Beesha Gar-xajis; Xukuumada Muuse Xaq Ay Leedahayna Ku Waayi Mayso, Mid Dheeraad Ahna Ku Heli Mayso. Maxamed Gacayte

0
Monday July 02, 2018 - 02:22:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Gar-xajis; Xukuumada Muuse Xaq Ay Leedahayna Ku Waayi Mayso, Mid Dheeraad Ahna Ku Heli Mayso. Maxamed Gacayte

    Beesha Gar-xajis; Xukuumada Muuse Xaq Ay Leedahayna Ku Waayi Mayso, Mid Dheeraad Ahna Ku Heli Mayso. Maxamed Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Gar-xajis; Xukuumada Muuse Xaq Ay Leedahayna Ku Waayi Mayso, Mid Dheeraad Ahna Ku Heli Mayso. Maxamed Gacayte
Shirka Tol-wanaaje 2 ee beel-weynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq (Garaxajis), 
War-murtiyeedka lagasoo saaray mid ka quman oo laga soo saari lahaa shirkaas garanmaayo. Aduunka inta la noolyahayna tabashadu waa sunaha nolosha waanay jiraysaa ceebna maaha in kolba Xukuumada joogta lagala hadlo oo layska qanciyo, wixii qaranimo ahna cid kasta waa ku waajib ilaalinteedu. 


Beelo wax kala tabanayaa ma jiraan waayo Somaliland way kasoo gudubtay habkii beelaha oo nidaam dawladeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka ayaynu qaadanay, Tabashada beesha Garxajis waa baaq ama fariin ku socota Xukuumada Madaxweyne Muuse, Muwaadin kasta xaqbuu u leeyahay inuu tabashadiisa soo gudbiyo isagoon cunfi iyo cuqdad midna ku jirin, Sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay in tabashadiisa laga qanciyo wixii macquula iyo waxaan macquul ahaynba oo la yidhaa taasna waad ku saxsantahay taasna waad ku khaldan tahay. Midna hala ogaado Garxajis xaq uu leeyahay ku waayi maayo xukuumada muuse mid dheeraad ahna ku heli maayo. Cadaalad ayaa umada deeqda, xil iyo xoolo midna ma wada qanciyo. 

Hadaba go,aanadan u badan Tabashada Dawlada waa kuwo u yaala Xukuumada Xisbiga Kulmiye ee gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ah hayin waayo-aragnimo hagayso oon hilmaami karin wax kasta oo danta qaranku ku jirto, horena wuu u bilaabay inuu horfadhiisto oo dhagaysto haldoorka Beesha Garxajis, waxaanan hubaa oon ku kalsoonahay in sida ugu wanaagsan layskaga qancin doono tabashooyinkaas Beesha Garxajis usoo jeedisay Xukuumada, Wixii danbana laga wada shaqayn doono dhisida Qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland. 
Wabilahi tawfiiq 
By.  Mohamed Gacayte


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured