Xildhibaanada Garxajis Kagga Jira Golaha Guurtida Oo Xukumadda Uga Digay Inay Jiijiso Faquuqa Iyo Kala Qaybinta Bulshada, Uguna Baaqay Inay Farogelinta Ka Dayso Shirka Garxajis weyne. "Raggaa La Xidh-Xidhay Ee Cuqaasha Xorriyadoodii Haloo Soo Celiyo, Haddii Kale "…..

0
Thursday June 21, 2018 - 19:09:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Garxajis Kagga Jira Golaha Guurtida Oo Xukumadda Uga Digay Inay Jiijiso Faquuqa Iyo Kala Qaybinta Bulshada, Uguna Baaqay Inay Farogelinta Ka Dayso Shirka Garxajis weyne. "Raggaa La Xidh-Xidhay Ee Cuqaasha Xorriyadoodii Haloo Soo Celiyo, Haddii Kale "…..

    Xildhibaanada Garxajis Kagga Jira Golaha Guurtida Oo Xukumadda Uga Digay Inay Jiijiso Faquuqa Iyo Kala Qaybinta Bulshada, Uguna Baaqay Inay Farogelinta Ka Dayso Shirka Garxajis weyne. "Raggaa La Xidh-Xidhay Ee Cuqaasha Xorriyadoodii Haloo Soo C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Garxajis Kagga Jira Golaha Guurtida Oo Xukumadda Uga Digay Inay Jiijiso Faquuqa Iyo Kala Qaybinta Bulshada, Uguna Baaqay Inay Farogelinta Ka Dayso Shirka Garxajis weyne. "Raggaa La Xidh-Xidhay Ee Cuqaasha Xorriyadoodii Haloo Soo Celiyo, Haddii Kale "…..
Hargeysa (Xogreebnews.com )-Xildhbaana Aqalka Guurtida Somaliland ee ku abtirsada Beesha Garxajis, ayaa si adag uga haddlay xadhiga ay Xukuumadda kula kacday Cuqaal ka tirsan Beesha Garaxjis oo ay xabsiga u taxaabtay, Waxaanay ugu baaqeen inay si bilaa shuruud ah kusoo dayso, iyagoo uga digeyna inay faraha kala baxdo fara-gelinta ay ku hayso shirka maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa ka furmaya buurta Gacanlibaax ee Beelaha Garxajis qabsanayso.


Xildhibaam Maxamed Maxamuud Yaasin " Dheeg” oo ugu horayn halkaasi ka haddlay waxa kamdi ahaa haddaladiisii "Haddii ay wanaag doonayso Dowladu oo ay doonayso inay wax wanaagsani kasoo baxaan oo ay doonayso Dagaalka guddaha iyo ka Tukaraq inay ku adkaato shirkaa faraha hakala baxdo, shirkaa wanaagiisa mooyee xumaantiisa Dowlada faraha hakala baxdo, waxaanu usoo baxnay xanuunka kasoo boodaya halkaa haddii maanta raggaas oo xidh-xidhan shirkaa la qabto , xanuunka kasoo boodaya ayaanu ognahay, waxaanu leenahay raggaa iminkadaa deg deg haloo soo daayo shirkaana dowladu faraa hakala baxdo..” Ayuu yidhin Xildhibaan Dheeg.

Xildhibaam Muuse Obsiiye " Gacan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay xukuumadda inay farogelinta ka dayso shirka beelaha Garxajis "Waxaan leeyahay xukuumaddu haka dayso dadka dhengeda ay iska xidh-xidhinayso , shirkaa waxay is leedahay wey kasoo baxayaan-ba,  kasoo bixin mayaan Somaliland maanta nin burburinaya oo leh hala burburi oo khilaaf iyo dagaal halaga soo saaro ma jiro, waxaanu ogeyn dhalinyaradii Badda ku dhammaatay ee mustaqbal xummada ka yaacday ,mid la baad la abuurimaayo , iyada waxaan leeyahay” Xukuumadda” iyadaa rabshada wadee haka dayso, haddii ay iyadu salaadiinta dirayso oo ay leedahay dumiyana  ka ogolaan mayno..”…

Xildhibaan Gacan oo haddalkiisa siiwata ayaa ugu baaqay Xukuumadda Muuse inay xorriyadoodii usoo celiso cuqaal ku abtirsada Beesha Garxajis ee la xidhay "Waxaan leeyahay cuqaashaa hala siidaayo shirkooda haka qayb-galaane , dowladuna khayr haka filato,wanaaga hala iskugu baaqo ..”. Ayuu yidhi Xildhibaan Muuse Obsiiye

Docda Kalena Xildhibaan Mukhtaar Xaaji Maxamuud oo isna halkaasi ka haddlay, ayaa sheegay in shirka Gacanlibaax ee Garxajis aanu shar u lahayn Dalka iyo dadka, balse uu lamid yahay uun shirar beeleed-yadii ay beelaha kala qabsadeen, waxaanu ugu baaqay xukuumadda inay joojiso xadhiga ay kula kacayso bulshada reer Somalialnd.  "Diir-qadhaadh "Waxaanu iskugu nimi in aanu kelmad yar ka nidhaano, waxaan leeyahay xukuumadda xadhig xal mahaa  in ummadda xadhig lala dabo-galo iyo cabudhin waxba ma tarto dadkana wey kicisaa , haddii ay wax u tarayso waxay wax u tari lahayd dowladii hore ee duntay ee Soomaaliya oo dadka sii kicisay, Shirkan ay maanta Garxajis ku qabsanayaan halkaa Gacan-libaax wax bello ahi ma jirto, lakiin  waa sidii laga dhigo, haddii ummada iyo xukuumadda loogu sheeko shar inuu kasoo baxaa laga yaabaa , waxaanu xukuumadda kula talinaynaa inay arrintaasi dejiso, joojiso qab-qabashada iyo xadhiga  dadkana aanay kala saarin, waxaanu lamid yahay” shirku” shirarkii ay qabsan jireen beelaha Somaliland ee mid walba ay kasoo bixi jirtay waxa xukuumadda iyo ummaddaba dan u ah…”..Ayuu yidhin Xildhibaan Mukhtaar Diir-qadaadh

Ugu Dambayn waxa isna halkaasi ka haddlay  Xildhibaan Muuse Ibraahin Aw Nuur "Waxaanu rajaynaynaa in midho wanaagsan oo ina anfaca oo Somaliland u dan ah oo u dan ah Beesha shirka qabsatay inay kasoo bixidoonaan , haddii shirka ay istidhaa dowladu is hortaag , taasi waxay keenaysaa awal-ba inoo kala didsanayn oo ummaddu ay kala didsanayd oo ay u baahnayd wax soo ururiya , ummadda Somaliland waxay u baahantahay maanta wixii isku soo ururin lahaa ee miiska iskugu keeni lahaa talo midaysana kasoo saari lahaa ayey u baahantaya, laakiin qanjiidho iyo xangaruufo iyo qayb-qaybin umma baahna ..”.. ” Xildhibaan Muuse Ibraahin Aw Nuur


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured