Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Ka Warbixiyey Xiliguu Bilaabmaayo Mashruuca Dhismaha Cusub ee Dekeda Berbera iyo Hawlmaalmeedka shaqo ee Dekeda oo yeeshay mustaqbal ifaya.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Ka Warbixiyey Xiliguu Bilaabmaayo Mashruuca Dhismaha Cusub ee Dekeda Berbera iyo Hawlmaalmeedka shaqo ee Dekeda oo yeeshay mustaqbal ifaya.
Hargeysa-(Xogreebnews.com )-Maareeyaha Dekadda Berbera Siciid Xasan C/laahi ayaa ka hadlay wakhtiga la bilaabi doono dhismaha dekadda cusub ee Berbera. Waxaanu tilmaamay in ugu danbeyn si rasmiya loo bilaabi doono 30/8/2o18. Oo muddo laba bilood ka dib ah. Waxa kale oo uu xusay in mashruuca waddada berbera corridoor. uu qorshihiisuna meeshu ku jiro. in la bilaabo maareeyaha dekaddaha soomaaliland siciid xasan c/laahi ayaa ugu horeyn isaga oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqa dekadda waxa uu yidhi "dekaddu imika si wanaagsan ayey u shaqeysaa wax dhibaata ihina majirto waxaanan rajeynayaa in mustaqbalka dhaw in dekaddu ay hawlaheeda sii libin laabi doonto iisha allaa "maareeye siciid oo hadlakiisa sii watana waxa uu yidhi "dhismaha dekadda cusub ayaan rajeynaa in ay bilaabanto sida ugu dhaqsaha badan ugu danbeyna waxa ay bilaabmeysaa dhismaheedu 30/8/2o18” Maareeyuhu isaga oo ka hadlaya wadadda isku xidheysa wajaale iyo berbera ee uu ku jiray mashruucan ayaa yidhi "wadadduna qorshaheedu wey ku jirtay mashruucan waxaana filayaa oo aan ku reyja weynahay iyadana hadii ALLE idmo bilaabmo in kasta oo aanan xog rasmiya aanan ka haynin oo wasiirka wadooyinka xog ogaal uyahay” Maareeyuhu mar uu ka hadlayay shirkadda DP World ayaa yidhi "shirkadda DP World muuqaalka guud ee Somaliland wax badan ayey ka bedeshay in dhihii caalamkuna wey inagu soo jeedisay . waxaanan rejaynayaa iisha ALLAA in mashruuca dhismaha dekada cusub iyo mashaariicda kaleba ay noqdaan kuwo sidii loogu talagalay u hirgala” Maareeye siciid xasan c/laahi ayaa inta uu ahaa maareeyaha guud ee dekaddaha Somaliland ayey noqoneysaa in wax qabad mugle uu ka qabtay shaqadiisa qaranku u igmaday sida is af-garadka iyo wada shaqeynta shaqaale weynaya dekeda berbera iyo shariikadda DP World iyo soo iibinta ( TUG BOAT ) Taag casriya oo ay dekada Somaliland ugu weyn ee berbera yeelato dab-damiye casriya Maareeyaha guud ee dekadaha Somaliland ayaa noqonaya mid ku si foobay shaqo wanaaga uu u hayo qaran kiisa Somaliland.
Leave a comment |
|