Siyaasi Axmed Like oo Taageero Mug-leh la Garab Istaagay Go'aanada Shirka Garxajis Lagaga Mamnuucay Xulufada Jeegaanta, "..Waan ku Taageerayaa Shirka Beesha Garxajis Inaan Lagu marti qaadin Xulufadda Jeegaanta..".

0
Saturday June 30, 2018 - 02:05:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Axmed Like oo Taageero Mug-leh la Garab Istaagay Go'aanada Shirka Garxajis Lagaga Mamnuucay Xulufada Jeegaanta, "..Waan ku Taageerayaa Shirka Beesha Garxajis Inaan Lagu marti qaadin Xulufadda Jeegaanta..".

    ".. Go'aanka kasoo baxay shirka Beel-weynta Garxajis ee lagu qaadacay inaanay kasoo qaygeli karin, Beelaha xulufka ku ah Jeegaanta, waan ku Taageerayaa, waxanan leeyahay way ku saxsan yihiin inaan lagu marti qaadin qolooyinka Jeegaanta ee g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

".. Go'aanka kasoo baxay shirka Beel-weynta Garxajis ee lagu qaadacay inaanay kasoo qaygeli karin, Beelaha xulufka ku ah Jeegaanta, waan ku Taageerayaa, waxanan leeyahay way ku saxsan yihiin inaan lagu marti qaadin qolooyinka Jeegaanta ee galbeedka Hargaysa iyo bariga Burco, waxa kaloon ku taageerayaa Shirka Garxajis midnimada iyo wada jirkaa ay ku qabsadeen shirka ka socdaa Buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil..".

London(Xogreebnews)- Siyaasi Axmed Xasan Cali-yare, ayaa soo dhoweeyey go’aanka Beesha Garxajis ku qaadacday, kasoo qaybgalka shirka Gacan ilbaax Beelaaha galbeedka Hargeysa iyo Burco bariga, kuwasoo ah Beelaha Jeegaanta ee xulufadda ku ahaa Xisbiga Kulmiye doorashadii Madaxtooyadda kal-hore.

Siyaasi Axmed Like oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska, waxa uu go’aankaa Beesha Garxajis ku tilmaamay mid ka turjumaya durufihii kala duwanaa ee Beesha Garxajis kala kulantay mudadii Somaliland jirtay, hoggaamiyaasha Siyaasadeed ee ku suntanaa Jeegaanta, waxana dhawaaqoodani yahay mid mudan in lagu tixgeliyo, tabashooyinka Beeshu ka qabto nidaamka dawladeed ee dalka, sidoo kalena waxa xusid mudan in Beesha Garxajis lagu tixgeliyo dhawaaqeedan oo ka turjumaya tabaashooyin is daba socday, oo runtii u baahan garawshiiyo, tusaale ahaan hadii ay tahay habka Saami-qaybsiga Ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidoo kale, cidda fariintu ku socoto oo loo baahan yahay inay ka waantooban weedhaha deel-qaafka ah ee lagu damqaayo duruufihii 1994-kii. Sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu khadka Telefoonka ku siiyey shabakadda Warbaahinta Xogreebnews.com, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi.

".. Go’aanka kasoo baxay shirka Beel-weynta Garxajis ee lagu qaadacay inaanay kasoo qaygelayn Beelaha xulufka Jeegaanta, waan ku Taageerayaa, waxanan leeyahay way ku saxsan yihiin inaan lagu marti qaadin qolooyinka Jeegaanta ee galbeedka Hargaysa iyo bariga Burco, waxa kaloon ku taageerayaa Shirka Garxajis midnimada iyo wada jirkaa ay ku qabsadeen shirka ka socdaa Buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil..”.

Siyaasi Axmed Like oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey, "…Go’aanka Xulufada Xisbiga Kulmiye iska dhaxashaa ee Jeegaanta lagaga mamnuucay shirka Garxajis waa mid ka turjumayaa durufihii kala duwanaa ee lagu hayey Beeshaas, mudadii Somaliland jirtay, waxanu dhawaqoodani yahay mid mudan in lagu tixgeliyo, oo looga garaabo. Waayo?. Intii Somaliland jirtay ee kooxda Jeenaagta loogu yeedhaa xukunkaa gacantaa ku hayeen, siyaasiyiintoodii iyo madaxdooduba waxay Takoor Isir ah, ku lumiyeen Beesha Garxajis oo wasaarad walbaa iyo goob kastaa oo Haayad dawladeed ahbaa waxa shaqaalaha dawladda %80 u badan Jeegaanta, halkaa Somalilandta kale iyo weliba Beeshan Garxajis aanay saami ku lahayn dawladnimada hadda jirta, tusaale ahaan shaqaalaha dawladda, Ciidamada, madax-waaxeedyada wasaaradaha, iyo shaqaale hoosaadkaba waa laga hor istaagay oo waxa iska hortaagay xulufada aan soo sheegnay”.

Geesta kale, Siyaasi Axmed Like, waxa uu sheegay inay wax badan usoo dul-qaateen Somaliland Beesha Garxajis oo hadda ku shiray Buurta Gacan Libaax. Mar kale isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, "… waxa haboon inaan Beesha Garxajis maalin walbaa la xasuusin nabaradii xaqdarada iyo iskugu taga ahaa ee loo gaystay 1994-kii, aan aamin sanahay inaanay Beel kale oo Somaliland ahi qaadateen gefkaas, waxanan leeyahay waa inaan la damqin oo la dhayaa, gaar ahaana waxan ula sii hadlaya kuwa la baxay Jeegaanta ee isku bahaystay Xisbiga Kulmiye. Xukuumada jirtana waxan usoo jeedinayaa waa in sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyaa go’aanadda shirkaa kasoo baxay, waayo?. Waxa ku jirtaa qaranimada Somaliland iyo wada-jirka dalka, hadii uu Madaxweynuhuu dhagaha ka furaystanaa wax qurux badan masoo socdaan ee degdeg haloo fuliyo… waxan xasuusinayaa cid kastoo samaha Somaliland jecel, doorkii bulshada Garxajis ay ku lahayd xoreyntii dalka iyo aas-aaskii gooni-isku taagii Somaliland. Beelaha Garxajis waxay ahaayeen laf-dhabarkii hal-gankii lagu kiciyey Xukuumaddii keligii taliye Maxamed Siyaad-bare, waxayna lahaayeen hoggaamiyaashii SNM ee dagaalkaa gadh-wadeenka ka ahaa, mana jirto Beel kaga badan dibu-xoreyntii Somaliland. Sidaas daraadeed cidna kama sheegan karto Somaliland, cidna kuma eedeyn karto wax aanay ahayn. Doonidu ama way inala wada degeysaa ama waynu wada fuushanaanaynaa ”. Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Axmed Cali-yare (Axmed Like).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured