Isku Shaandheynta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dhibka ka Dhalan-doonaa Hadii uu magacaabo shaqsiyaad Mucaaridka uu kasoo Xusho oo laga digay, Labeentii Kulmiye ee guusha Dhalisay oo lasoo dhoweeyey iyo Faashilka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Hada Jirtaa....

0
Saturday June 16, 2018 - 17:02:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Isku Shaandheynta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dhibka ka Dhalan-doonaa Hadii uu magacaabo shaqsiyaad Mucaaridka uu kasoo Xusho oo laga digay, Labeentii Kulmiye ee guusha Dhalisay oo lasoo dhoweeyey iyo Faashilka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Hada Jirtaa....

    Isku Shaandheynta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dhibka ka Dhalan-doonaa Hadii uu magacaabo shaqsiyaad Mucaaridka uu kasoo Xusho oo laga digay, Labeentii Kulmiye ee guusha Dhalisay oo lasoo dhoweeyey iyo Faashilka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Hada Jirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku Shaandheynta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dhibka ka Dhalan-doonaa Hadii uu magacaabo shaqsiyaad Mucaaridka uu kasoo Xusho oo laga digay, Labeentii Kulmiye ee guusha Dhalisay oo lasoo dhoweeyey iyo Faashilka Xukuumada Madaxweyne Muuse ee Hada Jirtaa....
Hargeysa(Xogreebnews)-Warar ka agdhow qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda, ayaa sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi damacsan yahay inuu xilal wasiirnimo u magacaabo shaqsiyaad ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kuwasoo ay kamid yihiin wasiirkii hore ee hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif, oo la sheegay in lagu wado inuu noqdo wasiirka arrimaha gudaha, sidoo waxa isna xoggaha laga helay madaxtooyaddu sheegayaan inay ka muuqan doonan wasiirada siyaasi Siciid Sulub iyo sidoo kale duur, oo labadoodu yihiin waddani.
Haddaba hadii wararkaasi dhab noqdaan siduu noqonayaa xaalka Jamhuuriyadda Somaliland?.
Șu"aashaas jawaabteeda waxay shabakada Xogreebnews.com u bandhigtay Siyaasiyiinta ruug cadaayada qaar kamid, kuwasoo sheegaya hadii ay dhacdo in isku shaandheynta la filayaa Wadani kaga saameyn bato Xisbigii guuleystay ee Kulmiye. 
In dalku gelaayo dhul-gariir siyaasadeed oo saameyntiisa leh, iyadoo ay dhimaan doontoo wixii la odhan jiray Xisbinimadu, taas bedelkeeda sideebay ku badbaadi kartaa Somaliland, Xukuumada Madaxweyne Muuse ee hada fashilantayna kusoo kaban kartaa?.
Xeel-dheerayaasha Siyaasaddu waxay sheegeen in aanu Madaxweyne Muuse Biixi Markii horeba magacaabin raggii guusha ku suntanaa ee sumcada lahaa, kuwasoo weli kamid ah Xisbiga Kulmiye, isla markaana wax kari lahaa dhibka dalka haystaa, sidoo kale shaqsiyaadka tunka buuran ee baraashuudka u ahaa madaxweyne Muuse Biixi, ee markii hore uu ka dul-guuray ee Xukuumadiisu weli u dhitinayso waxay ahaayeen labeen weli caanaha Xisbiga Kulmiye dul sabaynayso, sidoo kale waxa xusid mudan sababihii loo guuleystay Kulmiye inay ahayd, Siyaasiyiin bulshadu nacday oo iskugu tagay Waddani, kuwasoo aan loo baahnayn in lagu soo daro isbedelka baahida loo qabo, haseyeeshee qof ay macquul tahay in lagu soo dar, lakin waxka badan waxa ka dhalandoontaa, in Kulmiye dhexdiisa ay ka dullaaci doonto mucaaridad loo maaro waayaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured