Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana? Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed? Qormadii 1 aad. Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur

0
Thursday June 21, 2018 - 02:27:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana? Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed? Qormadii 1 aad. Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur

    Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana? Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed? Qormadii 1 aad. Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana? Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed? Qormadii 1 aad. Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur
Allaha u naxariistee Abwaankii, Cusmaan Aadan Xuseen (Cusmaan Askari) heesihii uu curiyey waxa ka mid ahayd; ninka ugu il-dheerbaa dadka ugu ayaan darran,waxaan lala arkeyn baa, isaguun u muuqdee,aheey, Ax maskaxdaa laga abaaroobay.
Sidoo kalena Allaha u naxariiste Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu ahaa Abwaan aragti fog,waxana u sii muuqatay oo uu sii saadaaliyey,sida dawladnimadii markaa la haystay, ay u sarifmi doonto(20) labaadan sanno kadib.sadaashii uu Abwaan Gaariye sii sheegay 1997-kii maanta ayeynu aragnay oo dawladnimadii iyo isku duubnidii umadda Somaliland,sidii ay marba u sii sarifmasay oo ay hoos ugu sii dhacaysay,ayaa maanta magacii soomaliland waxa qariyey oo ka awood batay magaca "JEEGAAN”. Waxa kale oo allaha u naxariistee Abwaan Gaariye xilligaasi sii sheegay in hantida ma guurtada ah,ee uu qarankani leeyahay ee ay ka mid yihiin seerayaaasha xilliiga jilaalka xoolaha lagu badbaadin jiray,dekedaha iyo madaaradu ay ka mid noqon doonaan goobaha sarifka geli doona,waxa uu yidhi Abwaan Gaariyey Maansadisii "ERGO” ee 1997-kii ku yidhi " shalay daalinkaan riday dalbaabu xukumayee,qaar daaqii xoolaha dekediyo madaarkii iyo dawladnimadii sariftaa ka daba yimid,oo sida dawaarlaha ninba dhan u dillaacsaday,degmadii cidiisoo kaligii ka diig yahay.
Akhriste hadii aad eegto, dawladnimadda Maanta Somaliland ka jirta,ma tahay mid loo siman yahay? ,su’aashaasi hadii aad weysiiso beelaha darafyadda ,ee Somaliland waxay kugu jawaabayaan,mansabyadda ama maamulka dawladnimo ee Somaliland min madaxweyne ilaa biyo tooni ama badhi wale 80% waa beesha dhexe oo kaliya. beesha dhexe gudaheeda hadii aad sii waraysatana waxay kuugu jawaabayaan in xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay 60% ay tahay " JEEGAAN” 40%
soo hadhayna ay tahay Somaliland inteeda kale oo dhan,waxaanna muuqata in Somaliland ay maanta marayso marxalad ay aduunyaddu soo dhaaftay oo ay ka soo gudubtay qarnigii 17-aad . Qarnigaasi oo ahaa qarnigii loo bixiyey qarnigii isku dul-noolaanshaha, oo dadkii wakhtigaasi Yurub ku noolaa ay qaarkood gacanta nidaamkii iyo maamulkii dawladnimadda ee wakhtigaasi jiray. Kadibna mansabyadii dawladnimo ee ay hayeen ay ku urursadeen dhaqaale xad dhaaf ah,halka dadka intii soo hadhayna ay ahaayeen kuwo uu bakhtigu uu xalaal u yahay.
Haddaba,talo bixinta ugu danbeysa ee aan siinayo Madaxweyne Muuse Biixi waxay tahay; dariiqaad haysa maaha kii saxda ahaa,ee aad Somaliland ku hogaamin kari lahayd? Madaxweyne haddaba bal dib-isu-noqo oo gasho muraayad aan been ku sheegin ee runta ku sheegta,oo ku tusta xaqiiqadda rasmiga ah,ee Maanta Somaliland ka jirta? Haddaba hadii aan hab-suugaaneed kuugu caburana waxaan ku odhan lahaa; Madaxweyne Muuse Biixina Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aadaa Boorame Kuma Geeyo Daafeed?
Qormadii 1 aad:
La soco qaybaha danbe ……………………………………………………
Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi786@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured