Wasiirka Raad-baradka ah ee Maaliyadda oo Ku Fashilmay Xilkii Wasaarada iyo Fadeexado Musuq-maasuqa oo Hadhayey...shaqaale Beeshiisa ah oo u Siffo Sharci-daro ah u Qoray.....W/Q Farxaan Cali Yuusuf

0
Thursday June 14, 2018 - 07:48:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Raad-baradka ah ee Maaliyadda oo Ku Fashilmay Xilkii Wasaarada iyo Fadeexado Musuq-maasuqa oo Hadhayey...shaqaale Beeshiisa ah oo u Siffo Sharci-daro ah u Qoray.....W/Q Farxaan Cali Yuusuf

    Wasiirka Raad-baradka ah ee Maaliyadda oo Ku Fashilmay Xilkii Wasaarada iyo Fadeexado Musuq-maasuqa oo Hadhayey...shaqaale Beeshiisa ah oo u Siffo Sharci-daro ah u Qoray.....W/Q Farxaan Cali Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Raad-baradka ah ee Maaliyadda oo Ku Fashilmay Xilkii Wasaarada iyo Fadeexado Musuq-maasuqa oo Hadhayey...shaqaale Beeshiisa ah oo u Siffo Sharci-daro ah u Qoray.....W/Q Farxaan Cali Yuusuf
Qoonta ugu weyn ee Ku taala Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shacabweynaha Somaliland Ku tilmaamaa inuu yahayWasiirka Maaliyadda oo Ku Fashilmay shaqadii Wasaaradaasi u qaban jirtay qaran. Isagoo gabi-ahaanba dhulka la galay sumcadii iyo karaamadii Xukuumadda.
Wasiirka Maaliyadda Md Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, waxa uu noqday calooshii la ciyaar hantida umadda durba Ku jeexday Guryo iyo dhulal Ku yaala Xaafada masalaha ee Magaalada Hargeysa. Sidoo kalena waxa uu qaaday Wasiirka Maaliyaddu dariiq qodaxdu Ku badan tahay, oo ah jidka Qabyaalada, isagoo durba boqolaal dhalinyaro ah, oo xaafadiisa ah uga shaqaaleysiiyey Wasaarada Maaliyadda qaab qarsoodiya, halka kuwo kalena uu sameeyey mushaharaad iyo gunno joogta ah. Wasiir Yuusuf oo aan lahayn wax khibrad Siyaasadeed iyo mid mamul toona, ayaan shaqaalahan ay isku haybta yihiin aan u Marin dariiq sharci, haseyeeshee taas bedelkeeda waxa uu Wasiirka ay la noqotay inuu sharciga garab maro, oo u sameeyo Ficilo ceeb weyn Ku ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.
Garaadka iyo aqoonta Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Raage waxa uu siiyey inuu isagoo Wasiir ah, isla markaana haya mid kamid ah mansabyada ugu sareeya ee qaran inuu aflagaado kula kaco Beesha Gobolka Sool oo Ku tilmaamay inay yihiin Dad wax ma tayaraal ah oo dhibku haya qaranka Somaliland, isagoo Ku sheegay in kastamka Laascaanood laga soo geliyo, Khamriga iyo daraagiska oo dhan Somaliland.
Waxyaabaha kale layaabka leh uu Wasiirkan Raad-baradka Ku ah Siyaasadu Ku kacay mudada uu Joogay Wasaarada Maaliyadda waxa kamid ah, inuu samayn kari waayey Miisaaniyad sanadeedkii 2018-ka, isagoo waqti dheer kaddib soo hordhigay Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kaddibna markii ay liqi kari waayeen Golaha Wasiiraddu dib celiyeen, waxana aakhirkii Miisaaniyad sanadeedkii 2018-ka soo sameeyey xubno aqoonyahan ah oo iskugu jira Wasiiro iyo aqoonyahano dalka u dhashay, kuwaasoo soo saxay, kana saaray khaladaadkii ka buuxay ee aan cilmiga Ku fadhiyin.
Ceebta kalee, taasba kasii daran ee Wasiirka Maaliyaddu sameeyey waxay tahay, markii buuga Miisaaniyad sanadeedkii 2018-ka ee u samayn kari waayey ay ansixiyeen Golaha Wakiiladdu, ayaa uu hoosta iska dhigtay, isagoo isku dayey lasoo baxay buug aan lahayn kii la ansixiyey ee Miisaaniyad sanadeedkii 2018-ka. Haseyeeshee waxa uu arrinkaa kala kulmay ceeb iyo fadeexad, isagoo markii ay la yaabeen saraakiisha kale Wasaarada Maaliyadda joogtaa, markii dambe ay Ku qabsadeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo hanti dhawraha guud ee qaran oo ku tilmaamay gef qaran iyo jaahilnimo sharci.
W/Q
Farxan Cali Yuusuf
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured