Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha oo ku wargeliyey Shaqaale weynaha Dawladda in la fasaxay

0
Monday June 25, 2018 - 18:58:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha oo ku wargeliyey Shaqaale weynaha Dawladda in la fasaxay

    Hambalyo Munaasbadda 26-ka June iyo Wargelin Fasax "Kana Siib, Kanna Saar" (Ab. C/laahi Suldaan Timacade)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo Munaasbadda 26-ka June iyo Wargelin Fasax "Kana Siib, Kanna Saar" (Ab. C/laahi Suldaan Timacade)
Hambalyo Munaasbadda 26-ka June iyo Wargelin Fasax 
"Kana Siib, Kanna Saar” (Ab. C/laahi Suldaan Timacade) 

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan berito oo  Salaasa ah  taariikhduna tahay 26-ka June  waxa ay ku beegan tahay maalintii Somaliland xoriyadeeda ka heshay Maxmiyadii Ingriiska halkaas oo Hargeysa laga taagay calankii u horeeyey ee xor ah guud ahaan inta Soomaali degto. 


Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda Maalintani  u leedahay guud ahaan shaqaalaha dawladda , sida oo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu helaan fasaxa sannadeedka ay xaqa u leeyihiin, waxa ay ku wargelinayaan shaqaalaha dawladda in maalinta Salaasada oo ku beegan 26/06/2018 ay noqon doonaan maalin  fasax halkaas oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonnaan maalin hawleedkii shaqo iyada oo shaqada lagu soo laaban doonno maalinta Arbacada  ee bishu tahay 27/06/2018

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland  iyo gaar ahaan shaqaalaha dawladda JSL maalintan qaran, waxa aanan u rajaynayaa in  Sannadka sanadkiisa lagu gaadho guul, gallad iyo gobonimo. 

Saaxirkii kala guurraye 
Sarreeyow ma-nusqaamow 
An siduu yahay eegno e 
Kaana siib kanna saar   "Ab. Cabdilaahi Suldaan Timacade” 

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured