Kala Jeclaysiga Masuuliyiinta Qaranka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Page-ka Afhayeenka Madaxtooyada JSL W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas

0
Sunday June 24, 2018 - 01:47:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Jeclaysiga Masuuliyiinta Qaranka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Page-ka Afhayeenka Madaxtooyada JSL W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas

    Kala Jeclaysiga Masuuliyiinta Qaranka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Page-ka Afhayeenka Madaxtooyada JSL W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala Jeclaysiga Masuuliyiinta Qaranka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Page-ka Afhayeenka Madaxtooyada JSL W/Q. Oday Abbas Ahmed Abbas
Maxamuud  Warsame jaamac oo ah ninka ka wakiilka ah Page Afhayeenka madaxweynaha JSL Mudane muuse Biixi Cabdi ayaa waayadan danbe noqday page qabta shaqo ka duwan shaqadii ay qaban jireen pagegkii Afhayeenadii ka horeeyay waxaanu pagekani gabi ahaanba qariyey halaqna  cunsiiyey dhaqdhaqaaqii ama howl maalmeedkii shaqo ee madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana si toosa uu ugu howlan yahay pagekani iyo ninka ka masuul ahiba maxamuud warsame soo dhigida iyo buunbuuninta howl maalmeelka madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland mudane cabdiraxmaan maxmed cabdilaahi saylici iyadoo aynu la wada socono shaqada rasmiga ah ee pagekani hayaa ay tahay qarinta iyo daboolida howl maalmeedka  madaxweynaha, waxaanu si aan dadbaneyn u muujiyaa mar walba oo aad booqatana aad ka dhex dheehan kartaa  shaqada madaxweyne ku xigeenka qaranka mudane saylici,
Inkastoo shaqada madaxweynaha iyo ta madaxweyne ku xigeenkuba tahay wax isku mid ah cida labada masuul howsha u hayaana tahay qaranka JSL hadana waxaan ka madhneyn kana dhex muuqata cunfiga, uqdada iyo  kala jaceylaysiga masuuliyiinta qaranka ee ku jirta afhayeen maxamuud warsame jaamac waxaad ka dhex daalacan kartaa pageka Afhayeenka M JSL, 
Sidaynu la wada socono maxamuud warsame jaamac taariikhdiisa waa nin dhalinyar ah kana soo jeeda beesha garxajis habaryoonis muuse ismaaciil degtana degmada ceerigaabo ee gobolka sanaag, waxaanu hore u ahaa xildhibaan golaha degaanka degmada ceerigaabo laga soo doortay ka dib wuxuu ka mid ahaa dadkii aabahay goblanka madaxweyne siilaanyo intuu hawada ka maqnaa marwada madaxweynihii hore Aamina sheekh maxamuud jirde ku soo magacowday iyadoo ay dabada ka riixayaan odayaal beeshiisa ah markiisii horena lagu tirin jiray dhalinyaro fidma wadayaal ahaa kana tirsanaa golaha degaanka ee degmada ceerigaabo kuwoo qaabilsanaa kicinta iyo iska horkeenida beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhex martay degaanada darar weyne iyo dogoble wakhtigii xukuumadii isxambaarka ahayd ee madaxweyne siilaanyo dalka ka talinaysay halkaana marwo aamina sheekh ugu magacowday xil tukunkiisa ka weyn madaama uu ahaa dhalinyartii gacanta ka siisay hurinta dirirtaa beelaha walaalaha ah ee darar weyne iyo dogoble wasiir kuxigeenka wasaarada gaashaan dhiga JSL, markii xilkaa loo magacaabeyna uu ku fashilmay gabi ahaanba shaqadii qaranku u igmaday sababtuna ahayd isagoòn lahayn xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo ku filan balse lagu bartay rabshad iyo dhexboodida beeshiisa ayay marwadu raacisay inuu ka mid noqdo gudidii xalinta dirirta beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degaanka darar weyne iyo dogoble isagoon markaa lagu tuhunsaneyn wax khibradà oo la xidhiidha waxa afka qalaad lagu yidhaa conflict resolution ayaa bahashii indha la'aanta hayd ee maxamuud xaashi iyo marwo Aamina sheekh ay mar labaad kula dulkufeen, waxase iswadiintu tahay madaxweyne biixi waxa ku kalifay inuu mar kale kula ciiro kuna hafto indhasacaadka maxamuud yare isagoo xil madaxiisa ka weýn madaxweynuhu u magacaabo afhayeenka madaxtooyada JSL ahna shaqsiga u qaabilsan wixii warar ah ee  la xidhiidha ama ku soo kordha howl maalmeedka qasriga madaxtooyada inuu u sii daayo ama la wadaago bulshada JSL isagoo u sii dhex marinaya  saxaafada gudaha iyo dibadaba waxaana lagu xantaa afhayeenka madaxtooyaa JSL maxamuud warsame jaamac in aan xiitaa aanay wanaagsaneyn aqoontiisa xaga luuqadaha Englishka iyo Arabicga xiitaa luuqada soomaaligee uu u  dhashay kuma wanaagsana maaha ruux aftahan ah umadna wax u sheegi kara mararķa qaar waxaadba moodaa hablaheenan yaryaree  saxaafada ku cusub ee inta umada la horkeeno afka  casaystee bujuu bajaada haya guntii iyo gunaanadkii mudane madaxweyne waxaan kugula talinayaa in yarkaa xirfad kaluu ku wanaagsan yahay u raadisaan fiira dheeraad ahna loo yeesho,


Iba xidhka maqaalka 
Nimaan talin jirin  haduu taliyo 
Nin talin jiraa baa taga 
Wabilaahi towfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured