Ururka Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Taageero Mugleh la Garab Istaagay Shirkii Beelaha Garxajis iyo Go"aamadii Kasoo Baxay....

0
Tuesday July 03, 2018 - 21:13:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Taageero Mugleh la Garab Istaagay Shirkii Beelaha Garxajis iyo Go"aamadii Kasoo Baxay....

    Ururka Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Taageero Mugleh la Garab Istaagay Shirkii Beelaha Garxajis iyo Go"aamadii Kasoo Baxay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Taageero Mugleh la Garab Istaagay Shirkii Beelaha Garxajis iyo Go"aamadii Kasoo Baxay....
Baaq iyo Tageero ku wajahan Shir Weynaha Beel Weynta Gaxajis
Ururka Dhalinyaradda Beel Weynta CIISE MUUSE ee  MUWAAFAQO Waxay hanbalyo iyo duba u dirayaan shirweynaha Tawfiiq2 ee Beelweynta Garxajis ee ka qabsoomay Buurta Gacan Libaax todobaad kii tagay, hadanu nahay dhalinyarta beel weynta  CIISE MUSE  ee Goboladda Maroodijeex, Saaxil, Togdheer iyo Odweyne wuxaanu u aragnaa qodobadda ka soo baxay shirkaas kuwo si dhaba uga turjumayay xaladda dhabta ah ee hadda ka tagan wadanka, tooshkana ku iftiimiyay eexdda, qarabakiilka, musuqa, cadalad daradda, iyo koobka an loo aabo yeelin ee wadanka ay ka gaysanayeen 8dii sano ee u danbeeyay xukuumaddaha Kulmiye. 
Waa xaqiiq biyo kama dhibcaana in mashariicdii, shaqaalihii, Cidamaddii iyo dhamaan ilihii dhaqalaha lagu koobay cid gaar ah oo lagu naas nuujiyay mudadda Xukumadaha Kulmiye taladda isaga danbeyeen, waana arin sababi karta cawaaqib xumo an  mustaqbalka wadankeena u fiicnayn.
Hadaanu nahay dhalinrta Muwaafaqo waxaanu aaminsan yahay sidda dharaartana u cad  wareejinta Dekedda BERBERA iyo Madaarka BERBERA in ay tahay dhaxal wareejin loo gaysta hanti qaranku leyahay iyo gobolka saaxilba sifo sharci daro ahna lagu weeriyay Carab an marnaba nasteex u ahayn wadankeena.
 Guntii iyo gabagabaddii waxaanu lenahay beelweynta Garaxajis oo ah beel baaxad leh qadarin iyo karaamana ku leh wadanka shirkiinaasi wuxuu iba fur u noqon donaa in laga xisaabtamo xad gudubyo farabadan iyo sinaansho la’aan badan oo wadanka ka dhacay  intii ay taladda wadanka haysteen labadda Xukumadood ee Kulmiye.


Allah Mahad leh
Xunbaha Ku saxeexan.
1. Cali Mohamed Gaadhweyne 
2. Nimcaan warsame jiija
3. Khaalid cabdi Nuur 
4. Xuseen awliyo 
5. Muxyodiin Tuuryare 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured