Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dhaqaale Buuran ku Bixinaysa Rakibaada Kaamaradaha Qarsoon Xili 3 Bilood ku dhawaad ay Hawada ka Maqan tahay Idaacadii Weynayd ee Radio Hargaysa!!!!!

0
Tuesday June 26, 2018 - 03:33:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dhaqaale Buuran ku Bixinaysa Rakibaada Kaamaradaha Qarsoon Xili 3 Bilood ku dhawaad ay Hawada ka Maqan tahay Idaacadii Weynayd ee Radio Hargaysa!!!!!

    Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dhaqaale Buuran ku Bixinaysa Rakibaada Kaamaradaha Qarsoon Xili 3 Bilood ku dhawaad ay Hawada ka Maqan tahay Idaacadii Weynayd ee Radio Hargaysa!!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dhaqaale Buuran ku Bixinaysa Rakibaada Kaamaradaha Qarsoon Xili 3 Bilood ku dhawaad ay Hawada ka Maqan tahay Idaacadii Weynayd ee Radio Hargaysa!!!!!
Waxaa maalmihii u danbeeyay ka Socda Xayndaabka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland qalabka Kaamaradaha qarsoon oo lagu rakibayo qaybo ka mid ah Xafiisyada Wasaaradaasi iyadoo Wasaaradu dhaqaale fiican ku bixisay rakibaada qalabkan.
 
Hasa yeeshee waxaa la isweydiinayaa Sababta Maamulka sare ee Wasaaradda Warfaafintu wax uga qaban la’ yahay Idaacadii weynayd ee Radio Hargaysa iyo inta badan FM-yadii Magaalooyinka waaweyn ee Ceerigaabo,Burco,Gebilay iyo Boorama oo hawada ka maqan mudo ku dhow sadex bilood isla markaana ay Shacabka Somaliland ee deegaanadaasi ku dhaqani u maqli Karin Idaacada Radio Hargaysa oo la sheegay in Ciladi la soo deristay iyadoo haatan dhagaysiga idaacada radio hargaysa ay ku kooban tahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo qudha.
Codbaahiyaha weyn ee Idaacada Radio Hargaysa ayay Ciladi la soo deristay dabayaaqadii bishii April ee sannadkan hasa yeeshee maalmo kooban kadib ayaa dib loo kiciyey kolkii uu dalka yimid Engineer ka socda dalka Shiinaha oo warlaliyahan laga soo iibsaday shirkadooda nasiib daro shan cisho oo qudha ayuu shaqeeyay xili uu dalka dib uga laabtay khabiirkii ka socday dalka shiinaha.
Warlaliyaha weyn ee Idaacada Radio hargaysa oo awoodiisu dhan tahay 100 KWT ayaa ah ka laga dhagaysto Guud ahaan Gobolada Somaliland, dalalka deriska ah iyo meelo ka mid ah dunnida,waana shayga ugu weyn ee Xukuumadu bulshadeeda ku wacyigeliso waxaana Ayaan daro ah in mudada intaas le’eg uu hawada ka maqan yahay taas oo luminaysa bulshadii ku xidhnayd Idaacada Radio Hargaysa.
Marka aynu u soo noqono qalabkan kaamaradaha qarsoodiga ah ee lagu dhex rakibayo kaamboolka wasaaradda warfaafinta ayaa tibaaxo u dhow dhanka maamulku sheegayaan in lagu bixiyey dhaqaale badan kaas oo hawl-wadeenada ka shaqeeya Wasaaradaasi ay u arkaan mid aan daruuri ahayn wakhti xaadirkan isla markaana ay ka horeeyaan Kicinta Idaacada weyn ee Radio Hargaysa Iyo FM-yada Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo daryeel la’aan u fadhiya.
Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Ayaan helin Mas,uul aqoon fiican u leh shaqada wasaaradaasi taas oo dhalisay Khilaafaad ka dhex dhasha Maamulka Sare ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaasi iyo Khilaaf ka dhex taagan Madaxda isaga saraysa hogaaminta wasaaradaasi taasi waxay keentay inuu hoos u dhacii ugu xooganaa ku yimaado barnaamijyadii ay qaybaha wasaaradu soo saari lahaayeen ee laga baahin lahaa Telefishanka Iyo Idaacada Radio Hargaysa.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa la eegi doonaa Talaabada uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaato habacsanaanta Wasaaradda Warfaafinta iyo Xalinta Khilaafaadka soo noq noqda ee wasaaradaasi ka dhex taagan. 
Suxufi Maxamed F. Cabdilaahi
Email Mohamedfaarah@gmail.com 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured