Madaxweyne Muuse Biixi oo Warqad Xasaasiya u Gudbiyey Golaha Wakiiladda iyo buuq Siyaasiyadeed oo ka Dhalan-doona Dalabkan....

0
Monday July 02, 2018 - 03:23:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Warqad Xasaasiya u Gudbiyey Golaha Wakiiladda iyo buuq Siyaasiyadeed oo ka Dhalan-doona Dalabkan....

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Warqad Xasaasiya u Gudbiyey Golaha Wakiiladda iyo buuq Siyaasiyadeed oo ka Dhalan-doona Dalabkan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Warqad Xasaasiya u Gudbiyey Golaha Wakiiladda iyo buuq Siyaasiyadeed oo ka Dhalan-doona Dalabkan....
Hargeysa (Xogreebnews)-Ilo Wareedyo ka agdhow qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyada, oo ay heshay Warbaahinta Xogreebnews, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Golaha Wakiiladda u gudbiyey Warqad uu kaga dalbaday in la laalo Saamiqaybsigii  Doorashada Baarlamaanka dalka.
Ila-ha Shabakada Xogreebnews ka heshay Warku, waxay intaa Ku dareen in Qoraalka Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Shir gudoonka Wakiiladda u Ku faray inay laalaan Saami qaysigii mudada dheer xalkiisa la waayey ee Doorashada Baarlamaanka, isla markaana Doorashada Baarlamaanka lagu galo sidii lagu galay 2005-kii oo ahayd markii la doortay Golaha Wakiiladda hada fadhiyaa.
Sidoo kale nuxurka qoraalka Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Shir gudoonka Wakiiladda, ayaa lagu faray inay sida ugu dhakhsaha badan loo laalo saamiqaybsigaa beeleed, si hore loogu socdo dhabbaha dimuquraadiyadeed ee Somaliland Ku taagan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, lama ogga inay aqbali doonaan mudanayaasha Wakiiladdu dalabka Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey, isla markaana kaga dalbanaayo caqabada xalka laga Gaadhi waayey ee saamiga gobolada iyo beelaha, oo cimri dhereer siiyey Xildhibanada, si loo qabto 2019-ka Doorashada Baarlamaanka cusub. Hase yeeshee dadka ka faalooda arrimaha Doorashooyinka Somaliland, waxay sheegayaan in aanay marnaba meel marayn rabi taanka Madaxweyne Muuse Biixi doonayo in la laalo saamiqaybsiga aqalka Baarlamaanka oo Beelaha darafyadu la aantii qaadacayaan ka qaybgalka Doorashada Baarlamaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured