Ex. Maareeye Cali Xoor-xoor oo Oloolle Xoogan ugu Jira inuu Bedelo Wasiir Cabdilahi Abokor, Madaxweyne Muuse Biixi ka Xod-xodanaaya Xil Wasiirnimo

0
Monday June 25, 2018 - 03:45:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Maareeye Cali Xoor-xoor oo Oloolle Xoogan ugu Jira inuu Bedelo Wasiir Cabdilahi Abokor, Madaxweyne Muuse Biixi ka Xod-xodanaaya Xil Wasiirnimo

    Ex. Maareeye Cali Xoor-xoor oo Oloolle Xoogan ugu Jira inuu Bedelo Wasiir Cabdilahi Abokor, Madaxweyne Muuse Biixi ka Xod-xodanaaya Xil Wasiirnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex. Maareeye Cali Xoor-xoor oo Oloolle Xoogan ugu Jira inuu Bedelo Wasiir Cabdilahi Abokor, Madaxweyne Muuse Biixi ka Xod-xodanaaya Xil Wasiirnimo
Hargeysa(Xogreebnews)- Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor, ayaa muddooyinkii u dambeeyey baadi goob iyo oloole xoogan ugu jira inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabo Xil wasiirnimo, isagoo labadii todobaad ee lasoo dhaafay madaxtooyadda geeyey odayaal iyo Siyaasiyiin uu Kamid yahay Mujaahid Maxamed Cabsiiye oo ay xidid yihiin Madaxweynaha, kuwasoo Madaxweynaha ka Codsaday inuu Cali Xoorxoor u magacaabo Wasiir, isla markaana ku bedelo Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta wadooyinka Cabdilahi Abokor Cismaan.
Warar ka ag dhow qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda ayaa tibaaxay in Cali xoor-xoor uu Madaxweynaha usoo kaxaystay odayaal iyo waxgaraadka wasteeya, isla markaana Madaxweynaha uga dhammeeya Xil wasiirnimo, xoggaha ayaa intaa ku daraya in Cali xoor-xoor Madaxweynaha ka Codsaday inuu u magacaabo mansab wasiirnimo oo keliya. 
Dhinaca kale maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor, ayaa si Xil loogu magacaabo waxa uu dhexdhexaadiyey, isla markaana ka odayeey soo dayntii Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadow oo la sheegay inuu hadana Madaxweynaha iyo boqorka heshiisinaayo.
Warar kaloo, dheeraad ka oo laga helay qasriga madaxtooyadda, ayaa sheegaya in Cali xoor-xoor ay kaga dhegtay "halla igu bedelo Wasiir Cabdilahi Abokor Cismaan".
Lama ogga inuu Madaxweyne Muuse Biixi fulin doono Codsigaa Cali xoorxoor iyo siyaasiyiinta uu dabada ku wataa oo doonaya in lagu bedelo Wasiirka Gaadiidka Cabdilahi Abokor. Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa hortaala inuu kala doorto Wasiir Cabdilahi Abokor oo mudo dheer lasoo galay halgankii uu ku baadigoobaayey kursiga Madaxweynaha, iyo sidoo kale Cali xoorxoor oo aan maalin si daacada ugu shaqeyn inuu Muuse Biixi Madaxweyne noqdo.
Si kastaba ha ahaatee Siyaasi Cali Xoor-xoor ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii u bedeli lahaa Wasiir Cabdilahi Abokor Cismaan.
La soco wixii kasoo kordhaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured