26 JUN 1960 XORRIYADDII LA -HELAY IYO HAWADDII SOOMAALI-WEYNTA IYO QIIRADII DEGDEGGA EE 1960 IYO DIB-U-XORAYNTII SOMALILAND Qallinkii. Mahad Cali-Salaan

0
Friday June 29, 2018 - 16:36:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    26 JUN 1960 XORRIYADDII LA -HELAY IYO HAWADDII SOOMAALI-WEYNTA IYO QIIRADII DEGDEGGA EE 1960 IYO DIB-U-XORAYNTII SOMALILAND Qallinkii. Mahad Cali-Salaan

    26 JUN 1960 XORRIYADDII LA -HELAY IYO HAWADDII SOOMAALI-WEYNTA IYO QIIRADII DEGDEGGA EE 1960 IYO DIB-U-XORAYNTII SOMALILAND Qallinkii. Mahad Cali-Salaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

26 JUN 1960 XORRIYADDII LA -HELAY IYO HAWADDII SOOMAALI-WEYNTA IYO QIIRADII DEGDEGGA EE 1960 IYO DIB-U-XORAYNTII SOMALILAND Qallinkii. Mahad Cali-Salaan
Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba As-salamu alaykum iyo farxadda malintii xoriyadda Somaliland 26 Jun.
 
                                                        
Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda
Gu'yaal iyo gu'yaal badan,gama,a noo diiddey
Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda
Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay
Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney
 Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay
 Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey
Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane
Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey
Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey
Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey
Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay
Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey
Goortuu sidkeedii go'aye,galabti fool qaaday
Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday
Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine.
Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban
Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney 
Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay.


Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib leynoo qabsadey ?
Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig?
Se ma la socota in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna  khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar?
Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga?
Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada?
Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su'aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato .
Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd.
Dalalka Soomaalidu leedahay waa shan dal oo kala ah:
1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960.
2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 `
3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey.
4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta.
5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta.
Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli  awgeed uun baa  keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan.
Haddaba waxaa dhacdey Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Q arankoodii,Caasimadoodii,Talad oodii,Dakadoodii,Aqoonyankoodi i iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen.
Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney  waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah:
Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa  ( Fratello=Walaalki i,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB.
Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda Soomaaliya.
Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya.
Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta
Shin maa la arkayaa waa su'aal sharad ka yaallaaye????
Intaan wali dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin
Dermo intaynaan wada seexanayn, waa daliil run ahe.
Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!! 
Waxaa dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh.
Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland  1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada.

Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd iyo qiiradii degdegga ahyd ee  1960.

Wabilaahitawfiiq.
Mahad Ali-Salaan
Bristol



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured