"Maanta waxa lagu dagaalamayaa Waa horumar, geeska Africa-na goob muhiim ah-baynu kaga naala, horumarka Madaxweynaheenu Muuse Biixi inaggu horkacaayo, sidaa aynu u bilownay, waa inaynu la garab galno". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Friday July 06, 2018 - 22:10:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maanta waxa lagu dagaalamayaa Waa horumar, geeska Africa-na goob muhiim ah-baynu kaga naala, horumarka Madaxweynaheenu Muuse Biixi inaggu horkacaayo, sidaa aynu u bilownay, waa inaynu la garab galno". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi

    "Maanta waxa lagu dagaalamayaa Waa horumar, geeska Africa-na goob muhiim ah-baynu kaga naala, horumarka Madaxweynaheenu Muuse Biixi inaggu horkacaayo, sidaa aynu u bilownay, waa inaynu la garab galno". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Sic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maanta waxa lagu dagaalamayaa Waa horumar, geeska Africa-na goob muhiim ah-baynu kaga naala, horumarka Madaxweynaheenu Muuse Biixi inaggu horkacaayo, sidaa aynu u bilownay, waa inaynu la garab galno". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi
Jabuuti(Xogreebnews)- Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasn Cabdilahi iyo wafti balaadhan oo la socday, ayaa ka qaybgalay Shirkii Calamiga ahaa ee ka dhacay dalka Jabuuti oo lagaga hadlaayey ganacsiga Jaynaha iyo Africa.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu umada Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan horumarka balaadhan ee ka socdaa geeska Africa, isla markaana lagu garab galo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi qorshaha waxqabad ee u damacsan yahay inuu qaranka Ku hoggaamiyo. Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo dalka Jabuuti Shalay kula hadlay Warbaahinta Caalamiga ah, waxa uu yidhi.
"...Farxad waynbay noo tahay inaan kasoo qaybgalno daah-furka Free-zone-ka Jabuuti ee ay Wada Hirgeliyeen Dawlada Jabuuti iyo Dawlada China. Runtii waa wax Ku dayaasho mudan, ka Maareeye ahaana Wax badan baan ka korodhsaday, waxaan Hamalyeynayaa shacabka reer Jabuuti ee isku duuban, gacmo wada jirbay ku qabtaan". 
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo Hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey, "...Waxan halkan Fariin uga dirayaa umadda Somaliland, inay gacmaha is-qabsadaan, waxaan leeyahay waa inaynu la jaan-qaadno horumarka ka socda geeska Africa, inaynu dadka ka hadhno maaha. Maanta waxa lagu dagaalamayaa horumar, geeska Africa-na goob muhiim ah-baynu kaga naala, horumarka Madaxweynaheenu Muuse Biixi inaggu horkacaayo, sidaa aynu u bilownay, waa inaynu la garab galno ayaa haboon insha Alla.
Waxaan aad ugu mahad celinayaa Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Amb. cabdifataax, sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah Abihii horumarka, waxanan filayaa inuu Somaliland gaadhsiin doono horumarka balaadhan Ilahayna waxaan ka baryayaa inuu la garab galo". Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured