Maxa sababay in xildhibaan kasta bulshaddii soo dooratay ay coloobaan ? WQ:Barkhad-Ladiif M. Cumar.

0
Sunday June 24, 2018 - 01:40:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa sababay in xildhibaan kasta bulshaddii soo dooratay ay coloobaan ? WQ:Barkhad-Ladiif M. Cumar.

    Maxa sababay in xildhibaan kasta bulshaddii soo dooratay ay coloobaan ? WQ:Barkhad-Ladiif M. Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxa sababay in xildhibaan kasta bulshaddii soo dooratay ay coloobaan ? WQ:Barkhad-Ladiif M. Cumar.
Xildhibaan kasta deegaanka laga soo doortay way qawadsan yihiin amaba way kala xidhiidh furteen oo ma jiro xildhibaan dadkii u codeeyey dib ugu soo noqday ama ka war haya, xiitaa haddii aad lugahaaga ugu tagto oo aad usoo bandhigto baahiyaha jira waxa laga yaabaa in aanu ku dhagaysan oo uu kula yaababa inaad u sheegto baahiyo jira sidii aanu masuuliyadiisa ahayn.

Dadkii soo doortay way is waydiinayaan xildhibaankan ay soo doorteen waxa uu u qabtay, waxaana ugu dambaysay maalintii loo codeeyey, shanta sanno ee la doortay dib uguma noqdo dadkii doortay, uma doodo baahiyaha dadkii doortay iyo deegaanadii laga soo doortay, kaliya waxa uu u doodda naftiisa iyo qoyskiisa, taasina waxay sababta in sanad walba dadku ka calaacalaan maxa cadceedda na taagay, maxaanu wakhtiga iskaga luminaynay, maxaanu ugu ololaynayey mar hadii aanu waxba u qaban Karin dadkii iyo deegaankiii laga doortay amaba hadal wanaagsani waa sadaqe ku qancin karin.

Iyadoo sidaas tahay haddana dadku kama tashadaan yaanu qofkii oo kale dib inoogu soo noqon, isla kii oo kale  uun bay shan sanno ka dibna doortaan, isna jidkii kuwii hore mareen uun buu maraa.

Waa dad calaacal iyo cid dambe dooran mayno uun ku jira hadana maalinta la codaynayo la bartay uun in loo istaadho furihii qabyaaladda iyo yaanu reer hebel kaa badinin qushiye reernimo uun u codee, kama waan-toobaan is ciil kaabigii shalay iyo inay sanad walba soo saaraan nin u shaqayaya caruurtiisa iyo qoyskiisa.

Xildhibaanku marka uu codka ka rabo habeen iyo maalin wuu kula jooga wuuna ku baryeyaa laakiin marka la doortay sidii aan dib dambe la isku arki doonin amaba dadkiisa wax dambe ka rabin ayuu u dhaqmayaa, taasaana keentay inay dadkuba nacaan doorashooyinka.

Ma jiro dad qofkii ay doorteen u mahad celiyey oo boqolkiiba hal u qabtay deegaankii laga soo doortay, waxba lagama barto doorashooyinkii dhacay iyo dadkii ku soo baxay waxay kuwii u codeeyey u qabteen.

Maxa ugu wacan in xidhibaankii bacadka loo taagnaa la naco, sababtu waa sidan:

  1. Qofka la doortay maaha marka horeba kii u qalmayey in la doorto.
  2. Qofka la doortay ma fahansana masuuliyadda loo doortay iyo waxa ku waajib ah inuu dadkiisa u qabto.
  3. Qofka la doortay nasiibka keenay oo odayaal qabqable ahna wuxuu ka helay taageero, sidaas buu ku soo baxay hadii uu cid wax tarayaana odayaashii uun buu wax u tuurayaa ama hawlahoodda u dhamaynayaa isagoo u haysta uun inay kuwaasi soo saareen.
  4. Qofka la doortay marka horeba muu lahayn qorshe u muuqday inuu wax ka qabto iyo ajande uu ugu talogalay inuu sameeyo marka uu soo baxo.
  5. Qofka la doortay waa qof baahan wuxuu u fikiraya mar hadii aanad dib u soo noqonayn shantan aad joogto uun ka dhaqo naftaada, qoyskaaga iyo caruurtaada uun horumari intaas uun baa meesha lagu keenay oo aad masuul ka tahay buu marka horaba u haystaa.

 Dad noocaas ah marka la doorto maxaad ka filaysa inay qabtaan, maxaad qaban, hadii aad waydiiso maxa lagu doortay jawaab aad ku qanacdid kama halaysid, marka waxa is helay dad aan xisaabtamayn iyo qof dan leh oo cod uun doonaya inuu ku soo baxo.

Adigoo sifahaasi ku og, isla markaana ogsoon in aanu deegaankii laga soo doortay waxba u qabanayn ayaad cadaab ugu galaysa inaad qofkaasi xun uga hiiliso kii wanaagsanaa qabyaalad awgeed, waayo diintu waxay inoo sheegtay in hadii ay tartamaan qof wanaagsan iyo qof xun aanad qabyaalad ku xulan qofka xun balse qofka wanaaga aad bidayso ciduu doono ha noqdee inaad u hiiliso.

Waxa la yidhi qofka muslimka laba meelood lagama wada qaniinno soomaaliduna waxay tidhi mar I dega alla ha dego mar labaad I dega aniga degan, hadii mar walba oo doorasho timaado aanad dooranayn kii ku haboonaa hadana calaacal uun ku tahay sow adigu ismaad gabin.

Bulsho bisil oo horumar diyaar u ah ayaa qiimaysa qofka ay dooranayaaan, bulsho dib u dhac doonaysa ka ugu liitaa ummadda usoo saaraan, hadii aad Geedka Tiinka ah timir ka doontid inuu kuu dhallo waa nasiibkaa. Inta aanad ka calaacalin qofka ku soo baxaya marka hore qof nadiif ah oo waxku qabta soo xullo hadii uu reerkiina noqon waaya kuwo kale alla dartii ugu codeeya si wax lagugu qabto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured