10 Qodob Oo Ay Ku Suntan Tahay Qoomiyada Garxajis (The Big Nation)Aragtida Siyaasi Jamac Hilaac.

0
Saturday June 30, 2018 - 02:14:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Qodob Oo Ay Ku Suntan Tahay Qoomiyada Garxajis (The Big Nation)Aragtida Siyaasi Jamac Hilaac.

    Waxa bishan June 13keedi si rasmi ah Buurta caanka ah ee Gacan libax ugu furmay shirweynihi loo balansana ee Qoomiyad Garxajis Isaaq,shirkan waxa ka so qayb galay dad ka badan kun ergey oo ka kala yimid gudaha dalka, debeda wadamada jaarka ah iyo mee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa bishan June 13keedi si rasmi ah Buurta caanka ah ee Gacan libax ugu furmay shirweynihi loo balansana ee Qoomiyad Garxajis Isaaq,shirkan waxa ka so qayb galay dad ka badan kun ergey oo ka kala yimid gudaha dalka, debeda wadamada jaarka ah iyo meelo kale, ergoyinkan oo isugu jira Siyaasiyin,Aqoon-yahano,

Waxa bishan June 13keedi si rasmi ah Buurta caanka ah ee Gacan libax ugu furmay shirweynihi loo balansana ee Qoomiyad Garxajis Isaaq,shirkan waxa ka so qayb galay dad ka badan kun ergey oo ka kala yimid gudaha dalka, debeda wadamada jaarka ah iyo meelo kale, ergoyinkan oo isugu jira Siyaasiyin,Aqoon-yahano,Khubaro milateri,Salaadiin,Madax-dhaqameed, Abwaano,qurbo-joog ,Dhalinyaro iyo dad kale oo miisan culus ku leh bulsada reer Somaliland. Shirkan oo ah mid leh miisan culus kuna so beegmay xili xasaasi ah soona jiitey indhaha beesha caalamka dadka ku nool mandaqadan iyo wadamada jaarka ah kana hadashay Warbahinta maxaliga ah iyo tan dunidu sida Idaacada BBC,Aljasira,Alcarabiya iyo kuwo kale ayaa waxa la filaya in qoomiyada Garxajis oo ah mujtamac miisan culus ku leh dalkan ay kaga hadlan arimo badan oo dan u ah dalka iyo dadkaba iyo kuwooda u gaarka ah shirkan aya la filaya in lagaga hadlo arimaha xiligan taagan sida siyaasada,dhaqaalaha,arimaha bulshada,horumarka,dawladnimada,dimoqradiyada dooroshooyinka,amaanka,dhaqanka iwm ah.


Sooyaalka taarikheed ee qomiyada Garxajis waxa ka mid ah sida tan.


1.Waxay ka mid yihiin qomiyadaha leh saldanadaha ugu faca weyn tarikhida somaalida.
2- Wa qaran iyo quruun ka diwaan gashan bulshada caalamka ( registered in united nations )
3- Wa bulshada ugu dadka badan (population) dalkan,degena boqolkiba 58 dhulka ay degan beelaha dhexe ee isaaq.


4- Wa bulsho degen 11 ka mid ah 14ka gobol ee dalkan.
5- Wa bulsho horseed ka ahayd halganki lagu la dagaalamay gumeysigi ingiriska diley madaxdi sare ee gumeysi sida GIIB, feedhole iyo qaar kolo badan.
6- Wa bulshadi ugu horeysey ee diidey cashurti dawladi isticmaarku dalkan ku so rogtey sanadihi kontanaadki. 50th.


7.Waxa ay ka mid ahayeen labadi qabiil ee dawladnimada ingiriski ku wareejiyey marki gobonimada la helay sannadki 1960.


8- Shacabka Garxajis waa bulsho halbeeg u ah dhaqanka iyo suuganta somalida waxaana ka dhashay in ka badan 300 Abwaano,Hal-abuuro Iyo Fanaanin Kuwaas Qayb libaax ka qaatay halganka gobonimo doonka iyo dib u xoreyntii dalkan waxaana tusaale loo soo qaadan karaa, Haji adan afqalooc, cabdi gahayr,abdilahi qarshe abwaan qaasim,Cali Sugule dun carbeed,ismail cagaf ,ahmed Suleiman bide,Mohamed cumer huryo,Ibrahim gadhle,Xasan Qawdhan iyo qaar kaloo badan.


9- Shacabka garxajis Waa shacab saldhig u ah nabada iyo Xalinta Khilaafadka Qabaailka dhexdooda Waxaana Tusaale loo soo qaadan kara sida u xaliyeen dhacdadi ka dhacday laanqayrta doonbiro 1986 taas oo lagu dilay Suldan Xasan bulbul,khilaafkaas oo beesha habaryoonis ku guulaysatay inay soo afjaraan si deg deg ah taas oo guul u noqotay shacabkii halganka kula jiray Xukumadi. Siyad bare.


10-Waa Qoomiyad Horseed Ka Ahayd Halganki Dib u Xoreynta Dalka Si Weyna Loogu Majeerto, Waxaanay Lahaayen 21kii Mujaahid ee Ugu Geesisana. dadka aqoonta u leh halgankii Snm Waxay aaminsanyihiin in Qoomiyada Garxajis Gaar Ahaan Beesha habaryoonis Sarakiishi kaga jirtay halganku ay laba goor ka badnaayeen Saraakishi beelaha Isaaq oo dhan. Waxaana Saraakisha la Xuso Ka Mid Ahaa, Mohamed-Ali, Col lixle, Muj.Axmed Mire, Harag-waafi ,Cawil cadami, Abdiqadir Koosar ,Xuseen dheere,Ibrahim Koodbuur,Sumuni iyo Xubno kale oo tiro badan.
Waxaan Ugu denbeyn U rajaynaya Shirka Qoomiyada Garxajis inuu Ku Soo dhamaado Guul iyo Gobonimo,Af-garad Midnimo iyo Horumar iyo Nabad Saameya Dhaman Bulshada Somaliland iyo Ta Gobolka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured