"..Cali Guray Waxa u muuqda Kursigii ay boobeen in aan lagu ladayn, Markaa wuu ku khasban yahay in uu difaaco Inadeerkii Muuse Biixi Meesha ay tabari dhigtaba...Ali, inta uu Siilaanyo iyo Saleebaan ka sheegay, cid kale kama sheegi doonto".Maxamed Yaasin Xasan wasiirkii hore ee Dekedaha Somaliland.

0
Monday July 02, 2018 - 02:19:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Cali Guray Waxa u muuqda Kursigii ay boobeen in aan lagu ladayn, Markaa wuu ku khasban yahay in uu difaaco Inadeerkii Muuse Biixi Meesha ay tabari dhigtaba...Ali, inta uu Siilaanyo iyo Saleebaan ka sheegay, cid kale kama sheegi doonto".Maxamed Yaasin Xasan wasiirkii hore ee Dekedaha Somaliland.

    "..Cali Guray Waxa u muuqda Kursigii ay boobeen in aan lagu ladayn, Markaa wuu ku khasban yahay in uu difaaco Inadeerkii Muuse Biixi Meesha ay tabari dhigtaba...Ali, inta uu Siilaanyo iyo Saleebaan ka sheegay, cid kale kama sheegi doonto".M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Cali Guray Waxa u muuqda Kursigii ay boobeen in aan lagu ladayn, Markaa wuu ku khasban yahay in uu difaaco Inadeerkii Muuse Biixi Meesha ay tabari dhigtaba...Ali, inta uu Siilaanyo iyo Saleebaan ka sheegay, cid kale kama sheegi doonto".Maxamed Yaasin Xasan wasiirkii hore ee Dekedaha Somaliland.
"..Salaam Asxaabtayda. 
FIKIR, FIKIR AYAA LAGU DIFAACAA, QANIINYO, QANIINYO AYAA KAA FUJISA.
Dadka qaar, waxa ku waajib ah,
in ay bartaan sida loo ixtiraamo Qofka kale Rayigiisa.
Haddii aynu isku ixtiraamayno fikradaheena, horumar wayn baynu gaadhi lahayn.
Ali Guray, horta waxa uu dhiibtay fikirkiisa iyo sida uu wax u arkayay oo uu cabiray, haba talax tagee.
Weli iyada oo qoraal ah ayuu soo ban dhigay.
Waa ceeb iyo sharaf xumo in isaga shaqsiyan la caayo ama hoos loogu dhaadhaco.
Fikirkiisa waxa laga hor gayn karaa, Firkir kale.
Anigu ma aaminsani, haddii aan jeclaysan waayo fikirkaaga in aan ku caayo.
Waxa kale oo runtu tahay, Qofka caytamaa waa Qof aan dulqaad lahayn oo laga guulaystay.
Anigu waxa aan qabaa, Ali Guray in uu si fiicaan u fahansan yahay wax yaabo badan oo uu ka hadlo.
Way jirtaa mar mar uu Badwayn dabaasho, waa sida aan u fahmo qoraaladiisa, oo meel aan loo jeedin uu ka fuq kudiyo.
Tusaale fiican waxa inoo ah, arrinta Shirka Gacan Libaax, oo uu ku haftay.
Hore ayaa loo yidhi,
"GAALKA DIL, GARTIISANA SII."
Ali aan u garaabo, wuu garanayaa Daadka ku soo fool leh Jeegaanta iyo Duufaanka ka soo kacaya Buurta Gacan Libaax.
Waxa u muuqda Kursigii ay boobeen in aan lagu ladayn,
waana uu fahmayaa dhaawaca aynu gaysan karo. 
Markaa wuu ku khasban yahay in uu difaaco Inadeerkii, Meesha ay tabari dhigtaba.
Waxa kale oo uu og yahay in uu difaacayo, Nin dhib aan yarayn hore u gaystay, oo Maanta Aqal Muraayad ah ku jira.
Ta ka daran waa Nin uu hore inoogu jilciyay, oo aan maanta Hurdo ledin.
Dib u xusuusta, Ali inta uu Muse ka sheegay ama ku yidhi.
Ma jiro sida uu Muse u fadeexadeeyay ama wax uga sheegay, Qof Somalilander ah oo wax uga sheegay Muse.
Wax kasta oo Muse laga sheego Maanta, waa intii uu Ali, Kitaabkiisa inooga akhriyay.
Ali, inta uu Siilaanyo iyo Saleebaan ka sheegay, cid kale kama sheegi doonto.


Faysal Ali Waraabe, intii uu ku yidhi, hadal keeda iska daa.
Ali, Khayr Alle ha siiyee,  wax badan buu inaga baray Siyaasiyiinta Jeegaanta ka soo jeeda.
Dadka yidhaahda, Ali wuu waalan yahay, waa qaar is indho tiraya.
Ali, ma waala ee waa Nin siro badan haya, oo mararka qaarkood inta uu hayn kari waayo qarxa.
Arrinta kale waxa weeye, Ali Guray waa Nin aan lahayn dhaqanka qabow ee Tolkiis aynu ku xamano.
Ali, waa Nin Reer Ahmed ah, oo  Dhaqan Hawd iyo Miyi leh.
Waa Nin dhiig iyo dhaqanba Hawd xisaabsan, waana Nin dhiig kulul.
Arrinta aan Dad badani fahmini, waa Reer Hawd nimada Ninku leeyahay.
Anigu waxa aan qabaa marka Ninku iska keen waabiyo, aynu u garawno.
Maantana waynu ognahay in aanu Daadka ku soo socda Gacmihiisa ku moosi karin.
Ali Guray, Fikirkiisa waa in Fikir laga hor geeyaa, waana in aynu ixtiraamno.
Haddii aynu Godob falayno waa in aynaan Ixsaanka ka tegin.
CAYDU, MA AHA DHAQAN QOF SUUBAN, ALI, HA KA TIMAADO AMA HA KU SOCOTO.
Maxamed Yaasin Xasan wasiirkii hore ee Dekedaha Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured