Khilaaf Ba'an ka Dhex-qarxay Wasiirka Maaliyada iyo Ku-xigeenkisa, Agaasimaha guud iyo Khubuurada Maaliyada oo Isku Dhinac ah + Maamulaha Kastamka Wajaale oo Dagaal Kala Hor-tagay Saraakiil Kormeer ugu Tagay + shaxda Qabyaaladaysan ee Wasiir Yuusuf M. Raage....

0
Sunday July 08, 2018 - 02:21:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ba'an ka Dhex-qarxay Wasiirka Maaliyada iyo Ku-xigeenkisa, Agaasimaha guud iyo Khubuurada Maaliyada oo Isku Dhinac ah + Maamulaha Kastamka Wajaale oo Dagaal Kala Hor-tagay Saraakiil Kormeer ugu Tagay + shaxda Qabyaaladaysan ee Wasiir Yuusuf M. Raage....

    Khilaaf Ba'an ka Dhex-qarxay Wasiirka Maaliyada iyo Ku-xigeenkisa, Agaasimaha guud iyo Khubuurada Maaliyada oo Isku Dhinac ah + Maamulaha Kastamka Wajaale oo Dagaal Kala Hor-tagay Saraakiil Kormeer ugu Tagay + shaxda Qabyaaladaysan ee Wasiir Yuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Ba'an ka Dhex-qarxay Wasiirka Maaliyada iyo Ku-xigeenkisa, Agaasimaha guud iyo Khubuurada Maaliyada oo Isku Dhinac ah + Maamulaha Kastamka Wajaale oo Dagaal Kala Hor-tagay Saraakiil Kormeer ugu Tagay + shaxda Qabyaaladaysan ee Wasiir Yuusuf M. Raage....
Hargeysa(Xogreebnews)-Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaay ilo ka ag dhow madaxda ugu sareeysa Wasaarada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inuu khilaaf xoogan ka dhex oogan yahay in muddo ahba Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raage iyo Wasiirku xigeenkiisa iyo weliba agaasimaha guud ee Wasaaradaas oo isku dhinac ah. 
Khilaafkan ayaa salka ku haya sida xoguhuu tibaaxeen maamul xumo, qabyaalada iyo wax isdaba marin xeeladaysan oo ay ku kaceen xulufo Wasiirka Maaliyada ay isku reer yihiin. Wararku waxay sheegeen in waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay ama uu kasoo bilowday khilaafka madaxda ugu saraysa wasaaradda Maaliyadu,  ayaa lagu sheegay in laba todobaad ka kor saraakiil wasaarada Maaliyada ka socdaa oo ah kormeerayaasha Kastamada galbeedku kormeer ugu tageen Maamulihii Kastamka Wajaale.
Hase-yeeshee uu Maamulaha Kastamka Wajaale iska hor taagay saraakiishaas inay gudaha u galaan xafiiskiisa iyo sidoo kale kastamkaba. Waxanay sida Wararku tibaaxeen halkaas ka dhacay dagaal gacanka hadal ah oo dhexmaray khubuuradii maaliyada ee kormeerka ugu tagay iyo maamulihii kastamka Wajaale oo ay ilmaadeer yihiin Wasiirka maaliyada.
Saraakiishii laga horjoogsaday inay galaan waaxda kastamka Wajaale, ayaa lasoo xidhiidhay Wasiirka Maaliyada, iyagoo ku wargeliyey wixii ay kala kulmeen maamulihiisa Kastamka Wajaale oo awood dheeraada ka haysa Wasiirka, hase-ahaatee Wasiirku waxa ku laab qabiijiyey inuu waxka qaban doono maamulihiisa, balse ay kasoo baxaan iyaggu.
Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raage, oo la filaayey inuu xilka qaadis ku sameeyo Maamulaha kastam Wajaale ama la xisaabtan intuu doono ha le'ekaadee, ayaa xeelad kale oo u bedelay shaxdii, waxaanu bedelay Maamulihii Kastamka Wajaale, isagoo u bedelay Maamule ku xigeenka Kastamka Saylac, waxanu Kastamkii Wajaale keensaday Wiil uu adeer labaad u yahay, oo isku reer yihiin, kaasoo hada jooga Kastamka.
Tallaabooyinkaas markii uu qaaday waxa arrimahaas si weyn uga cadhooday Saraakiishii iyo khuburadii kale wasaaradda Maaliyada, hase-yeeshee dheg uma dhigin Wasiir Yuusuf. Balse sida xoguhuu tilmaameen waxa arrinkaa isku dayey inay waxka qabtaan Wasiirku xigeenka Maaliyada iyo agaasimaha guud ee wasaraddaas oo isku dhinac ah, waxanay markii ay Wasiirka lasoo hadal qaadeen arrimahaas uu kaga fal celiyey in aanay awood u lahayn waxka waydiimaha shaqada wasaarada, balse waxa uu igmado oo keliya qabtaan, hase-yeeshee taasi waxay keentay in wasirku xigeenka iyo agaasimaha guud la saftaan khubuurada Wasaaradda oo iyaggu la yaaban hab-dhaqanka Wasiirka oo ay Aaminsan yihiin inuu yahay mid adhaxda ka jebinaaya hanaanka iyo habka saxda ah ee Wasaaradda Maaliyadu u shaqayso. La soco qaabkii uu Madaxweynaha qaranka Somaliland Md Muuse Biixi  Cabdi uga garnaqay khilaafka iyo shaxda qarsoon ee cashuuraha jeebka ugu dhaca.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured