Shirkii Gacan-libaax Qodobdii laga soo saaray qofba si u aragaye aniga qodob baa su"aal igu ridey. W/Q W/Q: Jaamac Shube (Facebook Post

0
Wednesday July 04, 2018 - 01:53:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Gacan-libaax Qodobdii laga soo saaray qofba si u aragaye aniga qodob baa su"aal igu ridey. W/Q W/Q: Jaamac Shube (Facebook Post

    Shirkii Gacan-libaax Qodobdii laga soo saaray qofba si u aragaye aniga qodob baa su"aal igu ridey. W/Q W/Q: Jaamac Shube (Facebook Post

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Gacan-libaax Qodobdii laga soo saaray qofba si u aragaye aniga qodob baa su"aal igu ridey. W/Q W/Q: Jaamac Shube (Facebook Post
Shirkii Gacan-libaax si nabada buu ku soo dhammaaday.  Wuuna soo xidhamay,  qodobana waa laga soo saaray  . Qodobdii laga soo saaray qofba si u aragaye aniga qodob baa su"aal igu ridey  . Waa qodobka odhanyey madaxda dalku dhan bay u badan yihiin oo xukumaddii  cid gaarihii xilalkeeda badsatay  . Waa qodob  aanan dood ka qabin hayeeshee wakhti I xasuusiyey  . Waa qodob dib igu celiyey siddeed sano ka hor suu dalku ahaa  .
Wakhtii Xukuuumaddi Riyaale hal reer ayaa  hastay    ,wasaaradda Maaliyadda,  hawlaha guud,  qorshaynta , duulista iyo hawada,  guddoomiyaha wakiilada,  guddoomiyaha maxkaamadda sare,  guddoomiyaha baanka dhexe,  guddoomiyaha komoshinka,    maayirka  Hargaysa,  maayirka Ceerigaabo  , maayirka Burco, maayir ku xigeenka Berbera  , badhaasabda qaar iyo safiirrada dibada qaarkoodba  , xoghayihii xisbiga Udub , guddoomiyaha xisbiga Ucid  iyo in kaloo ana imanka maanka ku haynba reer keliya ayay ka soo jeedeen.  Reerka intaas xila hayey cid kale may ahayne reerka maanta dheeliga qaybsi ka cabanaya bay ahaayeen.
 Lama arag horraysiyo dambayso toonna hal reer oo intaas oo xil  xukuumad ka qabtay oon Garxajis ahayn .  
Ku darso lama arki jirin cid buuq ka keentay cid toosh daba qaadtay iyo cid  intay meel ku shirto tidhaahda Soomaalilaan looma dhamma  . 
Qolyihii shirka fadhiyey  haddii la waydiin laha  " shalay dawladdii Udub sed bursi aan weligeed Soomaalilaan ka dhicin baad hesheene miyaad haysaan hal reer oo tii Kulmiye hore iyo tanba ka haya intaad Udub ka hesheen  oo xila ? Maalintaad intaas oo xila aad hayseen uunka kalena qatanaayeen maxaad  u garwasan waydeen oo baaqiga idin raacay wax uga celin weydeen , caddaalada maanta aad doonaysaanna u samaynaysaanaa waydeen ?   Saw Soomaalilaan lama wada lahayn maalinta maxaad gaar intaas oo xil isugu koobteen ?  
Waa hubaal in wixii tegay ay qiyaas u yihiin waxa jooga  . Wax waloo  aad maanta samaynaysaanaa waa dhito berri kuu taaalla  . 
Wixii tabasho ah  ee imanka taagan in la dhammeeya waa waajib wixii tagto la soo maray in laga garaabo lagana khajilaa iyana waa waajib kale .
Dulmi doono dulmi diidan aragne 
Dulmi doonow dulmi diid ha noqon.


W/Q: Jaamac Shube (Facebook Post)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured