Safarkii Nabadaynta: Guda-galkii Ceerigaabo iyo Kulannadii Qaybaha Bulshada Qormada 3aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Sunday June 24, 2018 - 02:11:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii Nabadaynta: Guda-galkii Ceerigaabo iyo Kulannadii Qaybaha Bulshada Qormada 3aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

    Safarkii Nabadaynta: Guda-galkii Ceerigaabo iyo Kulannadii Qaybaha Bulshada Qormada 3aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii Nabadaynta: Guda-galkii Ceerigaabo iyo Kulannadii Qaybaha Bulshada Qormada 3aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.
Arooryo hore ayaanu gaadhnay magaalada Ceerigaabo, waxa aanu ku degnay Cadami Hotel. Halkaas waxa noogu yimi Suxufiyiinta Gobolka sida Cabdillaahi Xuseen Darwiish, Xildhibaan Cabdiraxmaan ka tirsan Golaha Degaanka Ceerigaabo, Cuqaal, dhallinyaro iyo qaybaha bulshada. Maadaama oo aanu xilli habeennimo ah guure-soconnay, aroornimadaas waanu seexannay. Diiftii iyo daalka doolka awgii ayaa aannu u gataati-dhacnay. Galabnimadii waxa aanu si kooban oo bariido ah ula kulannay Duqa Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur. 


Sidoo kale waxa aanu aragnay Abwaan Mustafe Maxamed Jibriil (Mustafe Khashab) iyo mudan ka mid ah bulshada magaala-madaxda Gobolka Sanaag. Isla gabbal-dhacaas waxa aanu khadka taleefanka ku kala warhelnay Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), annaga oo si faahfaahsan ugu sheegnay ujeeddada aanu u soo kicitinnay. 

Si ragannimo leh oo bogaadin mudan ayuu u soo dhaweeyay xog-warrankii aanu siinnay. Isla habeennimada kowaad ee aanu gaadhnay Ceerigaabo waxa aanu dood ka galnay hannaanka aanu bulshada ula hadlaynno, annaga oo qoondaynnay in kulanka kowaad ee cuqaasha uu noo hadlo Abwaan Cabdillaahi Xasan-Ganey, oo aanu u wakiillannay in uu waxgaradka ka dhaadhiciyo ujeeddada safarka aanu ku nimi Sanaag. 

Tallaabo kasta oo aanu qaadaynno waanu rogrogi jirnay, falanqayn jirnay oo faaqidi jirnay. Xilliyada qaarkood waxa faallada ka dhalan jiray maandhaaf aan lagu kala tegin. Ninka si wax u arka ama wax tawda waa la qancin jiray, xaaladdiisana waa la dejin jiray. Waa la kala aragti duwanaan jiray oo gondaha ayaa la is dari jiray, aakhirkana dhanka loo bato ayaa la isku raaci jiray. In uu qof wax weeciyo ama la ilduufo ayaanu ka digtoonayn. 

Marba marka ka sii dambaysa waxa sii kordhayay heerkii ogaalkayaga, wacyigayaga ayaa sare u kacayay, waxa aanu la jaanqaadaynnay runta biyo-kama-dhibcaanka ah ee ay dhegahayagu maqlayaan, taas oo aanu maanka ku kaydinnay. Maadaama oo aanu guda-galnay xaajo xasaasi ah, afka iyo addinkaba waanu dhawri jiray. In weedh laaxin lehi naga tagto ayaannu ka taxaddiri jirnay. Waa la garan karaa in ay dheeranayso wax-is-weydaarsiga rag maskaxmaal ah oo loo tirinayo aqoonta afku.

Soo-dhaweyntii iyo niyadsamidii ugu sarraysay ayaanu kala kulannay Xildhibaannada Ceerigaabo, Saxaafadda, dhallinyarada, cuqaasha, Duqa magaalada iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag. Hore ayaanu ka bilawnay tabaabushihii fagaareyaasha xog-waraysiga, waxa la qoondeeyay in aanu subaxnimada la kulanno Waayeelka, Waxgaradka iyo Cuqaasha Gobolka Sanaag. Annaga oo rabnay in aanu ka xaal-waraysanno xaaladda Ceel-af-weyn, sababaha qarsoon ee dhaliyay coladda riiqda dheeraatay, dhacsiinta ujeeddada aanu u soconno iyo hannaanka loo unki karo xal waara oo dadka, deegaanka iyo duunyaduba ku nabad-galaan. Waxa la qorsheeyay in kulankaasi uu ka dhaco xarunta maamulka Gobolka Sanaag.

Aroornimadii 27ka Mey 2018ka oo ahayd dharaartii kowaad ee aanu ku waaberiisanno magaala-madaxda Sanaag, waxa aanu gaadhnay xafiiska Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro). Kaddib markii aanu la wadaagnay barasho guud oo fool-ka-fool ah iyo weedho aanu ku xusnay aasha socdaalkayaga, waxa uu noo sheegay in kulankii madax-dhaqameedku aanu suurtagal ahayn saaka, iyada oo aan xalay si rasmi ah loogu sheegin xilliga xog-waraysigu dhacayo. Sidoo kale waxa uu noo xaqiijiyay in aanay Maamulka Gobolku si buuxda u waregelinnin madax-dhaqameedka, sidaas awgeed waxa aanu isla garannay in kulanka cuqaasha iyo hal-abuurku uu berri qabsoomo. 

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) waxa uu halkaas nooga sheegay kulan-nabadeed muhiim ahaa, oo uu soo jeediyay in aanu ka qayb-galno. Waxa uu yidhi "Waxa Ceel-af-weyn jooga odayaal ka kooban labadii dhinac ee shaqaaqadu dhex martay. Halkaas ayaan hadda tegayaa. Ma is-raacnaa si aad ugu gudbisaan wixii aad gabay iyo hadal haysaan ee ergo ah?”. Sidii ayaanu ugu ambabaxnay magaalada Ceel-af-weyn. Waxa aanu gaadhnay iyada oo kala dareereen guddi ka kooban sagaal ruux oo ka soo kala jeeda labadii beelood ee shaqaaqadu dhex martay, kuwaas oo isla hiirtaas bilaabayay wada-hadalkii lagu maarayn lahaa xugufta dhex martay labada reer oo ood-wadaagta, isir-wadaagta, abtinnimada iyo ehelnimadu ka dhexayso.

Halkaas waxa aanu kula kulannay Md Maxamed Kaahin Axmed Axmed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Gaashaanle Cabdi Axmed Tiir Taliyaha Ciidanka RRU, Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Ceel-af-weyn. Waxa aanu isla garannay in aanu ambaqaadno wacyigelin laga sameeyo deegaannada ay shaqaaqadu ka dhacday. 

Badhasaabka Gobolka ayaa sharxay sababta uu u doorbiday in aanu Ceel-af-weyn u raacno, sidoo kale waxa aannu wasiirka uga warrannay sababta aanu Sanaag u nimi, muddadii aanu joognay iyo dareenka walaanimo ee horseedka u ahaa in aanu fadhiga ka soo kacno. Waxa wasiirka socdaalka ku wehelinayay Boos Mire Maxamed Wasiirka Dhallinyarada iyo Somaliland iyo wefdi xukuumaddu u xilsaartay nabadaynta Sanaag. Waxaanay gobolka ku sugnaayeen ku dhawaad labaatan cisho markaas.
La soco qaybta 4aad idanka Alle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured