Wefti Ka Socda Xukuumadda oo Gaadhay Magaalada Laascanood

0
Thursday June 14, 2018 - 06:05:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Xukuumadda oo Gaadhay Magaalada Laascanood

    Wefti Ka Socda Xukuumadda oo Gaadhay Magaalada Laascanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ka Socda Xukuumadda oo Gaadhay Magaalada Laascanood
Laascaanood (Xogreebnews)- Wafdi ballaadhan oo heer xukuumadeed ah ayaa shalay gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wafdigan oo isugu jirey la taliyayaal madaxweyne, gudoomiyayaal, agaasimayaal, iyo saraakiil ka tirsan xarunta madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

La taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir oo wafdigan hogaaminayey ayay socdaalkan ku wehelinayeen xubno ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), agaasimaha guud ee hay'adda qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle (Jabarti Saadle), agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, iyo Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Cilmi Jiidho oo ah sarkaal ka tirsan xarunta madaxtooyada.


Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah mid la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaaladda guud ee gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, isla markaana ay bulshada ugala qayb qaadan lahaayeen munaasibadda ciidul fidriga ee inagu soo fool leh, si ay dadweynaha ula wadaagaan dareenkooda farxadeed ee Ciida.

Gudoomiye ku xigeenka hay'adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Jaamac Xirsi Maxamed (Xawte), ayaa wargeyka Dawan uga warramay ujeedada socdaalkooda, waxaanu sheegay in uu ahaa mid la xidhiidha sidii ay ula soo ciidi lahaayeen shacabkooda gobolka Sool, uguna kuur-geli lahaayeen xaalada guud ee gobolka.

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidiii ay u dardargelin lahaayeen waxqabadkii wafdigii heer qaran ee uu hogaaminayey gudoomiyaha baarlamaanka iyo xoojinta awaamiirtii ay hore uga soo dhaqan geliyeen gobolka.

''Annaga oo wafdi heer xaruumeed ah ayaanu soo gaadhnay maalintii shalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, socdaalkayaga oo ujeedkiisu ahaa sidii aanu bulshada gobolkaa ula wadaagi lahayn farxadda maalinta yoomul ciidda, iyada oo aanu socdaalkayaga ka madhnayn u kuurgalka xaalada guud ee gobolkaa iyo sii ambaqaadida wax-qabadka wafdigii heer qaran ee todobaadyada ku sugnaa gobolkan iyo awaamiirtii ay ka dhaqangeliyeen mudadii maalmaha ahayd ee ay ku sugnaayeen gobolkan.''
Mudane Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen magaalada Laascaanood, waxaanu yidhi 

"Waxaanu kulamo la qaadanay qaybaha ururada bulshada oo ay ugu horreeyaan bahda ciyaartoyada (Sports) iyo warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha gobolka Sool, waxaanay kulamadaasi noogu qabsoomeen is afgarad, aanu isla qaadanay sidii danta guud ee qaranka meel looga soo wada jeesan lahaa, isla markaana loogu midoobi lahaa horumarinta gobolka iyo kor u qaadida baahiyaha ay bulshada gobolku tebayaan, kulamadaa oo ay nala wadaagayeen dhamaan masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka, kuwaas oo aanu uga mahadcelinayno sidii diirranayd ee ay noo soo dhaweeyeen, nooguna muujiyeen dadaalka qaybta ka ahaa socdaalkayaga''

Ugu danbayn gudoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in guud ahaan gobolka Sool iyo degmooyinkiisu ay yihiin kuwo xasilloon oo nabdoon, waxaanu yidhi "Xaaladda nabadgelyo ee gobolku waa mid xasiloon, waxaana ka jirta nabadgelyo buuxda oo taam ah dhamaan degmooyinka gobolka iyo xarunta Laascaanood, bulshada ku dhaqanina waxay ku hawshaysan yihiin weyneynta maalinta ciidul fidriga, iyadoo aan odhan karo waa wax Illaahay loogu mahadnaqo muuqaalka magaalada Laascaanood oo ah mid aad u qurux badan, iyo magaaladii oo dhisantay, isla markaana u fiday dhinac kasta, shacabka ku noolina waxay isugu jiraan mid ganacsigiisa ku hawlan iyo mid ka adeeganayaba.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured