Madaxweyne Muuse Biixi oo Qarxiyey khilaafka Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda iyo Madax-waaxeedyada+ Wasiir Yuusuf oo Ku Fashilmay shaqadiisi iyo Fadeexadaha Musuq-maasuq ee hadheeyey....

0
Tuesday June 26, 2018 - 06:37:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Qarxiyey khilaafka Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda iyo Madax-waaxeedyada+ Wasiir Yuusuf oo Ku Fashilmay shaqadiisi iyo Fadeexadaha Musuq-maasuq ee hadheeyey....

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Qarxiyey khilaafka Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda iyo Madax-waaxeedyada+ Wasiir Yuusuf oo Ku Fashilmay shaqadiisi iyo Fadeexadaha Musuq-maasuq ee hadheeyey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Qarxiyey khilaafka Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadda iyo Madax-waaxeedyada+ Wasiir Yuusuf oo Ku Fashilmay shaqadiisi iyo Fadeexadaha Musuq-maasuq ee hadheeyey....
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, oo shalay kulan la qaatay madax-waaxeedyada Wasaarada Maaliyadda, ayaa xogaha kasoo baxay ay sheegayan, inuu u adkaysan waayey Madaxweyne Muuse Biixi hoos u dhac dhaqaale oo haleelay ilaayo mudadii uu jooga Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa indhihiisa kusoo arkay kala qaybsanaan iyo khilaaf ragaadiyey qaybaha Wasaarada Maaliyadda mudadii uu Wasiirka ahaa Yuusuf Maxamed Raage, oo dhinaca maamulka Raad-baradku ah. Walow Madaxweyne Muuse Biixi uu jeediyey khudbad aad u dheer oo Ku midaynaayo kala qaybsananta Wasaarada Maaliyadda madaxdeeda iyo waaxyaheeda, hadana ma muuqato inay wax soo kordhiyaan.


Hadaba maxaa sababay inay haawato Wasaarada Maaliyadda, iyadoo qaadaysaa cashuurta oo aanay jirin ciday Ku baaqatay. arrimaha iyo kuwo kaloo Ku saabsan shaqsiga uu yahay Wasiirka Maaliyaddu, ayeynu Ku eegi doonaa taxaneenan hadii eebe ogolaado.
marka hore aan soo qaadano waa kuma ninka loo dhiibey wasaarada maaliyada somaliland oo ah meesha dhaqaalaha dalka hogaamisa ama laga hagaba, aqoonsae ma u leeyahey wasaaradaasi?.

Wasiir Yuusuf Maxamed Raage maaha nin leh aqoon maaliyadeed iyo mid maamul sida aan ilaa hada ka hayno aqoontiisa, mana aha xitaa nin leh aqoon sare oo jaamacadeed, sidoo kale maha Wasiirkani shaqsi leh hal abuur iyo himilo curineed. Taas bedelkeeda Wasiir Yuusuf waxa uu caanku yahay inuu habeenkiina qayilo, subaxiina isagoo qaadiroonaya xafiiska yimaado, hadhowna intaa uu bun Ku cabo ka rawaxa. 
Hadii aan intaas aan ku dhaafno aqoontiisa, ayaa inagaga filan ayaan filayaa, balse waxaa cad in odey Madaxweyne Muuse Biixi uu kula dulkufey xilka oo aanu aqoonteeda laheyn, waana ta maanta sababtey in uu mud 7-bilood ah, ay Wasaarada Maaliyaddu la daala dhacayso musharaadka shaqaalaha dawlada, koboc ay samayso daayo. Teeda kale Wasaarada Maaliyaddu waxay gabi ahaanba Ku fashilantay waxka qabashada sixirbararka, iyadoo Tahli kari wayday inay mudada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi jirtay Wasaarada ahaan wax doorka ah ciyaarto, taasna waxay kamid tahay aqoon la'aanta dhalaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi iskugu keenay Wasaarada.
Hadaba, dadka siyaasada Somaliland aadka uga faalooda ayaa isku raacsan, in wasiirka maaliyada md, Yuusuf yar , isla markaana ehlu musuqmaasuqa ah, isagoo marar badan loo xidhay wax isdaba Marin, sidoo kalena shaqada Wasaarada hore looga eryey, markii uu afka u dhigtay lacagihii Kastamka Kala Baydh.
Mudadii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa Mudane Yuusuf Maxamed Raage, waxa Ku kacay falal la odhan karo waa waxyaabaha ragaadiyey Wasaarada mudaada uu jooga. waxanu si badheedh ah oo qeyrul sharci ah uu u shaqaalayn siiyey beeshiisa, isagoo sidoo kalena eryey shaqaale dakhli soo saarayaal ah.
Geesta kale mudooyinkan u dambeeyey Wasiirkani waxa uu shaqadisii kaga mashquulay, isla markaana dhaqaalihii umadda Ku bixinayaa Dhalinyaro beeshiisa ah oo Facebook Ku baahiya amaan dhalanteed ah oo u Ku qarinaayo faashilka Ku habsaday mudadii uu joogay Wasaarada Maaliyadda iyo fadeexadaha musuq-maasuq ee hadheeyey durba la soco qaybaha dambe 
Farxan Warsame Cali.
Hargeysa/ Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured