahayd
Dallaayad saray lahayd
Shishiiyo duluc bay lahayd
Wixii dumey bay lahayd.


Sidaa ayuu arin ahaan jiray, oo ay odayaasha iyo dhalintu u kala dambayn jireen. Aan soo qaato asluubtii hore ee ku arooraysay hasaawaha u dhaxeeya wiil iyo gab, doonaya in ay reer unkaan, muu ahayn sida maanta loo hasaawo ee foosha xun, ee inooga yimid reer galbeed. su’aasha meesha taalaa waxay noqonaysaa sidee ayuu ahaa? Aan uga jawaabo si quman oo miir iyo maanba ku jiro, anigoon buunbuuninaynin, beena ka abuuraynin sidii waayadii hore dhaqan ahaan jiray.
Waxaa dhaqan u ahayd gabdhaheenii hore xishood ay u dheer tahay asluub wadata asturnaan.
Dumarka laguma halayn jirin raacida xoolaha ay ka mid ka yihiin geela iyo lo’da, balse waxaa asal inoo ahaa in ay raacaan adhiga (riyaha iyo idaha), halka ay wiilashu jiri jireen geela ama ay dabo-dhoon ka ahaan jireen, waxaa adkaan jirtay in ay wakhti ku hasaawaan isku helaan. Hadii laga tagi waayo waxaa macquul ahaan jirtay in xilliyada gu’ga ee dhulku barwaaqaysan yahay, baadna leeyahay ee xoolaha marka xerada laga soo daayo halka ugu horaysa ee ay ku foorarsadaan ku xasila ayaa ay is haleeli jireen.
Intaan hasaawuhuba bilaabmin ayaa marka ay inantu sheeda ka aragto wiilka, ayaa si xishood ku jiro geedka ugu dhaw ku dhuuman jirtay, wiilkuna geedka ayuu dhanka kale ka soo istaagi jiray, hasaawe-san ayaa goobtaa ka abuurmi jiray, layskuna soo afgaran jiray, taasi waxay dhici jirtay maalintii, waxaa kale oo macquul ahaan jirtay in ay kulmaan marka xoolaha lagu hubsado xeradooda, waa xiliyada barwaaqada ahe. Waxaa laysugu iman jiray goob ciyaareed, waxaana halkaa ka aloosmi jiray maansooyin wata jiib iyo jaan, aan soo qaato maansadii hadraawi ee hablaha geeska baydad ama sadaro ka mid ah:
Gu´ hagaagay oo da´ay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garkeediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama´kaa ilaashee
Haddaan gabadhi boodeyn
Illaa gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad.
(La soco).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured